Hargeysa(Ramaas)May.19,2017-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool soona gaadhaya Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in xiisad dhaqdhaqaad colaadeed laga dareemayo mar kale gudaha magaalada Laascaanood iyo deegaanada Koonfurta gobolka Sool oo mudooyinkii u danbeeyeyba ay ka taagnayd xaalad colaadeed oo u dhaxaysa laba ardaa oo walaalo ah oo wada deg deegaanadaasi.

Waxaana xoguhu noo sheegayaan in xalay ciidamo lagu daad guureeyey deegaanada Koonfurta gobolka Sool kuwaas oo sugaya amaanka deegaanadaasi oo laga cabsi qabo inay mar kale ka istaadhanto colaad sokeeye oo hadda nabadaynteeda lagu jiro,waxaana sidoo kalena wararku sheegayaan in xalay sidoo kale Laascaanood  gudaheeda lagu arkayey ciidamo Koox Koox u socda oo dhex wareegaya gudaha magaalada laascaanood kuwaas oo sugaya amaanka magaalada.

Xiisadan laga cabsida qabo inay ka istaadhanto laascaanood iyo deegaanadaasi ayaa ka danbaysay kadib markii ay laba Habeen ka hor ay dabley hubaysani rasaas ku dhaawaceen Caaqil Maxamud xaaji ismaacil oo kamid ah madax-dhaqameedka gobolka sool kuna  jiray odayaasha iyo madax-dhaqamedka loo xil saaray nabadaynta labada Beelood  kaas oo ilaa hadda aan la garanayn dableyda soo weerartay caaqilkan.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Soola yaa waxa hadda ku sugan wafti uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” iyo madaxdhaqameed ka socda magaalada Burco,sidoo kalena waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaadhaan magaalada Laascaanood wufuud iskugu jira wasiiro iyo madax-dhaqameed ka kala socda gobolada Somaliland oo dhan kuwaas oo dhamaantood u tagaya soo afjarida colaada dabada dheeraatay ee u dhaxaysa labada Beelood ee walaalaha ah ee wada dega deegaanada Koonfurta gobolka Sool.

Gabagabadiina ciidamada Booliska Laascaanood iyo ciidamada Qaranka ee ku sugan gudaha Laascaanood ee u jooga xoojinta nabada ayaa waxay wali ku  jiraan soo qabashada dableydii weerarka ku dhaawacday Caaqil Maxamud xaaji ismaacil kuwaas oo ilaa hadda aan la garanayn.

 

 

 

Ramaasnews-desk

Ramaasnews@gmail.com