Hargeysa(Ramaas)September.9,2017-Waryayaasha ayaa la sheegay inay gudaha magaalada hargeysa ka waayeen Vise Caafimaad iyo mid waxbarasho. Islamarkaana ay xukumaddu tahli kari wayday in ay ka caawiso baahiyahooda aas aasiga ah taas oo sababtay in ay door bidaan tagista Muqdisho si ay uga caawiyaan Madaxda iyo hoggaanka dawladda federaalka ah ee Soomaaliya .

Warbaahinta u shaqaysaa dawladda Somaliland ayaa ah mashiinka baahiya horumarka ay xukumaddu sheegato . Waxaanay u shaqeeyan Xukumad aaney ka helin kaalmo Caafimaad. Waxbarsho iyo tobabar toona .

Wasaaradda arrimaha debadda Somaliland oo warfidiyeenadu rajo ka qabeen inay u fududayso helitaanka Vise ha ayaan haba yarateen wax ugu qaban hawshooda ta bedelkeedana waxa ay ku mashquushay raali gelinta waddamada shisheeye iyo u rax laynta quruba joogta.

Ugu danbayn Saxafiyiintan oo ka hawlgala Wasaraadda warfaafinta ayaa rajo buuxda ka qaba in dawladda Federaalka Soomaaliya ay u fudayndin doonto hawsha ay madaxdoodi gabtay.

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com