Sooyaalka Sheekada – Qalinkii Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”.

 

Asalka sheekada

Guud ahaan suugaantu waxa ay ka dhalatay in lagu macneeyo awoodda dabeecadda iyo waxyaalaha aan la garan karin ama la qeexi karin ee nolosha. Waxa ay kale oo ka dhalatay in dadku jiritaankiisa ku sugo oo lagu xusuusto dad iyo dhacdooyin mudnaan leh. Waxa ay kale oo ka dhalatay in qofku ku sheego dareenkiisa xanuunka iyo raaxada, liibaanta iyo murugada, guusha iyo guuldarrada ah. Halkaa ayay sheekaduna ka timid.

Intii aan waxqorista la baran sheekada waxaa lagu dhisi jiray xaraf iyo dheellitir aan wax badan kaga duwanayn ta maansada, si ay u noqoto wax carrabka iyo maskaxdu xusuusan karaan oo sideeda loogu soo celcelin karo. Sida waxsoosaarka kale ee maskaxeed oo dhan ee dadka, sheekadu waxa ay u soo bilaabatay si fudud oo la itaal ah garaadkii dadkii hore, dabadeed qunyar qunyar ayay u kobocday. Dadku noloshiisii bilawga ahayd waxa uu ahaa duurgal qadhaabsada oo ugaadhsada. Waxa uu ka koobnaa kooxo tiro yar oo aan ka badnayn dhawr qof. Waaberiga ayaa nolosha loo jarmaadi jiray, gabbaldhaca ayaana la isugu soo hoyan jiray boholo, buulal, ardaayo ama meelihii la midka ahaa ee lagu noolaa. Dab baa la wada kulaali jiray, caweyskaa ayaana la isku dhaafsan jiray war iyo wacaal, sheeko iyo shaahid, kolba wixii xiise leh. Waxa la isu sheegaa waxa ay noqon karaan dad kale oo la soo arkay, dagaal la galay, bahal wax dilay ama la dilay, hawl ugaadhsi iyo sidii ay u dhacday, geesi fal halyeynimo ah sameeyay iwm.

Dhacdooyin kuwaa ka mid ah oo qiimi gaar ah leh ayaa la sii xusuustaa oo beryo dambe laga sii sheekeeyaa. Gaar ahaan waxaa la ilaaliyaa taariikho waxtar u leh aqoonta iyo waayo’aragnimada faca dambe. Kaalinta xusuusreebka waxaa yeeshay dadka waaweyn ee taa u soo joogay ama fac hore ka soo gaadhay. Sidaa darteed qofba ka uu ka da weyn yahay, ka xusuus hayn badan yahay, ama ka sheekayn og yahay waa la dugsan jiray. Sidaas ayuu fac waliba ka ka sii dambeeya ugu gudbin jiray, waxa ayna qayb weyn ka ahayd bulshaynta, dareenwadaagga iyo is’ahaanta kooxdaa wada nool. Qofkuna weligii waxa uu qabay baahi bulsheed iyo in uu meel mudnaan leh ka galo dadka uu ka tirsan yahay, taas ayaana keenta in uu xoojiyo kaalintiisa sheekaynta iyo sheeko-dhegaysiga.

Maanta iyo weligeedba qofku sida aadka u weyn ee uu u xiiseeyo in loo sheekeeyo si la mid ayuu u jecel yahay in uu sheekeeyo. Taasi wax kale ma aha ee waa bulshaynimada qofka iyo abuurtiisa ah in uu dadka kale la qaybsado waayo’aragnimada iyo xogta.

Kolka dhacdadii xilli dheeri ka soo wareego, sheekadii waxaa ku dhaca isbeddel weyn, wax badan baana lagu daraa, laga daayaa oo laga dooriyaa. Tusaale ahaan qisadu haddii ay ku saabsanayd geesi dilay libaax, waa la buunbuuniyaa oo libaaxa waxaa laga dhigaa dadqaad aan weynidiisa iyo awooddiisa wax la mid ah dunida lagu arag, ninkii dilayna sidaa si la mid ah waxaa loo yeelaa awoodo abuurta dadka ka baxsan. Dabadeed dhacdadii taariikheed ee dhabta iyo waaqica nolosha waafaqsanayd waxa ay isu rogtaa sheeko xariiro khuraafaad ah oo yaab iyo amakaag leh. Ha yeeshee taasi qiimiga iyo xiisaha sheekada ma dhinto ee waa ay kordhisaa. Halkii awal waayo’aragimo iyo aqoon laga dhiganayay imika waxaa laga dhigtay xallad, maaweelo iyo dhalanteed maanka lagu nafaqeeyo. Jacaylka iyo danaynta arrimahan dambe loo hayo ayaa haddana keenay in ogaan loo abuuro qisooyin male’awaal ah oo kuwii runta ahaa baro dheeraada. Sidaas ayaa loo jidaystay falkinta sheeko faneed nolosha laga soo dheego oo run loo ekaysiiyo, cidda maqasha ama akhridaana wax u sheegta oo raalli gelisa.

Bulshooyinka dunida oo dhami waxa ay lee yihiin sheekooyin dhaqameed soojireen ah oo la isu soo gudbiyo. Kuwaasi waxa ay badanaa u qaybsamaan laba jaad oo ka la ah: mid ay bulsho sooyaalkeeda wax kaga sheegto, iyo mid ay dunida kale ee aanay aqoon ku sifayso; dunidaas oo ay mar ka baqato, mar ka haybaysato, mar colaadiso, marna quudhsato. Ta gudaha ku saabsani badanaa waxa ay ka hadashaa halyeyo iyo guulo ay bulshadaasi sheegato kuna dhaadato. Sidaa darteed waxaa looga dan yeeshaa in wanaag la isku barbaariyo. Ta kalena in ummado kale lagu liido, ama dunida iyo dabeecadda aan la aqoon lagu maleeyo.

Gilgaamish

Sheekada la yidhaahdo Gilgaamish waxaa lagu qoray dhulkii Mesobotamiya (Ciraaq) afar kun oo sano hortood, waana mid ka mid ah qoraallada ugu da’san ee aadamigu reebay. Waxa ay u qoran tahay tix ahaan, waxaana ay ku saabsan tahay inaboqor magacaa leh, kaas oo xoog iyo han weyni lagu mannaystay. Waxa uu u hub qaadanayaa in uu soo dilo Hororka Kaynta oo ah noole laxaad iyo halis badan, kaas oo dad iyo duunyo laga soo hooysan waayay. Kolka uu taa fuliyo haddana waxa uu u dhaqaaqayaa in uu ka war keeno awoodda jiritaanka iyo dhimashada ka dambaysa. Nin ay jaal ahaayeen oo qaali u ahaa ayaa dhimanaya, taas oo lagu macneeyay in ay ilaahyadii la rumaysnaa Gilgaamish ku ciqaabayeen hankiisa iyo damaciisa weyn. Dabadeed murugadii iyo anfariirkii uu geeridaa ka qaaday ayuu bilaabayaa in uu raadiyo sirta dhimashada si uu dhimashadaa u joojiyo.

Haddaba Utnabistimoo ah qofka keliya ee la siiyay nolol aan dhimasho lahayn ayuu Gilgaamish la kulmayaa oo wayddiinayaa taa sirteeda. Kaasina waxa uu ku bilkeedayaa haddii uu doonayo in uu jawaabta helo in uu horta soojeedo oo aanu seexan toddobaad xidhiidh ah. Imtixaankaa oo sida muuqata dabciga dadka ka adag Gilgaamish wuu ku guuldarraysanayaa, halkaas ayayna awooddiisu ku joogsanaysaa.

La ma sheegi karo sheekadaasi in ay xilligii la qoray ku saabsan tahay, waxaa se loo badinayaa in ay ahayd wax hore u soo jiray laakiin berigaa la qoray.

Hiddaha soomaalida waxaa ku jira sheeko xariiro badan oo waxyaalo aad u ka la duduwan ka hadasha. Kuwaas qaarkood waxa ay ka hadlaan duunqaarada (noolaha aad dadka ahayn) oo garasho iyo cod la siiyo dabadeed iyada oo dabcigooda iyo dhaqankooda la eegayo sheekooyin laga male’awaalay. Suugaanta jaadkaas ah afka qalaad waxaa lagu yidhaahdaa fabel. Kuwo kale waxa ay ku saabsan yihiin awowyada tolalka soomaalidu ku abtirsadaan oo la sarraysiinayo, kuwaas oo badanaa lagu sifeeyo welinnimo, halyeynnimo iyo garasho badni. Sheekh Isxaaq in uu ahaa nin wali oo ku abtirsada durriyaddii Rasuulka (scw), in uu masalle sabbaynaya badda kaga soo gudbay si uu Diinta Islaamka Afrika ugu faafiyo, iyo in uu ahaa nin xikmad badan ayaa sheekooyinkaa ka mid ah. Waxaa kale oo ka mid ah Daarood Ismaaciil in uu ahaa nin wali ah oo joogi jiray duni sida jannada loo sakhiray, oo uu ku noolaa sarar taranta iyo durdur aan go’in.

Sheekooyinka soomaalida ay wax ka jiraan laakiin la buunbuuniyo waxaa ka mid ah qisooyinka Cigaal Shidaad, oo ah kuwa ugu madaddaalo badan. Caadada dadka ayay ka mid tahay qisooyin ka isku jaadka ahba in isku meel loo celiyo, sida ay bulshooyinka Bariga Dhexe qosolka ugu abtiriyaan qofnimo la odhan jiray Juxa. Sidaas ayaynnu innaguna Cigaal Shidaad yeellay. Badanaa ninka fulaynnimo ku sifooba dadnimada kale oo dhan waa laga qaadaa, laakiin Cigaal Shidaad waxaa laga dhigay fulay qalbi wacan oo maadeeya. Sababtaas ayaa sheekadiisa looga xiise dhici waayaa.

Arraweelo

Waxaa la yidhaahdaa:

”Arraweelo waxa ay ahayd boqorad awooddii talada ragga xoog kaga maroorsatay. Si ay xukunka u haysato, isla markaa haweenka ragga uga sarraysiiso, waxa ay go’aan ku gaadhay in ay ragga dhufaanto. Kuwo ay dhufaantay ayaa ciidan u ahaa oo kuwa weli qoodha ah ku la dagaallami jirtay. Waxaa se sutida u qabtay oday garasho badnaa oo la odhan jiray Oday Biiqay…”

Soomaalidu waxa ay isku raacsan tahay Arraweelo in ay ahayd boqorad dhab u jirtay xilli aad u fog. Dhagxaan aad loo tuuray oo loo yaqaan Taallada Arraweelo ama Taallo Tirriyaad ayaa dhulka soomaalida degto badankiisa lagu arkaa, waxaana la sheegaa waxaasi in ay yihiin raadad ka hadhay Boqortooyadii Arraweelo. Sidaa darteed waxa ay u eg tahay boqorad rag xukunka ku qabsaday colaad kululi dhex martay. Ha yeeshee fikirkeedu in uu ahaa in ay ragga oo dhan dhufaanto garashada ayaa diidaysa, waxa ayna ka hor imanaysaa abuurta dadka. Waa mare, in ay ragga wada dhufaanto macnaheedu waa in ay bulshadeeda dabargo u qoondaysay, iyada oo ay dadkii hore awood walba saari jireen tarankooda. Waa marka labaade, haweenka kale Arraweelo taloxumadaa garab ku ma ay siiyeen.

Sidaa darteed qisada runteedu waa in ay Arraweelo niman taladeeda diiday ama damcay in ay xukunka ka ridaan la dagaallantay. Markaa koodii ay qabato in ay dhufaanto iyo in ay dishaa waa isku mid. Waxaa kale oo run noqon karta Arraweelo markii ay aragtay sida raggu u liidayo ee talada ugu quudhi la yihiin in ay haweenka dhiidhi gelisay si ay taageero uga hesho. Waa taas ujeeddada ay u lee dahay: ”Waxa ay raggu doonayaan diida xitaa haddii aad doonaysaan, waxa ay diidayaanna doona xitaa haddii aad diidaysaan.” Markaa Arraweelo waxa ay ahaan kartaa qof u halgamaysay simidda ragga iyo dumarka, laakiin ay kuwii xukunka ku la loollamay magaca ogaan uga dileen oo kaga beensheegeen in ay ragga wada dhufaani rabtay.

Alf leyla wa leyla

Dhaqanka carabtana waxaa ka soo baxday qiso laga yaabo in ay tahay ta dunida ugu caansan oo la yidhaahdo Alf leyla wa leyla(Kun habeen iyo habeen).Waxaa lagu sheegi karaa qisooyin badan oo laakiin buug la isugu geeyay lagana dhigay in ay meel qudha ka soo wada baxeen. Sheekada qisooyinkaa asalka u wada ahi waxa ay u dhacdaa sidan:

Beri waxaa jiri jiray Suldaan nolol liibaan leh qasrigiisa ku la noolaa marwo uu aad iyo aad u jeclaa. Aad ayuu u xannaanayn jiray ooridiisa, wax walbana wuu u huri jiray wanaaggeeda. Ha ahaatee nasiibdarro iyadu waxa ay ahayd qof xun oo aan daacad ahayn, waxaana ay xidhiidh qarsoon la lahayd nin kale. Kolkii uu Suldaanku taa ogaaday inta uu muraaradillaacay ayuu naagtii qoorta ka gooyay. Intaas uun ma aha ee haddii uu ahaan jiray suldaan wanaagsan oo jacayl badan, waxa uu noqday horor dhiigyocab ah. Nidar waxa uu ku galay weligii in aanu naag dambe aamminin. Waxa uu caadaystay habeen kasta in naag cusub loo hooyo, dabadeed aroorta kolka waagu beryo uu qudha ka jaro.

Iyada oo xaalku sidaa yahay ayay gabadh la yidhaahdo Shahrasaad oo nin wasiir ahi dhalay soojeedisay in iyada caawa Suldaanka loo guuriyo. Waa la yaabay oo loo qaadan waayay, waxaana la mooday inantu in ay waalatay, waayo waa la ogaa haddii ay sidaas yeesho in ay aroorta xigta dhimanayso. Kolkii se la qancin kari waayay sidii ay doonaysay ayuu se aabbaheed u yeelay oo isaga oo aad uga murugaysan suldaankii macangegga ahaa ayaa Shahrasaad loo geeyay.

Inantu waxa ay ahayd qof garaad badan oo aan sheekaynteeda laga xiiso dhicin. Haddaba habeenkaa kolkii qasrigii la geeyay, suldaankii waxa ay ka codsatay arrin qudha taas oo ah habeenkaa nolosheeda ka hadhay in uu u oggolaado walaasheed in ay halkan ugu timaaddo oo weheliso. Suldaankuna wuu ka yeelay. Dabadeed cawayskii inantii waxa ay walaasheed Shahrasaad ka codsatay in ay u sheekayso. Iyaduna, kollay waa wax la isla ogaaye, waxa ay u bilawday sheeko aad u xallad iyo xiise badan, suldaankuna wuu dhegaysanayaa. Haddaba inantu gunaanadkii sheekada waxa ay dabada kaga gunudday sheeko kale oo iyaduna aad u xiise badan oo qabyo ah. Waaberigii kolkii suldaanka ninkii naagaha u dili jiray u yimid, walaasheed dhulka ayay isla dhacday oo baroor ayay bilawday iyada oo suldaanka ka baryaysa in uu maanta oo qudha walaasheed dilka ka daayo si ay caawa sheekada qabyada ah ugu dhammayso. Isaguna wuu ka yeelay oo Shahrasaad aroortaa dilkii wuu ka baajiyay, isaga oo sida muuqata qudhiisu qisada qabyada ah aad u xiisaynaya. Sidaas ayay ku wadday habeen walba in ay sheeko macaan u mariso dabadeed waabberiga mid cusub oo qabyo ah ku gunuddo. Sidaas ayuu isaguna aroor kasta nolol ugu daayaa si ay habeenka xiga sheekada ugu sii waddo. Waxa ay arrini socotaba, waxaa la isla gaadhay kun habeen iyo hal habeen oo ay uga soo sheekaysay kun sheeko iyo hal sheeko oo quruxda iyo xiisaha ka la daran.

Cishadii dambe Shahrasaad suldaankii waxa ay u dhashay wiil qurux badan. Dabadeed wuu jecladay oo guursaday. Maalintaa ka dib suldaankii wuu ka bogsaday nacaybkii uu dumarka u hayay, waxa uuna mar kale noqday suldaankii wanaagsanaa ee la jeclaa.

Qisooyinka kun habeen iyo habeen waxa ay ku saabsan yihiin waxyaalo aad u ka la dudduwan iyo dhulal badan. Sheekooyinkaas oo lagu qoray magaalada Baqdaad qarnigii 1000-aad, badankoodu waxa ay ka soo jeedeen suugaan hore oo dhulka Faaris/Eeraan ka jirtay ha yeeshee aan markaa ka hor qoraal lagu hayn. Qoraalka sheekooyinkaa run ahaantii ku ma cadda sida ay u yihiin kun iyo hal sheeko. Sidaa darteed waxaa dhacday in la qayb qaybiyo oo la isku celceliyo, iyada oo laga yaabo sheeko qudha in dhawr loo qaybiyo. Kuwa ugu caansanna waxaa ka mid ah Cali Baaba iyo afartan tuug, Sindibaadkii Badmareenka ahaa, Calaa-u-Diin iqk.

Haddaba kol haddii fikirka iyo aqoonta dadku intaa korayaan, sheeko xariirada  abuuristeeda iyo haynteeda waxaa ku dhaca isbeddel koritaanka garaadka dadka la socda. Ummad kasta xilli walba heerka aqoonteeda ayaa go’aamiya waxa ay halabuurto; waxa ay rumaysato ama beensato; jeclaato oo kaydiso ama nacdo oo illawdo. Maanta khuraafaad badan oo soojireen ah baa la ilaaliyaa, waayo waxaa aragti lagaga helaa fikirkii iyo noloshii quruumihii hore. Ama wax ay noqon karaan wax maskaxda iyo khayaaliga ilmaha lagu kobciyo.

Dunidu maanta waa ay isu wada furantay, wax walbana waa la isdhaafsaday. Taa darteed suugaanta waa la ka la turjuntay oo af kasta oo nool waa loo guuriyay. Dadku waxa uu ku socdaa in uu fikir ahaan iyo dhaqan ahaan aad isugu soo wada dhowaado. Sidaa darteed soomaalida waxaa ka dhex bilaabatay in suugaanta bulshooyinka kale la barato oo la soo turjumo.

Sheeko faneedda cusub

Ugu horreyn wax kasta oo qoran maanta waxaa loo qaybiyaa laba jaad oo ka la ah farshaxan ku dhisan male’awaal, iyo xaqiiqo lagaga hadlo aqoonta iyo xogta. Ha yeeshee waxaa dhacda labadu in ay mararka qaar isku dacaldhabaan oo aan dhinacna toos loo raacin karin. Tusaale ahaan sheeko faneedda male’awaalka ahi waxaa jirta mar ay u dhowaato taariikh nololeed qof iyo dad dhab ah, noocaas oo beryahan dambe Yurub aad ugu xoogaystay. Waxaa se sheeko faneedda loo qaybin karaa mid caadi ah (novel), sheekoxariiro (saga), khayaali cilmiyeed (cines ficsion iyo dembibaadhis (detective).

La isku ma raacsana sheeko faneeddii ugu horreysay ee la qoray ta ay ahayd iyo cidda qortay. Reer yurubku markiiba waxa ay la soo boodaan qisada magaceeda la yidhaahdo Don Quijote oosannadkii 1605 uu dalka Isbeyn ku qoray nin lagu magacaabi jiray Miguel de Cervantes. Dad kale waxa ay haystaan sheekadii kowaad in ay ahayd Genji Monogatari oo ay sannadkii 1010 dalka Jabbaan ku qortay gabadh la odhan jiray Murasaki Shikibu. Buuggan dambe waa xusuusqor ku saabsan laba sano oo ay Murasaki Shikibu adeegto ka ahayd aqalka boqortooyada Jabbaan wixii halkaa ka dhacayay. Anigu ma aan akhriyin waxaa se la yidhi waa buug ka la dhigdhigaya dhacdooyinkii iyo duruufihii nololeed ee aqalkaa ka jiray.

Haddaba iyada oo ay dhab tahay sheeko faneedda cusub dhaqangalkeedu in uu Yurub ahaa, kuwii ugu horreeyay waxa ay ku salaysnaayeen amuuraha diinta iyo in dadka barbaarin iyo waxbarasho looga dhigo. Waxa ay ahayd xilligii ay weli diintu awoodda badan qaaradda ku lahayd, sidaa darteed wax walba taas ayaa loogu danaynayay.

Kalawareeggii qarnigii 15- iyo 16-aad Yurub waxaa u bilawday xilli loo yaqaanRenaissance oo la macne ah dibudhalasho ama cusboonayn. Ugu yaraan laba qarni oo maalintaa ka horreeyay reer yurubku waxa ay aad wax uga barteen, oo af laatiin ku soo turjumeen, culuuntii muslinka gaar ahaan gobolka al-Andalus. Magaalada Tolido ee muslinku ka talinayeen ayaa waxbarashada iyo turjumaadda caynkaas ah xarun u ahayd. Yurub berigaa waxaa la yu’an jiray Ilbaxnimada Muslinka iyo sida xorta ah ee ay maskaxda u adeegsadeen, isla kolkaas oo Yurub loo xayirnaa wax kasta in diin loo celiyo. Ha ahaatee waxaa bilawday in caajis weyni ku yuurursado aqoonta iyo waxsoosaarka maskaxeed ee muslinka. Isla markaa ayay reer yurubku bilaabeen cusboonaynta iyo dardar gelinta wixii ay heleen. Waxa la cusboonaynayay badanaa waxa ay ahaayeen isla wixii muslinka laga bartay, oo xitaa ay ku jirto aqoontii Giriiggii hore oo in badan oo ka mid ah af carbeedka laga soo guuriyay. Ha yeeshee sababo la xidhiidha iscolaadintii ka dhexaysay muslinka iyo masiixiga darteed aad baa Yurub looga gaabsan jiray taa in la qiro. Xilliyadan dambe oo ay Yurub ilbaxniimada dunida hoggaanka u qabatay, isku kalsooni weyn oo nafsadeedna heshay, ayay bilaabeen in ay taa qiraan.

Sababta dib u dhalashada iyo cusboonaynta fikirka Yurub intaas uun ku ma iman, waxaa se kale oo weheliyay qaaradda oo aad ugu barwaaqowday khayraadkii laga soo bililiqaystay dhulalkii ay beryahaa ku duuleen. Taa waxaa caddaynaya dalalka ay cusuboonayntu ka soo baxday waa isla kuwii hantidaa la soo boobay aad u soo gashay (t.a Isbeyn, Talyaaniga iyo Biriteyn). Meel haddii hodantinnimo dhaqaale ku xoogaysato dadku waxa ay helaan fursad ay nolosha kaga fekeraan, dabadeed badanaa waxaa xoogaystay halabuurka iyo hindisaha.

Dhinaca kale, xilligaa Yurub waxaa ku batay dadka waxbartay tiradooda iyo tayadooda. Waxaa kale oo qiimodhacday diinta oo awel loo xakamaysnaa. Tan dambe waxaa kaalinta ugu weyn ku lahaa kacaankii dibuhabaynta diineed ee Martin Luther, ninkaas oo sida la og yahay fikirkiisu aad u wiiqay awooddii kiniisadda.

Haddaba Miguel de Cervantes oo reer isbeyn ahaa waxa uu ku naafoobay dagaal Isbeyn iyo Imbaradooriyaddii Cismaaniyada dhex maray. Dhawr sano oo dambena waxa uu lahayste ku ahaa Waqooyiga Afrika. Kolkii uu dalkiisa ku noqday waxa uu galay xabsi kale. Intii uu xidhnaa waxa uu akhriyi jiray sheekooyin isku wada jaad ah oo berigaa ka hadli jiray dagaalyahanka fardafuulka ah ee masiixiyadda u dagaallami jiray. Ha yeeshee berigaa dagaalladii fardafuulka dineed ma socon oo waa ay dhammaadeen, sidaa darteed halabuurkaa waxaa lagu salayn jiray fardafuul male’awaal ah oo u hiilinaya dulmanayaasha bulshada.

Servantes isaga oo sida muuqata halabuurka sidaas ah ku daalay ayuu go’aansaday in uu qoro sheeko taa liddi ku ah. Halkii fardafuulka la sarraysiin jiray ee laga dhigi jiray niman samaha u taagan, isagu waxa uu abuuray sheeko ku socota nin aad u akhriyi jiray sheekooyinkaa, dabadeed qofnimadiisii oo dhan dhalanteedkaasi ka buuxsamay. Waxaa ku dhacay ismoodsiis, waxa uuna isu qaatay qudhiisu in uu ka mid yahay nimankii wax laga qorayay. Waxa uu baadhay guriga, waxa uuna ka helay qalab dagaal oo gaboobay. Waxa uu madaxa gashaday maddiibad/baaquli uu ka dhiganayo koofiyadda birta ah ee dagaalyahanka. Waxa uu soo qabsaday neef aad u liita oo faras ku magacaaban. Miskiin reer miyi ah ayuu kaxaystay oo gacanyare ka dhigtay. Dabadeed dalka ayuu isku sii dhex daayay iyada oo dhalanteedku tusayo in uu yahay geesi shaaximan oo bulshadiisa dulmiga ka safaynaya.

Tusaale ahaan haddii uu arko haweenay gaadhifaras lagu wado maankiisa gurracani waxa uu tusay in ay tahay boqorad la soo afduubay, waxa uuna galay halgan uu doonayo in uu ku badbaadiyo. Sidaas oo kale haddii uu arko niman tuugo ah oo maxaabbiis ahaan askari u waddo waxa uu istusay in ay yihiin rag dulmi lagu qafaashay oo hiilkiisa u baahan. Dhaqankaa waallida ahi waxa uu iska horkeenay mudane Don Quijote iyo bulshadii caadiga ahayd. Mar waa laga maadsanayaa, mar kalena itaalkiisa liita ayaa la tusayaa. Isaguna waxa uu la yaabban yahay dadkan uu intaa u halgamayo ee haddana in ay taageeraan iska daaye aan xitaa abaal iyo mahad u hayn.

Sheekada Don Quijote in ay sidaa u dhaliilayso waaqica bulsheed, kana duwan tahay suugaantii xilligeeda ee dacaayadda iyo xayaysiiska ku dhisnayd, ayaa keentay in Yurub looga bixiyo ”Hooyadii sheekooyinka”.

Horraantii xilliga kaa xigay ee Yurub looga yaqaan Enlightement – Iftiiminta, waxaa soo baxay sheekooyin jaad kale ah oo aad u shaacay aadna loo jeclaaday. Waxaa loo yaqaannay Sheekooyinka Socdaallada, waxaana ay ku taxnaayeen socdaalladii badaha ee ay reer yurub dunida galaabixiyeen. Qisooyaankaa waxa ay ku macnanayeen ama ku malaynayeen bulshooyinka kale iyo dunida aanay aqoon.

Laba nin oo u wada dhashay jasiiradda Biriteyn oo la ka la odhan jiray Daniel Defoe (1660 – 1731), iyo Jonathan Swift (1667 –1745) ayaa wacdaro ka dhigay qorista sheekooyinka caynkan ah. Ka hore qisooyinkiisa aad u caanbaxay waxaa ka mid ah ta ciwaankeedu yahay Robinso Cruseo oo ka hadlaysa nin dhallinyaro ah oo doonniyi ku la caaridday jasiirad go’doon ah, halkaas oo uu keli ku ahaa 28 sannadood. Sidii uu u noolaa, wixii uu la kulmay iyo sidii uu ku badbaaday ayay qisadu ka sheekaynaysaa. Waxa ay xadantaynaysaa maskaxda qofka reer yurub oo ay beryahaa waxaasi ka guuxayeen. Sida aadamigu dunida keli ugu yahay, sida ay tahay in uu kartidiisa iyo karaankiisa ku meelmaro, sida ay tahay in uu dabeecadda laylyado, sida ay tahay qofka reer yurub in uu dadyowga kale oo dhan gondihiisa dhigo, waxaas oo dhan ayay sheekooyinkaasi bulshada barayeen.

Sheekadan Robinso Cruseo dib baa loo qaabeeyay iyada oo sida ugu habboon loo waafajinayo arrimahaa aynnu kor ku xusnay, cunsuri Jarmal u dhashay oo magaciisu ahaa J H Campe ayaa qisadaa aad u sii farageliyay.

Dhalashadii Kacaanka Faransiiska ka dib, dagaalyahankii weynaa ee la odhan jiray Napoleon waa kii Yurub oo dhan iyo Waqooyiga Afrika duullaammo isdabajoog ah ku ekeeyay, waxaana dhacay dhimasho iyo burbur badan. Dabadeed Yurub waxaa ka curatay suugaan loo bixiyay romantic. Waxa ay dhex muquureen qiiro nafsadeed oo ruuxda hoos loogu noqonayo. Jacayl xanuun iyo dhimasho leh, dunida muuqata oo laga hiyikaco oo dhulal kale loo hiloobo, dhaqankii qarniyadii dhexe oo loo boholyoobo, daawashada iyo sifaynta dabeecadda oo loo go’o, iyo xabaalaha iyo meelaha cidlada ah oo la weheshado, waxaas ayay halabuurradu xiiseeyeen. Gaar ahaan gabayga Ingiriiska ayay tani aad isugu dheehday. Sheekooyin baqdin iyo argagax miidhan ah, oo ka hadla bahalnimo, dadqalnimo, qoryoismaris, silicdil, jiman iyo mugdi ayaa xogaystay (t.a. Mary Shelley: Frakenstein 1822).Suugaanta jaadkaas ahi waxa ay meel iska dhigtay xilkeeda bulsheed, waxa ayna ku ekaatay khayaaliga qofkeeda.

Xilligaa romantic la lee yahay waxaa kale oo qaaradda ka soo baxay sheekooyin aad iyo aad u horumarsan gaar ahaan dhulalka Faransiiska, iyo Ruushka. Victor Hugo waxa uu ahaa gabyaagii dalka Faransiiska ugu weynaa xilligaa, waxa uuna kaalin joogto ah ku lahaa halgannadii dhaqan iyo siyaasadeed ee dalkiisa ka socday, gaar ahaan sidii loo ridi lahaa boqortooyadii la la hodmay. Taa waxa uu ku mutaystay ugaadhsi iyo masaafuris. Kolkii isbeddelladaasi guulaysteen ka dib waxa uu ka mid noqday dad markiiba xaaladda cusub qawaday, waxa uuna curiyay halabuur qaayo leh oo gabay iyo sheekooyin isugu jira. Sheekooyinkiisa dhaxalgalay waxaa ka mid ah ta la yidhaahdo Le Miserbles  (Ayaandaranayaasha), qisadaas oo nuxurkeedu yahay sidan:

Jean Valjean waxa uu ka baxsaday xabsi uu dembi tuugnimo ah muddo dheer ugu jiray. Isaga oo fakad iyo duumaalaysi ah waxa uu martiyay nin wadaad ah. Si wanaagsan baa loo sooray, meel uu seexdona waa la siiyay. Ha yeeshee tuuggii gurigii uu martida ku ahaa ayuu miray, waxa uuna ka gurtay weel macdan ah oo qaali ah. Bilayska ayaa se soo qabtay, isaga iyo alaabtiina waxaa loo wada keenay wadaadkii dhacnaa. Wadaadkii nin naxariis iyo alle ka cabsi badan buu noqday oo si uu miskiinka xabsiga ugu badbaadiyo, oo malaha hanuun iyo cibroqaadasho uga dhigo, bilayska waxa uu sheegay alaabada in aan laga xadin ee uu isagu ninka siiyay. Sidaas ayaa Jean Valjean lagu sii daayay, iyada oo ay yaab iyo qaadanwaa ku noqotay samajacaylka iyo suubbanaanta ninkaa wadaadka ah. Dhacdadaasi waxa ay xagga kale ka rogtay qofnimadiisii oo dhan, naftiisa iyo dunidana maalintaa ka dib waxa uu ku eegay indho cusub.

Jean Valjean magiciisii tuugnimada ku astaysnaa wuu beddelay, dhaqankiisii xumaana wuu dooriyay, waxa uuna raacay jidka toosan. Waxa uu bilaabay halgan nololeed oo xalaal ah, waxa uu badiyay samaha, oo xitaa waxa uu qaatay oo koriyay gabadh yar oo ayaandarro u dayacnayd. Dadaal dheer iyo sanooyin badan ka dib Jean Valjean waxa uu noqday guddoomiyaha magaaladii uu degganaa. Intaasna magaciisii runta ahaa iyo taariikhdiisii tuugnimada ahayd waa ay qarsoon yihiin. Waxaa se weligii ku raadjoogay sarkaal balaayo ah. Kaas ayay ugu dambayn ismudanayaan. Waa se goor dambe oo Kacaankii Faransiisku dhulka gilgilayo. Duruuftaa cusub ayaa u hiilinaysa mudane Jean Valjean.

Mar kale ayay sheeka faneedda Yurub iscusboonaysa iyada oo u gudubtay in ay qeexdo oo soo bandhigto dabciga qofka, dareennadiisa nafsadeed iyo duruufihiisa bulsheed ee dhabta ah, jaadkaana waxa ay u bixiyeen realism.

Afrika iyo sheeko faneedda cusub

Afrika dhul ahaan waa qaarad leh soohdimo xaddidan oo la isla yaqaan, waxaana ku dhaqan ummado iyo dadyow aad u badan aadna u ka la afaf, dhaqammo iyo isirro duwan. Ha ahaatee marka laga hadlayo dhaqanka iyo taariikhda qaaradda badanaa magaca “Afrika” waxaa lagu qeexaa oo keliya dadka midabkoodu madowga yahay ee Lamadegaanka Weyn ka koonfureeya. Qeexitaanka caynkaas ahi run ahaantii ma laha nuxur sugan oo wax cad inoo macnaynaya, waayo qaybta waqooyi ee af carbeedku ku xooggan yahay waxaa ka buuxa isirro iyo afaf aan carab iyo carabi ahayn, qaybta koonfureedna wax u gaar ah oo iswada raacinayaa ma jiraan. Tusaale ahaan koonfurta qaaradda waxaa ku dhaqan malyuumaad dad ah oo isirkoodu ka soo jeedo Yurub iyo Aasiya, kuwaas oo leh afaf iyo dhaqammo afrikaanoobay. Iyada oo sidaas ah haddana waa caado in la iska yidhaahdo “Afrikada Lamadegaanka ka sarraysa” iyo “Afrikada Lamadegaanka ka hoosaysa”.

Taas oo jirta haddana kolka laga hadlayo suugaanta cusub ee Afrika khasab ayay ku imanaysaa in wax la ka la qaadqaado si fahanka loo fududeeyo. Marka heerkaa la joogo ugu yaraan saddex qaybood ayaynnu u ka la dhigi karraa suugaanta cusub ee Afrika: 1) suugaanta ku qoran afafka dhaladka ah, tus.a soomaaliga, sawaaxiliga iyo xabashiga. 2) suugaanta ku qoran af carbeedka, kaas oo aad ugu xidhan asalkiisa oo ah Jasiisaradda Carabta. 3) suugaanta ku qoran afafka Yurub ee qaaradda ka dhaqangalay. Qaybta ugu dambaysa qudheedu waa laba jaad oo mid waxaa qora dadka asalkooda iyo afkooda hooyo Yurub ka soo jeedaan (gaar ahaan Koonfur Afrika iyo Simbaabwi), iyo jaad ay qoraan dad afrikaan ah oo aan afafkaa u dhalan laakiin adeegsada.

Haddaba waxaa laga yaabaa soomaaliga waxbartay in aanu aqoon magaca suugaanyahan keliya oo afrikaan ah, halka uu tixi karo tobannaan Yurub iyo Maraykan u dhashay. Sida kalena waa la mid oo afrikaanka kale waxba ka ma yaqaan suugaanta soomaalida ama ta xabashida ama ta sawaaxiliga ama tu kale oo la qaarad ah. Taa iska daaye xitaa waxaa jiri kara aqoonyahanno aan wax naf leh ka aqoon suugaanta afkooda hooyo. Cilladdu waa dadka reer afrika intooda badan oo ay weli ku yuururto gunnimo fikir oo ku taxan gumayntii dheerayd ee Yurub. Waxay noqotay xaalad la qaayibay oo aan badanaa waxba la iska wayddiin.

Qarniyadii ay Afrika hoos taallay jeedalka ninka cad, qofku waxa uu ku noolaa yididdiilo ah maalin uun in uu ku naalloon doono gobannimadiisa buuxda iyo wax walba oo taa ku jira sida afkiisa, hiddihiisa, dhaqankiisa, sooyaalkiisa iyo garashadiisa xorta ah. Halkudhigga halgankiisu waxa uu ahaa soo dhacsiga waxaas oo maamuus iyo dadnimo ah. Ha yeeshee kolkii ciidankii iyo hay’adihii maamulka gumaysigu dhulka ka guuray, dawladnimadii Afrika dadkeeda ku ma fillaan, dhabna uga ma xorayn gunnimadii dhanka fikirka.

Facii kowaad ee gobannimada u kacay waxa uu abuuray waddaniyad ah dadkiisu in ay heeryada shisheeyaha iska rogaan. Haddana, nasiibxumo, isla facaas ayaa u sabab noqday Afrika in ay ku sii hoos jirto afkii iyo dhaqankii gumaysiga dhanka waxbarashada, warbaahinta, maamulka, iyo halabuurka intaba. Hormuudkaas oo wax ku bartay afafka iyo dugsiyada reer yurub, akhriskiisa iyo awooddiisa halabuur waxa ay ku xidhnaayeen halkaa, sidaa darteed wacyigiisa iyo kartidiisa labaduba waa ay cilladysnaayeen. Adeegsi la’aanta afkiisu waxa ay u diidday ama yaraysay kobcinta aqooneed ee bulshadiisa.

Aqoonyahanka Afrika waxa uu sheegay in uu u halgamayo ka xoraynta qaaraddiisa dhaqanka gumaysiga, soona noolaynayo hiddaha iyo dhaladnimada dadkiisa. Laga soo bilaabo qaybtii hore ee qarnigii tagey waxaa al bilaabay qaar ka mid ah afafka Afrika in la qoro, ha ahaatee duruufo dhaqaale iyo aqooneed baa diidayay afafkaa la qoray in ay buuxiyaan baahida jirta, ama in ay beddel u noqdaan kuwii Yurub ee wax lagu bartay. Taasi waxa ay keentay afafkii Yurub in ay qaaradda ku sii xoogaystaan lana geliyo adeegyada maamulka, aqoonta, warbaahinta iyo halabuurka intaba. Sida muuqata halkaa waxaa ku jirta isburin aad u weyn.

Afrikaanka waxbartay halabuurkiisu isaga oo aan dadkiisa gaadhin ayuu ka mid noqday suugaanta iyo fikirka ummadaha uu afkooda ku qoray. Tusaale ahaan dhammaan suugaanyahannada caanbaxay ama helay abaalmarinnada caalamka ee Afrikida madow u dhashay waa kuwo wax ku qoray afaf qalaad (Chinua Achebe, Wolle Syunga, Nuuruddiin Faarax iqk. Billadda ugu sarraysa dunida ee suugaanta la siiyo waa ta loo yaqaan Nobel ee Akaademiyada Iwiidhan bixiso. Haddaba afar qof oo Afrika abaalmarintaa qaatay laba ka mid ahi waa caddaan ingiriisi wax ku qora, labada kalena midkood waxa uu ku qoray ingiriisi ka kalena carabi. Arrimahaas oo dhami waxa ay ina dareensiinayaa gunnimada luqadeed ee weli Afrika taalla.

Hormuudka aqooneed ee qaaraddu sidaas ayuu afafka yurub uga dhigay wax kiisa ka qiimi sarreeya, isla markas oo uu tusaale iyo hiraal u noqday dadkiisa. Waxa uu ku xoogsaday oo halabuurkiisa iyo fikirkiisa ku gudbiyay afafkaa aadka loo akhristo ee lacagta leh. Halkaas ayay ka timid afafkaasi weli in ay Afrika badankeeda u yihiin afka rasmiga ah. Halkaas ayay ka timid in la shaaciyo taas in aan waxba ku jabnayn.

Dhab ma tahay adeegsiga heer ummadeed ee afafka qalaad in aan waxba ku jabnayn? Run se ma tahay suugaanta lagu qoro af aan keeda ahayni kollayba in ay ka mid tahay suugaanta umadda ay ka dhalatay? Warcelintu si ay inoogu fududaato aynnu ka eegno afar dhinac:

1.  qoraagu yuu u dhashay ummad ahaan?

2.  qoraagu dad ayo ah ayuu wax ka qoraa oo sheekooyinkiisa ku saleeyaa qaran ahaan?

3.  qoraaga suugaantiisu sidee ayay dhadhantaa dhaqan ahaan, dadka ay ka hadashana dabcigooda bulsheed waa qolama?

4.  qoraagu halabuurkiisa afkee buu ku gudbiyaa?

Afartaa masalo ayay tahay in la qiimeeyo kolka la doonayo suugaanta in cid iyo dhaqan loogu abtiriyo. Qofka halabuurka curiyay dhalasho ahaan waa ayo? Suugaantaasi yay ka hadlaysaa? Waa maxay qiyamka, caqliyadda, nafsadda iyo dhadhanka ay ku siinaysaa dhaqan ahaan? Afka suugaantaa lagu curiyay yaa leh? Intaa waxaa lagu sii xoojin karaa qoraaga qudhiisu sida uu haybtiisa u arko.

Haddaba waxaa la dhihi karaa suugaanta iyo waxsoosaarka faneed oo dhami waxa ay ugu dhaladsan yihiin kolka ay afartaa amuurood isu raacaan. Haddii se ay afartu qaybsamaan waxaa aad u miisaan culus labada hoose, waayo waa iyaga asal ahaanba waxa tayada halabuurka lagu eegaa.

Haddii ay sidaa tahay, la ma dhaafi karo xaqiiqada ah cid walba in xil muqaddas ahi ka saaran yahay ilaalinta iyo kobcinta afkeeda iyo dhaqankeeda. Dhimashada afafka qaar iyo adkaanta qaar kale ma jirto cid wax ku helaysaa. Bani aadanka dunida oo dhami haddii uu af qudha ku wada hadlo oo dhaqan keliya wada yeesho saboolnimo iyo foolxumo moyee wanaag laga dheefi maayo.

Sheekada af carbeedka

Af carbeedku waxa uu ka mid yahay afafka dunida ugu waaweyn uguna firfircoon. Taa waxaa kaalin weyn ku leh laba arrimood oo ka la ah dadka carabta oo dhul aad u ballaadhan oo Aasiya iyo Afrika ah ku baahsan, iyo Diinta Islaamka oo afkaasi saldhig u yahay. Sidaa darteed kun iyo dhawr boqol oo sano oo la soo dhaafay af carbeedku waxa uu lahaa qoraallo aqooneed iyo suugaan xooggan.

Dhanka kale af carbeedku waxa uu qayb ka yahay suugaanta cusub ee Afrika, waxa uuna af rasmi ah u yahay Masar, Soodaan, Liibiya, Aljeeriya, Tuuniisiya iyo Marooko. Dalalkaa waxaa ka jirta suugaan cusub oo aad u tayo sarraysa iyo halabuur heer caalami ah. Halkan malaha waxaa carrabbaabid mudan nin Masar u dhashay oo la odhan jiray Najiib Maxfuud, kaas oo sannadkii 1988 qaatay abaalmarinta Nobel. Maxfuud waa hormuudkii dhalashada iyo koboca sheeko faneedda Masar iyo carab oo dhan. Kalaguurkii 1930-nadii/40-nadii ayuu sheeko qorista bilaabay isaga oo dhawr iyo toban jir ah. Waxa uu ka qalinqortay Yurub, waxa uu se sheekooyinkiisa ku salayn jiray bulshadiisa Masar xagga fikirka iyo dhaqankaba. Maxfuud oo geeriyooday sannadkii 2006 sheekooyinkiisu aad ayay u tayo sarreeyaan.

Sannadkii 1966 waxaa la qoray sheeko af carbeed ah oo la yidhaahdo Mowsim al-hijra ila-shimaal (Xilligii hayaanka waqooyi). Quruxda, farshaxannimada iyo dadnimada sheekadaasi dadka waxa ay ku ridday ashqaraar, waxaana lagu turjumay afafka waaweyn ee dunida oo dhan. Sheekadaa waxaa qoray nin Soodaan u dhashay oo kolkaa dhallinyaro ahaa kuna noolaa dalka Ingiriiska. Waxaa lagu magacaabi jiray Dayib Saalix.

Mowsim al-hijra ila-shimaal waxa ay ka hadlaysaa soodaani dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Mustafe Siciid. Mustafe waxa uu waxbarasho u tegayaa carriga Ingiriiska isaga oo aad u yar, sanooyin ka dib kolka uu ku soo noqdo tuuladisii oo la yidhaahdo Waad Xamiid oo webiga Niil saaran, waxa uu ugu imanayaa arrin kaga yaabisay. Tuulada waxa uu ku la kulmayaa nin da dhexaad ah oo aan meel uu ka yimid iyo cid uu yahay la aqoon. Maalin uun ayuu isaga oo soconaya tuulada soo galay, wuuna ka guursaday oo beer buu ku yeeshay. Waa nin afgaaban oo aan haba yaraatee taariikhdiisa iyo qofnimadiisa cid la soo qaadin. Ha yeeshee habsamida bulshada aad ayuu u dhawraa, isagana waa la qaddariyaa oo arrimihiisa la ma galo.

Yaabka labaad waxaa weeye, ninkaa isagana magaciisa waxaa la yidhaahdaa Mustafe Siciid. Waxaa se ka daran yaabka saddexaad oo ah qudhiisu in uu jaamacad Ingiriiska kaga soo baxay. Qunyar qunyar ayuu xidhiidhka labada nin u furfurmayaa, waxa ayna noqonayaan sheekowadaag. Mustafe Siciid inta uu carriga Ingiriiska tacliinta ugu maqan yahay waxa qudha ee habeen iyo dharaar maskaxdiisa iyo waqtigiisa hafiyay waa naagaha cadcad. Waxa uu gelayaa halgan aan nasasho lahayn oo uu ku ugaadhsanayo haweenka dalkaa, tudhid la’aan iyo arxandarro aan soohdin lahayn baana taa ku lammaan. Waa aarsi dhiiggu qulqulayo. Hadh iyo habeen in uu dumarka caddaanka ka fekero, oo marka uu helo kadeedo naftana ka jaro, waa cuqdad nafsadeed oo xanuun ku noqotay. Waa aargudasho ku taxan gumayntii ay caddaanku dhulkiisa u geysteen…

Waxa uu muddo hawlwadeen ka ahaa hay’adaha waxbarashada ee dalkiisa, dabadeed halkan ayay waayuhu ku soo tuureen. Muxuu tuuladan yar ee aanu cid ku lahayn cidna ka aqoon ka soo doonay? Mustafe Siciid mar labaad ayuu sidii yaabka lahayd ee uu u yimid si la mid ah u lumayaa. Dabadeed saaxiibkii waxa uu helayaa sir amakaag leh. Guri yar oo meel gooni ah ku yaalla kaas oo uu keligii furihiisa siiyay ayuu furayaa. Mise waa duni yaab leh: waa maktabad cammiran oo aan inta buug qiimo leh dunida jirta waxba ka maqnayn. Ninku muxuu ahaa? Isaga oo tacliin sidaa u sarraysa leh maxaa tuuladan dhigay? Waxan oo buug ah xaggee buu ka keenay?

Intaa waxa aynnu iswayddiinaynnaa labada Mustafe Siciid waxa ay ka la yihiin iyo waxa ay isu yihiin? Ma isku nin qudha baa? Ma xaalado nafsadeed oo nin keliya ahi wada lee yahay baa? Farshaxannimada sheekadu waxa ay inagu dhalinaysaa wayddiimo badan, waxa ayna inoo oggolaanaysaa warcelinno badan.

Wax aad u badan baa sheekadaa laga qoray, arday badan baana baadhisteeda jaamacado kaga qalinjebisay. Qoraagu, Dayib Saalix, in uu qudhiisu ka mid ahaa dhallinyaradii reer soodaan ee xilli hore Ingiriiska waxbarasho u tegay, iyo xitaa in uu haweenay caddaan ah qabo, waxa ay keeneen in aad looga hadlo isaga iyo Mustafe Siciid qofnimadooda in la isku xidho. Ha ahaatee marwadii caddayd ee uu ka dhintay geeridiisa ka dib si adag ayay malahaas u burisay, iyada oo sheegtay shakhsiyadda sheekada iyo ta Dayib Saalix in aanay shuqul isku lahayn.

Dhaqanka soomaaliyeed sheekada qorani dhowaan ayay soo gashay, waxa ayna ku taxnayd hirgelintii far soomaalida. Qaybtii dambe ee sannadihii 1970-nadii ayuu fankani ka bilawday magaalada Xamar. Waxaa la odhan karaa sheeko faneedda soomaalida waxaa daahfur u ahaa qisooyinka ka la ah Aqoondarro waa u nacab jacayl, Faarax maxamed Jaamac “Cawl”, Maana Faay, Maxamed Daahir Afrax,Ayaandaran, Cabdullaahi Sh Xuseen, iyo Adeegto, Maxamed X Cismaan.

Maanta haddii la eego dadaalka iyo firfircoonida ku saabsan samaynta sheekada af soomaaliga ah, waxaa lagu dhiirran karaa in la saadaaliyo labaataneeyada sano ee soo socda fankaasi in uu ku dherersan doono ka dunida kale.

Sheekada gaaban

Waxa aynnu soo aragnay guud ahaan waxa ay tahay ”sheeko”. Waxaa se ka la jira laba jaad oo la ka la yidhaahdo sheeko dheer iyo sheeko gaaban (novel iyo short story). Labadu in kasta oo ay isku abuur yihiin waxyaalo badan oo ay ku ka la duwan yihiin baa jira. Kaladuwanaantaa waxaa ugu weyn dhererka qisada iyo riddadeeda. Waxaa la yidhaahdaa sheeko gaabani waa mid la akhriyi karo waqti ka yar saacad, runtii se ma jiro halbeeg lagu garto ”dherer” iyo ”gaabni”. Haddii aan sheekada dheer dhererkeedu soohdin lahayn, oo ay xitaa u qaybsami karto dhawr buug, sheekada gaaban iyadana gaabnideedu soohdin ma leh, waxa ayna noqon kartaa dhawr sadar.

Sheekada dheer dadka ku jira tiradoodu inta ay doonto ayay ahaan kartaa, intii la doono ayaana noloshooda laga baaraandegi karaa, laakiin qisada gaabani ma qaadi karto dad badan iyo nolol badan. Waxaa la mid ah waqtiga ay socoto dhererkiisa iyo waxa dhacaya baaxaddooda. Sidaa darteed, sheekada gaabani kol haddii aanay haysan waqti ay isku ka la bixiso, waxa ay iftiin xoog leh ku shiddaa dhacdo, cid, xilli iyo meel kooban. Haddaba waxaa la dhihi karaa dunida ay sheekadu ka hadlaysaa inta ay la’eg tahay ayaa ah dabciga kowaad ee ay labada jaad ku ka la duwan yihiin.

Haddii aynnu soo aragnay in aan la xaddidin karin buuggii ugu horreeyay ee sheeko dheer lagu sheegi karo, ta gaaban baa arrinkaa kaga sii daran. Ilaa maalintii aadamigu qorista bartay waxaa la qoray wax aad u badan, aadna u ka la nuxur iyo ujeed duwan, ama aad isugu eg. Waayo la ma aqoon in waxa la qorayo maaddo gaar ah lagu magacaabo. Hadal waah fog la qoray oo ku taxalluqa diin, falsafad, taariikh, sheekayn, xusuusreeb, farriin, ama warbixin, oo leh dhadhan suugaaneed, maanta lagu ma dhiirran karo in wax gooni ah lagu sheego wax kalena loo diido. Tusaale ahaan dhaqankii hore ee Shiinaha, kii Beerashiya, kii Giriigga, kii masiixiga, kii yuhuudda, kii muslinka, iyo kuwo kaleba waxaa ka buuxa qoraallo ka hadla wax walba oo maskaxdeenna ku soo dhici kara. Sidaa darteed kuwaa qaarkood haddii la doono ”sheeko gaaban” waa lagu sheegi karaa.

Iyada oo ay sidaa tahay haddana waa dabeecadda dadka in wax la qaabeeyo, la habeeyo, la xaddido, la magacbixiyo, la taariikheeyo, oo loo abtiriyo. Sidaas ayay dunidu ku qurux badan tahay noloshuna ku fudud dahay. Taa darteed waa in si uun wax la isu la ogaadaa. Haddaba sheekada gaaban waxaa aabbe looga dhigay nin dalka Talyaaniga u dhashay oo la odhan jiray Giovanni Boccaccio kaas oo noolaa 1313 – 1375.

Badhtamihii qarnigaa uu Boccaccio noolaa Yurub waxaa ku habsaday cudur daran oo aad u faafay kaas oo dadkii qaaradda saddexmeelood meel xaaqay. Magaalada Florens oo ka mid ahayd dhulka masiibadu fuushay ayuu qoraagu degganaa oo waxa dhacay shaahid u ahaa sannadkii 1348. Dhawr sano ka dib waxa uu qoray buug la yidhaahdo Decamerone oo macnaheedu yahay Tobankii cisho, kaas oo ka kooban boqol sheeko.

Qoraagu inta aanu sheekooyinka bilaabin, horta waxa uu sawir xoog leh ka bixinayaa sidii cudurkaasi magaalada iyo miyigeeda u hoojiyay. Waxa uu taariikh ahaan u soo tebinayaa sidii loo le’day, sidii maydka la ka la aasi kari waayay waddooyinka iyo guryaha u daadsanaa, heerkii ay qudhmuunka iyo foolxumadu gaadheen, sidii dadku isu wada nacay ee intii dhimatay mooyee intii kale u ka la dhaqaaqday, sidii loo ka la baqay ee la isugu geli waayay si aan cudurka loo ka la qaadin, sidii adeegga guud u burburay ee amniga iyo kaladambayntu faraha uga baxeen, sidii qiimiga dadnimada oo dhan looga tegay, iyo sidii tobannaan kun oo qof magaalada uga dareereen bal in ay helaan meel kale oo ay cudurka kaga badbaadi karaan.

Xaaladda sidaas ah, toddoba hablood oo dhallinyaro ah, oo ka dhashay dabaqadda ladan, ha yeeshee iyaga iyo qoysaskoodii waqtigu ka la tuuray, ayaa qorshaynaya in ay saxa xumada magaalada ka tagaan oo miyiga isu raacaan, si muddada ay magaalada tacluustu ku yuururto noloshooda halkaa ugu ilaaliyaan. Saddex nin oo dhallinyaro oo aqoonnin ah marka ay helaan ayay qorshahaa ku dhaqaaqayaan. Muddada ay miyiga joogaan ee go’doonka yihiin kol haddii aan wax ay qabtaan jirin, waxa ay isu soojeediyeen in ay isku maaweeliyaan tobankooda mid waliba maalintii in uu qiso ka sheekeeyo. Sidii ayay yeeleen, toban cisho oo ay meesha joogeenna wadar ahaan waxa ay isu mariyeen boqol qiso.

Sheekooyinka uu Boccaccio sidaa u soo bandhigay waxa ay ka hadlayaan arrimo aad u ka la dudduwan, waxaa se dhextaal u wada ah dhaliilidda iyo xifaalaynta bulshadiisii xilligaa. Gaar ahaan kiniisadda iyo dadkeeda ayay sheekooyinku dhabannaano kulul la dhacayaan, waayo wadaaddada oo berigaa awood badan lahaa waxa ay geysan jireen dulmi, cadaadis maskaxeed iyo dhiigmiirasho. Waxa ay ku dhaqmi jireen labawejiileyn iyo in ay bulshada diinta ka gadaan oo cabsida Eebbe ku maalaan. Waxaa kale oo sheekooyinkaa ku badan xifaalaha ku jeeda dhaqan khuraafaad ah oo bulshada ka buuxay.

Qisada kowaad ee buuggu waxa ay ku taxalluqdaa nin la yidhaahdo Chapelet oo lahaa inta dhaqan xun qof bani aadan ahi yeelan karo. Waxa uu ahaa dilaa aan nafgooyada u libiqsan. Waxa uu ahaa booliquute aan xalaashu waxa ay tahay aqoon. Waxa uu ahaa beenaale aan maragbeenaadka biyo u kabban. Waxa uu ahaa khasiis aqallada dhillaysiga waddo ka la baxay. Waxa uu ahaa sakhraan aan mukhbaaradda lagu cabbo ka bixin. Weligii meel Eebbe lagu caabudo foodda ma uu gelin. Waxaas oo dhan buu ahaa. Godobaha uu intaa gelayo ciqaabtooda uu sharcigu qoorta kaga goyn lahaa, ama xabsiga ku daa’imin lahaa, waxaa ka badbaadin jiray ganacsade ay aqoonnin ahaayeen, kaas oo awood iyo magac ku furan jiray.

Cishadii dambe, ninkii hantida lahaa ee ay Chapelet isyaqaanneen ayaa goostay in uu ku biiro dagaalyahankii fardafuulka diineed ee berigaa Yurub magaca weyn ku lahaa. Ha yeeshee waxaa hawl ku noqotay ciddii uu hantidiisa baahday kaga sii tegi lahaa. Markii uu aad u fekeray ugu dambayn waxa uu doortay xilka hantidiisa in uu ku wareejiyo ninkii yaabka lahaa ee Chapelet la odhan jiray. Malaha axmaqa sidaas ah waxa uu ku doortay dadka uu lacagaha ku lahaa baa u badnaa macanagagyo dhego adag oo uu doonayay in ay ka baqaan. Mudane Chapelet sidaas buu hawsha ku bilaabay.

Maalin ayuu haddaba guriga ugu tegay laba nin oo walaalo ah si uu uga soo qaado amaah lagu lahaa. Waxaa se dhacday in uu gurigii aad ugu bukooday oo ka kici kari waayay. Labada nin si wacan ayay u yaqaanneen mudane Chapelet, sidaa darteed bukaankiisu waxa uu ku noqday culays weyn. Iyaga oo moodaya in aanu maqlayn ayay ka wada hadleen qof sidan sakaraad u ah in aanay debedda u tuuri karin, waayo fadeexad iyo magac xumo ayay ku noqonaysaa. Waxa ay kale oo isu sheegeen, mar haddii uu yahay sheyddaan aan weligii guri Eebbe gelin, in aan la helayn wadaad u yimaadda oo inta aanu dhiman gunaanada ama u duceeya. Dhaqankii Yurub ee xilligaa qofka isaga oo aanay kiniisaddu u dembidhaafin haddii uu dhinto wuu nacdallaa, waxa uuna la mid ahaa doofaar bakhtiyay. Waxa ay ahayd hoog iyo ayaandarro aan la aqbali karin in ay nolosha qofku sidaa ku dhammaato.

Chapelet labada nin xantooda wuu maqlayay, sidaa darteed waxa uu ku qanciyay in ay u doonaan wadaad u dembidhaafa oo gunaanada. Wadaadkii waa la soo helay, laakiin Chapelet si loogu dembidhaafo, sidii dhaqanku ahaa, horta waa in uu wadaadka u qirtaa wax allaale wixii uu gef soo sameeyay. Sidaa darteed waxa uu ku bilaabay wayddiimo darandoorri ah oo ku saabsan intii uu noolaa wixii uu geystay. Weligaa ma sinaysatay? Weligaa xaaraan ma quudatay? Weligaa ma ku fekertay in aad qof disho? Weligaa ma sakhraantay. Weligaa…?

Nimankii guriga lahaa oo qolka xiga kuurgal ugu jiray qosol iyo yaab ayay la qarxi gaadheen markii ay maqleen mudane Chapelet oo iska dhigay wali barakaysan. Dembiyada wax laga wayddiinayo in uu qirto iska daaye, mid walba waxa uu kaga jawaabayaa isbihinbihin indhasarcaadin ah. Dembi walba waxa uu ka qiranayaa in aad u yar oo la mid ah waxyaalaha qofka dadka ugu suubbani maalin walba galo. Intaas ayuu weliba ka calaacalayaa oo lee yahay ”beri baan xanaaqay ee ii dembi dhaaf”, ”beri baa nin wax iga iibsaday oo sarrif igu illaaway aan sannad la sugay dabadeed sadaqo u bixiyay ee iiga dembidhaaf…”. Intaana wuu iska oohinayaa oo iska dhigayaa nin alla ka cabsi badan.

Labadii nin ee xandhegaysanayay waxaa garashadooda ka weynaatay ninkaasi xitaa isaga oo dhimanaya waxa uu been iyo balaayo ku dhaqmayo, iyo sida ay ugu soo dhici la dahay in uu toobadkeeno. Wadaadkii isagana waxaa ku yuurursaday qaadanwaa iyo amakaag ku saabsan suubbanaanta ninkan uu gunaanadayo. Waxa uu iswayddiinayaa: Ma qof bani aadan ah baa sidan u toosan oo sidan xumaha uga fogaaday?!

Wadaadkii wuu u dembidhaafay Chapelet, wuu u duceeyay, oo weliba wuxuu u ballanqaaday marka uu dhinto in lagu dari doono xabaalaha dadka barakaysan. Sidii buu ku dhintay. Wadaaddadii kiniisadda oo dhan baa maydkiisii u yimid iyaga oo sida ugu sarraysa u la dhaqmaya, kiniisadda ayayna geeyeen. Ammaan iyo xusuus ku saabsan qofnimadii suubbanayd ee Chapelet ayaa kulankii tacsida laga akhriyay. Dabadeed dadkii maqlay oo dhami waxa ay u arkeen wali barakaysan. Maydkiisii baa lagu qamaamay oo meel walba laga dhunkaday. Kafantii ku duubnayd baa laga diirtay oo qofba jeex dillaacsaday. Warkiisa ayaa meel walba gaadhay. Dabadeed xabaashiisii waxa ay noqotay qudbi la siyaarto oo laga barakaysto.

Qisadaa waxaa laga dhadhansanayaa xifaale ku socda kiniisadda oo qofka iyo Ilaahiisa ka la dhex gashay, iyada oo aanay suurtagal ahayn qofka iyo Ilaahiisa in la ka la dhex galo. Waayo qofna la ma ogaan karo waxa uurkiisa ku jira, waxa uu gooni u falay, iyo runta qofnimadiisa.

Mid ka mid ah sheekooyinka kale ee Decamerone nin la yidhaahdo Gianni ayaa waxa ay isqabaan haweenay gogoldhaafka taqaan oo nin kale xidhiidh qarsoon la leh. Gianni beer ayuu magaalada debeddeeda ku lee yahay, halkaas ayayna marwado jeceshahay badanaa in ay ku noolaato, gaar ahaan xilliga kulaylaha. Isaguna magaalada ayuu ka shaqaystaa oo marka uu haleelo ayuun buu xaggaa ugu tagaa. Iyadu habeenka uu ka maqan yahay ma cidlooto ee nin dhallinyar oo Faderigo la yidhaahdo, oo ay dartii halkaa u degtay, ayay guriga soo gashataa. Habeen walba marka la seexdo ayuu irridka qunyar saddex goor ku garaacaa, sidaas ayay ku garataa in uu isagii yahay oo ka furtaa.

Haddaba sidee bay u ka la ilaalisaa labada nin si aanay isku habeen guri u iman oo loo fadeexadoobin? Waxa ay samaysay xeelad ay iyada iyo ninka ay qarsataa isla og yihiin. Waxaa u yaalla qalfoof madax dameer ay fiid kasta guriga agtiisa dhigto. Habeenka ninkeedu maqan yahay qalfoofkaa waxa ay u jeedisaa dhanka magaalada, habeenka uu joogana waxa ay u jeedisaa xagga guriga. Sidaas ayuu saaxiibkeed ku gartaa habeenkaa in ay sugayso iyo in kale.

Habeenkii dambe haweentii iyada oo saaxiibkeed sugaysa, oo casho aad u wanaagsan u sii samaysay, waxaa soo dhacay ninkeedii oo aan la filayn. Dabadeed inta ay carartay ayay jihadii madaxa dameerka beddeshay oo dhanka guriga u soo jeedisay. Cashadii oo ka koobnayd laba wasladood oo hilib ah, dhawr ukumood, iyo quraarad cabbitaan ah, inta ay maro nadiif ah ku duubtay ayay dhigtay geed weyn oo debedda ku yaalla guntiisa. Sidii baa lagu seexday.

Goor dambe ayuu Faderigo sidii la isla yaqaannay irridkii saddex jeer qunyar u garaacay. Naagtii markii ay garaacista maqashay waa ay naxday waayo in uu ninkii yahay ayay garatay, laakiin waa isdhegoolaysay. Ninkeedii baa se ku toosay oo wayddiiyay garaacista albaabka in ay maqlayso. In kasta oo ay isyara diidsiisay waxa ay ka fursan wayday in ay xal kale raadiso. Dabadeed ninkeedii waxa ay ku qancisay waxa goortaa albaabka garaacayaa in uu yahay jin. Mudane Gianni oo sida muuqata jinka rumaysani aad buu u baqay. Waxa ay se u sheegtay in ay jinka aftaqaan oo waxa lagu akhriyo dhowaan islaan kale ka soo baratay. ”Aniga ayaa la hadlaya ee ina keen”, ayay ku dhiirrigelisay, iyada oo og waxa albaabka garaacayaa in uu yahay Faderigo. Waxa ay kale oo odaygeeda u sii sheegtay marka ay jinka la hadlayso isagu na in uu candhuuf tuftufo si uu jinka u la eryo.

Kolkii ay irridkii tageen, ninkii debedda taagnaa ayay bilawday in ay la hadasho:

”War hooy jinow! Jinkaaga goortan meelahan warwareegayow! Orod oo naga tag! Sidii aad u timid u tag! U dhaqaaq dhanka beerta, oo geedka weyn guntiisa waxa aad ka helaysaa baruur baruur saaran, iyo aleelo digaaggaygu qubay, qudhqudhi cabbitaanka quraaradda ku jira, anigana waxba ha i yeelin, iyo odaygaygan Gianni!” Mudane Gianni isaguna baqdin ayuu bawdyaha isla dhacayaa oo sidii ay ku tidhi candhuuf buu tuftufayaa. Ninkii sarbeebtii wuu gartay, isaga oo in uu qosol la dillaaco ku dhow ayuuna iska tegay oo cuntadiisii halkii loogu tilmaamay ka qaatay.

Haddaba Faderigo habeenkaa muxuu u arki waayay madaxii dameerka ee dhanka guriga loo jeediyay si uu u garto in ninkii reerka lagaa joogo? Arrintu waxa ay ahayd, fiidkii meesha waxaa soo maray nin socdaal ah kaas oo madaxii ul ku dhuftay. Madaxiina wuu wareegay wareegay oo dhankii ay naagtu u jeedisay mooyee dhankii kale u jeestay.

Mid kale oo ka mid ah qisooyinka buugga Decamerone nin yuhuudi ah baa lagu qancinayaa in uu masiixiyoobo si uu u arko wanaagga diintaa. Marka taa laga helo ayaa loo dirayaa xarunta Diinta Masiixiga ee la yidhaahdo Vatikan, si uu samaha iyo khayrka halkaa ka socda ugu soo hanuuno. Ha yeeshee yuhuudigu meesha waxa uu ugu tegay fusuq, macaasi iyo anshaxumo aan xad lahayn oo lagu dabbaalanayo. Waxa uu arkayaa foolxumo akhlaaqeed oo aanu weligii wax la mid ah dunida ku arag. Dabadeed qoladii halkaa u dirtay waxa uu ku soo noqonayaa isaga oo yaab iyo fajac u liita, waxa uuna kaftan quudhsi ku jiro ugu sheegayaa, Diinta Masiixigu i ay tahay diinta keliya ee xaqa ah, waayo, ayuu yidhi, waa diinta iyada oo waxaas oo foolxumo ah lagu dhex wado haddana aan baabbi’in ee weli jirta.

Sheekada gaabani Giovanni Boccaccio ka dib waxa ay noqotay fan suugaaneed oo aad loo curiyo. Badanaa isla qorayaasha sheekada dheer qora ayaa iyadana qora, waxaa se jira dad aad ugu sii wanaagsan oo sheekada gaaban u banbaxay aadna loogu jeclaaday. Dadkaa waxaa ka mid ah qoraagii Ruushka u dhashay ee la odhan jiray Anton Tjechov (1860 – 1904). Waxaa kale oo ka mid ah qoraagii weynaa ee Maraykanka u dhashay laguna magacaabi jiray Ernest Hemingway (1899 – 1961). Ugu yaraan laba buug ayuu ninkan dambe sheekooyin gaagaaban ku ururiyay, kuwaas oo la ka la yidhaahdo Snow on Klingminjaro iyoMen Without Wamen.

FIIRO! Qoraalladan xidhiidhka ah waxaa laga soo garoocay buuggayga aan weli soo bixin ee la yidhaahdo Jirridaha Suugaanta Dunida.

 

 

Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Ibraahinhawd@hotmail.com