Assalamu calaykum waraxmatulahi wabarakatuhu dhamaan akhyaarta sharafta heh ee akhrisan doonta maqaalkayga ee ay kamid yihiin masuuliyiinta dawlada Somaliland. Maqaalkaygani waa baraarujin iyo toosin cidna kucaayimaayo dan gaar ahna kamalehi, waxaan usoo qoray maadaama wadanka ay inaga saarantahay masuuliyad shakhsi, mid wadar shacab iyo mid dawladeedba, sidaa darteed waxaan jeclaaday in aan ku baarujiyo dawladeena iyo shacabkaba mowduucan aan kahadlayo oo ku saabsan in layska eego laxidhiidhka iyo ku qarashgaraynta dhaqaale badan oo ay dawladeena marar badan cid ajnebi ah ku qarashgarayso iyadoo doonaysa in ay xidhiidh maalgeshi ama mid siyaasadeed layeelato dalal ama company ajnebi ah si dalku horumar u gaadho. Taa bedelkeeda waan in maskaxda lagu hayaa in qofkastoo diir cadi lacag aanu lacag haysan iyo horumartoona, daacadna kumanoqon karo qofku diircadaantiisa wageed.

Sidaad darteed maanta waxaan jeclahay in aan iftiimiyo kafaa’iidaysiga iyo dhaca ay kuhayaan dalkeena qaar kamid ah shirkado macmal ah oo ajnebi ah, gaar ahaan shirkad jarmal ah oo magaceeda la dhaho AFRICA VEREIN, shirkadaas oo imika qabanqaabinaysa shir ay ganacsata iyo dawlada Somaliland kulakulmayaan maalgashadayaal jarmal ah, dhamaan kharashka shirka Somaliland baa bixinaysa, sida duuradaha lagu tegayo Berlin, Hotelada, cunada dhamaan ka qaybgalayaasha, taasoo ay fiicnayd kollay hadii Somaliland suuqgaynteeda lacag lagu bixinayo in lagu qabto Somaliland loogna faa’iideeyo Hotel ladeena iyo adeegixiyayaasheena u adeega shirarka noocan oo kale ah, shirkadani maaha markii u horaysay ee ay Masuuliyiin Somaliland ah mashruuc laac ah usoo bandhigtay amaba ay casuumad ugu yeedhay aan waxba laga faa’iidin, runtiina waxa fiican in cidii ina khiyaanta mar aanay marlabaad in khiyaamin, waana inoo liidasho in maalinba ninkii diircaddi inala waynaado, oo marba mashruuc been ah cashuurteena yar inaga dhacaan.

Shirkada AFRICAVEREIN waxay Somaliland khasaare gaadhsiisay labo goor oo hore oo kala ahaa:

  1. Shirkadan AFRICA VEREIN waxay dawladii Madaxwayne Rayaale heshiis kula galeen sanadkii 2007 in ay Warshada sibidhka ee Berbera inoo dhisaan, lacag badana way ku baxday mid ugu baxday dhoof iyo qaabilaadooda iyo mid ay kaash ah oo ay hordhac u qaateen oo dhamayd $750,000.00 (Todobo boqol iyo kunton kun oo dollar). Meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyo waxay dhiseena waa la waayey, wershedina wataa weli baaba ah.
  2. Marlabaad waxa hadana AFRICAN VEREIN lasoo xidhiidheen dawladan talada haysa sanadkii 2013, waxayna casuumad usoo direen wasiirkii hore ee arrimaha debeda Maxamed C/lahi Cumar oo yagoo sida shirka imika oo kale sheegaya in ay shirkada maalgashi samaynaya lakulansiinayaan wasiirka iyo weftigiisa taas oo Iyana xiligaas ku dhamaatay hungo iyo waxba la’aan, kaliya waxa laga faa’iiday qarash hotelo wasiirka iyo weftigiisu ay galeen, wax shirkado maalgashi oo soo ajiibayna ma jirin.
  3. Uga danbayntii imika ayey hadana leeyihiin dawalda iyo ganacsatada Somaliland hayimaadaan Berlin waxa loo diyaariyanayaa ganacsato Jarmal ah, taas oo runtii Iyana ah khasaare lahubo oo dawlada Somaliland gelayso, waayo Jarmalka bucshiradiisa Somaliland goonbamayso qiimaheeda Jarmalkuna way ogyihiin in aan Somaliland waxba ka iibsanayn, marlabaadka Shirkadu horeba way inoo dhacday oo laguma kaslsoonaan karo, keliya Shirkada AFRICA VEREIN waxay doonaysaa qaab kale oo ay lacag inooga samayso, malaa madaxdeenuna Hotel ay degayaan iyo dhoofka ayey xiiseeyaan ileen shirkadan oo kale way ka ilbixilahaayeene. Ugu danbaynii waxaan leeyahay Somaliland ha’iska jirto AFRICA VEREIN iyo Private Company yada lamid ka ah ee lagu dhaco dawladaha yaryar, gaar ahaan Wasiirada arrimaha debada iyo Ganacsiga ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Xuseen Dayr waxaan leeyahay fahma arinka AFRICA VEREIN dalkana u tudha dhaqaalihiisa oo lacag hasiinina shrikadaha maafiyad ah ee aan dawliga ahayn hanagelina safaro aydaan hubin in ay dalka wax usoo celinayaan

 

Wabilaahi Tawfiiq

 

Qalinkii: Maxamed Xusseen

caydiid02@hotmail.com