Hargeysa(Ramaas)September.14,2017-Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa saaka subaxii hore ka jarmaaday magaalada Hargeysa iyaga oo u jihaystay dhinacaa iyo gobolada Bariga Somaliland.

Waftigan gudoomiye Cirro ayaa ujeedada socdaalkoodu ay ku qotontaa magaalada Burco,iyaga oo lugtooda ugu horeysa ka bilaabi doona magaalada Berbera.

Waxaana ujeedada socdaalkoodu ay daaran tahay ka qayb galka munaasibad balaadhan oo ka dhacaysa magaalada Burco oo lagu soo dhawaynayo taagerayaal iyo siyaasiyiin kusoo biiray xisbiga WADDANI.

 

 

 

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com
Hargeysa/Office