Ramaasnews waa shabakad Somali ah oo la aasaasay 12.08.2008, waxaanay u taagan tahay baahinta warar, maqaalo, cilmi baadhisyo iyo falanqayn xaalada iyo arimaha ka taagan mandaqada gobolka Geeska Afrika iyo macluumaadka duruufaha ku gedaaman dadka ku hadla afka Soomaaliga, Haddii ay noqoto arimaha siyaasada, dhaqaalah iyo bulshadaba.

Dhab ahaantii, hiraalka Ramaasnews waxa weeyaan Akhriska, Maqalka iyo Araga Akhbaarta sugan oo heer xirfad saxaafadeed ku dheehan tahay loo soo tebiyo, kuwaas oo ay saldhig u yihiin cadaalad, ujeedo cad iyo ka dhawrsoonaan: xagjirnimo, xaglin iyo saamayn cid khaas ah.

Maalintan taariikhiga ah ee aanu baahinayno qoloftan cusub ee shabakada Ramaasnews oo ah mid si wayn ula jaan qaadaysa warbaahinta casriga ah ee caalamka, Maamulka iyo shaqaalaha shabakada Ramaasnews waxay fursadan uga faa’iidaysanayaan inay salaan kal iyo lab ah u diraan saaxiibada iyo akhristayaasha shabakada, kuna marti qaadaan inay soo gudbiyaan aragtiyahooda, faalooyinkooda iyo falanqayntooda ku saabsan muuqallkayagan cusub, arimaha geeska iyo caalamkaba. Waxaanu ku boorinaynaa dhamaantood inay Ramaasnews u isticmaalaan bog kulan, dood-cilmiyeed iyo aqoon korodhsi iyo is dhex gal.
Mahadsanidiin
Maamulka Ramaasnews