Sheeko Gaaban: Waxa Ay Ii Bixiyeen Waxshi – Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”.

 

Waxa aan ahaa neef, shay, wax la lee yahay. Sayladda ayay i geyn jireen, dabadeed sida xoolaha xubnahayga tuutuujin jireen, oo kolka ay i ka la iibsanayaan muruqyadayda, gacmahayga, ilkahayga iyo xitaa caadhkayga eegi jireen. Silsilad ayay sida dameerka igu hoggaamin jireen oo meesha ay doonaan i geysan jireen. Carruurtooda ayaan qudhunka ka bi’in jiray, naagahooda ayaan dharka u maydhi jiray, aqallada ayaan uga adeegi jiray oo cuntada ayaan u karin jiray. Biyaha ayay igu soo dhaansan jireen oo xaabada ayay igu soo guran jireen. Dhagaxa wax lagu dhiso ayay igu jebin jireen, xoolaha ayay i raacsan jireen, hilibka ayaan u qali jiray. Waa ay i ka la ergaysan jireen oo kolba kooda hawshu ku badato ayaa i adeegsan jiray. Wax kale iska daaye xitaa kolka ay doonaan kooda aan dhalin oorida ayaan u rimin jiray. Waxa aan ahaa xoolo garaad leh — mayee waxa aan ahaa qalab iswada. Addoon baan ahaa. Addoon madow baan u ahaa carabta Maka.

Waxa aan isu qirsanaa in aan dadnimadii ka baxay oo wax kale noqday, mooyi se xoolo iyo shay wax aan noqday. Oo haddaa maxaan u noolaa? Haa, maxaan xaaladda u qaayibay? Maxaan isu dili waayay, ama ha la i dilee wax u galaafan waayay? Runtu waxa ay ahayd, weligay ka ma aan rajo dhigin maalin uun in aan qofnimadaydii iyo dadnimadaydii soo ceshan doono. Marka ay quusta ugu darani i saaran tahay waxaa jiray dhawaaq cirsankayeedh oo samofilasho iigu bishaareeya. Kolka ay murugadu sida gudcurka ii daboosho waxaa jiray ilays meel fog iiga bidhaama; ilayska gobannimada iyo bani aadamnimada. Yididdiiladaas ayaa ii ahayd tamarta aan ku socdo iyo sababta noloshayda.

Aniga oo sidaas ah ayaan helay fursaddii badbaadada oo nabsigu dabarkii iga furay. Dabadeed waxa ay eed iiga dhigeen in aan qofnimadaydii gobeeyay. Waxa ay eed iiga dhigeen in aan dilay ninkii dilkiisa lagu xidhay xornimadayda. Ma aan haysan fursad kale oo aan hoogga kaga baxo, waayo haddii aan Maka ka cararo dhankii aan u dhaqaaqaba waxaa iga xigay tolal carbeed oo kuwan i haysta la mid ah oo halka ay igu qabtaan igu dilaya ama igu addoominaya ama reerka aan ka baxsaday ii soo gacangeliya.

Dalkii awowyaday waa Xabashi, waxaana ka sokeeya buuro, bado iyo qabiilooyin carbeed. Fursad aan ku baxsadaa ma jirto. Waa dhiig ku fooldhaqo dabadeed adigana dhakhso ha laguu dilo, ama waa adduune waqtiga isbeddelaya badbaado ka dhex raadi. Qureesh iyo carab oo dhan colaad joogto ah baa ka dhex oogane haddii ay isku jabaan nolol baa iiga soo bixi karta. Dawladdaydii Xabashiyeed ee awoodda badnayd ee Ilaahay rumaysnayd ee xaqu la jiray in ay soo duusho oo dhulkan timaaddo, sidii awalba dhici jirtay, waa suurtagal. In ay quwadaha Faaris iyo Room carabtan i addoonsatay cagta mariyaan oo qudhooda addoomiyaan iyadana waa la arkaa. Habeen iyo dharaar baryada Eebbe ayaan carrabka ku hayaa in uu iiga hiiliyo mushrikiintan xunxun ee carbeed ee sanam caabudka ah.

Waxa ay ii bixiyeen Waxshi. In aan madow ahay, in aan xoog weyn ahay, in aan dhiirran ahay, iyo in hootadaydu waxa ay haleesho xagga kale uga baxdo darteed ayay iigu bixiyeen Waxshi. Cay bay iiga dhigaan, laakiin yeelkadood. Waxa ay wada qirsan yihiin asalkayga xabashiyeed in uu yahay waxa hootada gacantayda ka baxda ka dhigay nabar aan laga kicin. Waa runtood oo waan hubaa haddii aan heli lahaa toban nin oo xabashiyeed oo aniga i la mid ah in aan Qureeshta xunxun ee sanam caabudka ah edbin lahaa.

Aabbahay iyo awowgay labaduba waxa ay ka mid ahaayeen halyeyadii Xabashiyeed ee dhulka carabta muddada dheer ka talin jiray. Awowgay waxa uu ahaa xigeenka abbbaanduulaha ciidankii maroodiga ee ku soo duulay Maka, si ay Kacbada uga safeeyaan sanamyada lagu caabudayo oo ay u dhisaan aqal Ilaahay oo keli ah lagu caabudo, lana mid aqallada Ilaahay looga dhisay Aksum. Awowgay anigu soo ma gaadhin, waxa uu se aabbahay ii sheegay in uu ahaa nin taqi ah oo aan carrabka ka qaadin dikriga Eebbe iyo aayadaha Kitaabka Qudduuska ah. Hammigiisa ugu weyni waxa uu ahaa in uu dunida oo dhan ka dhigo meel aan Rabbiga weyn mooyee wax kale lagu caabudin. Sababtaas ayuu uga mid noqday ciidankii mujaahidiinta ahaa ee qaddiyaddaa badda uga soo tallaabay. Markii Maka la qaban lahaa waa tii furuq iyo fanto ciidankii maroodiga asiibtay, waana tii tarab tarab loo le’day. Waa tii “deyran abaabiila” dhacday. Raggaa duleedka Maka ku xaaqmay ayuu ka mid ahaa awowgay.

Aabbahay isagu dalkii hooyo ma uu arag oo waxa uu ku dhashay Yaman, kolkii uu duullaanka Maka soo raacayna waxa uu ahaa lix iyo toban jir. Markii duullaanku dhicisoobay waxa uu ka mid noqday rag aan badnayn oo ay mushrikiinta Maka maxbuus ahaan u qabteen. Dabadeed sidii ay caadadoodu ahayd waa la addoomiyay. Ninkii uu aabbahay addoonka u noqday waxa uu ahaa bahal xagjir ah oo sanamyada aad u caabuda, waxa uuna ninkaasi aad isugu dayay in uu aabbahay mushrig ka dhigo. Aabbahay aad buu ugu dhegganaa rumaynta Eebbaha weyn ee kelida ah ee dunida abuuray ee Kitaabka Qudduuska ah ku cad, sidaa darteed waa la soo marsiin waayay in uu caabudo sanamyada carbeed. Ugu dambayn waxa uu u dhintay nabarro ka gaadhay dilkii iyo ciqaabtii joogtada ahayd ee ninkii lahaa ku hayay.

Adoogay intii uusan dhiman waxaa loo tu’iyay addoomad xabashiyeed oo qudheedu colkii jabay ka mid ahayd. Halkaas ayaan ka abuurmay, waxa aanan dhashay aabbahay iyo hooyaday oo aan shuqul isku lahayn oo midba qolo haysato. Qoyska reer Jubeyr ee aniga i yeeshay markii aan yaraa waxa ay ii bixiyeen Abaa Dasma oo macnaheedu yahay kii shishlaa ama shuluq, markii aan korayna waxa ay iigu dareen Waxshi oo macnaheedu yahay dugaag. Magac dadeed oo erayadaa aflagaaddada ah dhaama waa ay ii quudhi waayeen. Ilaa toddoba jirkii waxa aan la joogay hooyaday, dabadeed waxaa i qaatay oo i yeeshay ninkii aabbahay lahaa ina adeerkii oo la dhihi jiray Jubeyr. Sidaas ayaannu aniga iyo aabbahay xidhiidh dadban ku yeelannay, waxa uuna muddadaa marka aannu kulannoba iiga sheekayn jiray taariikhdayada iyo dhulka Xabashiyeed ee aannu ka soo jeedno. Waxa uu kale oo si qarsoodi ah wax iiga baray culuunta Ilaaha weyn iyo Kitaabka Qudduuska ah. Nin nasraani ah oo carbeed oo lagu magacaabi jiray Waraqa ibn Nowfal ayuu i baray si marka aan haleelaba diinta uga barto. Maalintii iigu dambaysay aabbahay waxa aan ahaa kow iyo toban jir, dabadeed waxa aan maqlay in uu dhintay. Xabaashiisa iyo xitaa meel uu ku aasan yahay ma aqaan.

Aniga oo afar iyo toban jir ah ayaan maqlay hooyaday oo Daa’if lagu addoonsanayay iyaduna in ay geeriyootay, ma se maqal sababta dhimashadeeda, waxa aan se ogaaday in lagu dirqiyay in ay gaalowdo oo sanamyada carabta u tukato. Waxa aan rajaynayaa in ay rumaynta Eebbaha sarreeya qalbiga ka qirsanayd oo qarsanaysay. Anigu labadayda waalid waxa aan ku dhaamay ninka i lahaa ee Jubeyr weligii igu ma dirqiyin in aan sanamyada caabudo. Wuu iga la hadli jiray oo igu hanuunin jiray, weligii se igu ma dirqiyin, sidaa darteed cibaadada Eebbe waan u madaxbannaanaa.

Goor walba waxa aan Ilaahay ka baryi jiray in uu faraj khayr leh ii furo, oo i gaadhsiiyo maalin aan xor ahay oo lee yahay qoys iyo ubad xor ah. Duruufaha igu xeeran kolka aan eego sida ay taasi u suurtoobi karto waan ka shakiyi jiray, haddana waxa aan hubay Rabbi wax walba in uu awoodo dunidana wax waliba suurtoobaan.

Dabadeed sidii loo joogay Maka waxaa ka bilawday qalalaase ka dhashay sanamyadii la caabudi jiray oo la isku khilaafay. Nin la yidhaahdo Maxamed bin Cabdillaahi oo ka dhashay mid ka mid ah qoysaska Qureesh ugu sarreeya ayaa isla soo taagay cibaadada sanamyadu in ay tahay baaddil ee la caabudo Ilaaha weyn ee waaxidka ah. Arrintu waxa ay abuurtay argagax iyo sas, taladii iyo midnimadii carbeed ayay ka la tuurtay, waxaana loo qaybsamay laba col oo aan isbixin. Ninkan Jubeyr ee aniga i addoonsada sidii aan xusay rumaynta sanamyada ku ma uu fogayn, laakiin haddana waxa uu ka mid noqday dadka Maxamed colaadiyay. Isaga arrimaha diinta ee la isku hayo waxaa ka la weynayd midnimada Qureesheed iyo nabaddeeda. Sidaa darteed Jubeyr bilawgii ma ahayn dadka jiidda hore ka galay cadaadinta diinta cusub, waxa uu se nacayb xumi galay goor dambe.

Maxamed wuu ka kudaalay Maka, waxa uuna degay magaalada Yatrib oo kolkaa ka dib loo bixiyay Madiina. Dabadeed Qureeshi waxa ay noqotay laba awoodood oo isu tookhaya. Aad baan uga fekeray in aan baxsado oo xerta Maxamed ku biiro, waan se isku aammini waayay, waayo waxa aan u arkayay koox yar oo dhowaan iska baabbi’i doonta. Weli se aniga oo tashigaa ku jira ayay arrin weyni soo korodhay. Waxaa dhacay dagaalkii Badar, goobtaas ayayna taariikhdii carbeed iyo taydii qof ahaaneedba isku beddeleen.

Ceelkaa Badar la yidhaahdo waxa ay muslinku ku gawraceen hormuudkii Maka intoodii badnayd, waxaana dhacdadaa ka beerantay utun aad u xun. Ragga ay maalintaa muslinku qudha ka jareen waxaa ka mid ahaa Duceyma oo adeer u ahaa ninka aniga i haystay ee la odhan jiray Jubeyr. Jubeyr dilka adeerkii aad iyo aad buu uga murugooday, waxa uuna Qureesh horteeda nidar kaga galay in uu u aari doono. Ha ahaatee Jubeyr ma ahayn nin dagaalyahannimo lagu yaqaannay, isla markaa waxa uu ahaa jidh ahaan nin itaal yar. Magaciisa oo dhami waxa uu ku taagnaa dhaqaalihiisa oo wanaagsanaa.

Qureeshtii reer maka waxa ay guddoonsatay duullan ay ku qaaddo Madiina iyo jabhadda Maxamed si ay ugu soo aarto raggii qiimiga badnaa ee Badar lagaga laayay. Dhacdo walba oo degmada iyo dunidaba ku soo korodha anigu waxa aan ka dhex eegaa oo keliya aayahayga iyo xorriyaddayda waxa uga soo bixi kara. Rag sidayda addoon ahaa, oo Bilaal kii Xabashiyeed ka mid yahay, ayaa aayahooda saaray halganka Maxamed. Anigu se ninkaa fallaagoobay ee magacii iyo diintii Qureesheed ka baxay waxa aan u arkay nin guuldarro u qoran tahay. Dhanka kalena anigaba diintaydii iyo Kitaabkaygii Qudduuska ahaa waxa uu ku sheegay wax la halabuuray oo la dooriyay. Waan se gefsanaa ee raggii bilawgii raacay baa iga aayo roonaaday.

Dharaartii loo dareeri lahaa dagaalka kooxda Maxamed lagu qaadayo ee raggii Badar loogu soo aarayo habeenkeedii laba ruux oo Maka muhiim ka ah baa cariishkaygii yaraa iigu yimid. Waxa ay ahaayeen laba booqasho oo socdaalkii noloshayda si buuxda u beddalay. Booqashada hore waxa ay ahayd Hinda, ooridii Abuu Sufyaan oo ahaa madaxa Qureesheed. Hinda aabbaheed Cutba, walaalkeed al-Waliid iyo dumaashigeed Sheyba saddexdaba waxaa lagu dilay goobtii Badar, waxa ayna habeenkaa ku jirtay xaalad nafsadeed oo aad u xun oo murugo iyo ciil ah. Waxa ay ahayd qof qurux badan oo leh laf iyo jidh aad u qorqoran, isla markaa waxa ay lahayd raggannimo yaab leh. Waxa ay ka dhalatay qoys sare, waxa ayna u dhaxday qoys kale oo sare, ladnaan badan ayayna ku soo kortay, sidaa darteed waxa ay ahayd naag ismahadisay. Yaraan baa lagu guursaday, imikana waxa ay ahayd dhawr iyo soddon jir. In kasta oo aannu labadayadu dabaqad ahaan aad u ka la fogayn, oo aan anigu addoon ahaa iyaduna sayidad, haddana naagaha Mushrikiinta Maka iyada ayaan ugu jeclaa.

Hinda habeenkaa kolkii ay cariishkayga yar iigu timid waxa ay igu tidhi: ”Waxshiyow, na bogsii oo bogso! Ii soo dil Maxamed adeerkii Xamse, waxa aad dunida doontana waad iga helaysaa.” Farxad baan wada kurbaday. Illintii dhabannadeeda qulqulaysay baan sacabka kaga tiray, waxa aanan u ballanqaaday haddii ay ballankaa oofinayso in aan codsigeeda fulin doono. Sidii baannu ku heshiinnay, in aan bogsiiyo iyaduna i bogsiiso.

Habeenkaa markii ay Hinda ii timid in yar horteed waxaa iga tegay Jubeyr oo ah ninka i addoonsada, waxa uuna ii la yimid wixii ugu weynaa ee ay labadayda dhegood maqli lahaayeen. Waxa uu igu yidhi: ”Aroorta waxaa dhaqaaqaya col adag oo fallaagada Maxamed lagu soo laynayo oo raggii Badar loogu soo aarayo. Na raac oo adeerkay Duceyma ugu soo aar Maxamed adeerkii Xamse, dabadeed waan ku xoreeyay.”

Noloshayda inteedii badnayd isaga ayaan addoon u ahaa, isaga ayaanan aadamiga ugu necbaa, wax badan baanan dullayntiisa iyo ku tumashada dadnimadayda ka soo maray. Haddana ilbidhiqsigaa wax aan u arkay qofka dunida ugu wanaagsan ee ugu naxariis badan. Ilbidhiqsi gudihii ayaan noqday ”dad” halkii aan awel ahaa ”shay”. Neecaw macaan oo saafi ah ayaa sambabbadayda xashay. Culays weyn baa labadayda garab sida rarka laga rogay. Dhiiggaygii cuslaa baa noqday khafiif. Liibaan aan soohdin lahayn baa i dabooshay. Wax aan ugu jawaabay: ”Sow xorriyaddaydu intaa ku ma xidhna?” ”Haa”, ayuu iigu jawaabay. ”Haddaba taa aniga igu dhig”, ayaan isaga iyo naftaydaba wacad ugu maray.

Sidii aan xusay waxa aan balaayo ku qabay bahasha hootada la yidhaahdo. Carabtu waxa ay igu odhan jireen ”xabashidiinna oo dhan baa sidaas ah oo waad hiddaysatay”. Weligay wax aan ku tuuray la ma seegin, wax aan la helayna weligeed ka ma dhaawac kicin. Iyadii baan diyaarsaday.

Dagaalka carbeed ee la isku ba’ayo anigu wax dan ah ka ma lihi aan ahayn in aan isgobeeyo. Maalintaas oo dhan ciidanka waan garab socday ee la ma socon, ujeedkaygana waa la wada ogaa. Hinda intaa isha ayay igu haysaa, meel codkeedu iga soo gaadhi karo haddii aannu isu jirsanno waxa ay i lee dahay: ”Waxshiyow, na bogsii oo bogso!” Sidaa si la mid ah ayuu Jubeyr isha iigu hayaa. Kol buu igu yidh: ”Maanta waa maalintii aad dib u dhalan lahayd aniguna ciilbixi lahaa.” Anigana intaa waxaa ii muuqda Xamse, halyeygii Qureesheed, dagaalyahankii magaciisu dhulka carabta wada gaadhay, ninkii aan weligii la arag isaga oo aan hubaysnayn, ninkii aan weligii riddadiisu dhulka u dhicin, ninkii kolkii uu muslimay ay u la baxeen ”Libaaxa Ilaahay”. Ninkaas ayaannu maanta ismudanaynnaa. Tunkiisa weyn ayay dadnimadaydu saaran tahay. Haa, aarkaas baa i dili oo dunida siliceeda waan ka dheelman, ama aniga ayaa dooxi oo mindhicirkiisa xorriyaddayda ka la soo bixi. Halyey Xamse ma necbi isuguna i ma necba, laakiin libaaxuba hasha uu dilayo ma necba ee noloshiisa ayaa gashay.

Dagaalkii wuu dhacay, waxa uuna ka dhacay buurta caanka ah ee Uxud gunteeda. Birta ayaa danantay oo carabi gorodda ayay isgashatay. Maxamed baan arkaa oo sida qorraxda goobta uga dhex muuqda. Cumar baan arkaa oo midig iyo bidix seefta u labarogaya. Cali baan arkaa oo durba gacantiisa iyo seefta xinjirtu dhammuuqday. Dhanka kale waxa aan ka arkaa Abuu Sufyaan oo muslinka qoorta u simaya. Jubeyr baan arkaa oo meel dambe dhagax soo gabbaadsan oo aniga isha igu haya. Waxa aan arkaa Hinda oo inta ay tafta xaydatay aniga iyo qolada reer maka hees guubaabo ah na la daba taagan. Aniguna kolba dhagax baan foodda saarayaa, kolba laba isla rogmanaya ayaa isku la kay soo dhacaya, kolba nin aanan u dan lahayn baa isku kay soo maqiiqaya oo aan iska hor weecinayaa.

Mee Xamse? Waa kaa isaga oo sida uu seefta madaxa wax ugaga gurayo aad mooddo in uu beer sabuul ka jarayo. Waa kaa isaga oo aad baarqab mooddo reer maka ku cartamaya. Waa kaa aad mooddo weere xayn adhi ah dhex galay. Waan ku durkay oo ku durkay ilaa aan u jirsaday in ka yar toban tallaabo. Dabadeed hootadii ayaan gilgilay oo gilgilay oo inta xooggaygu yahay ku sii daayay: Wash! Inta ay gumaarka ka gashay ayay labada lugood dhexdooda ka kudday. Xaggayga ayuu isu soo qaaday isaga oo ay seef dhiig la casaatay ka soo horrayso, laakiin markiiba wuu daadduumay oo isbarkaday.

Markii aan hubiyay in uu go’ay ayaan hootadaydii qaatay oo inta aan dhiigga ka tiray oo guntiga gashaday Maka iskaga noqday, waayo dan kale dagaalka ka ma aan lahayn. Ma aan ka la jeclayn muslinkooda iyo mushriggooda, waxa uun baan u arkayay ilmo adeerro aniga addoomintayda u siman.

Sidaas ayay ahayd, sidaas ayaan ku soo dhacsaday dadnimadaydii beri hore la qafaashay. Aniga oo libin ku geeraaraya ayaan Maka ku noqday. Kolkii la iga horyimid ee la iga waraystay xaaladda dagaalka waxa aan sheegay in aanan war u hayn aan se anigu Xamse soo dilay. Warkaa dambe farxaddiisa ayay ku illaaween in aan dagaalka ka soo baxay iyo in aanan war kale ka keenin. Xamse in uu dhintay reer maka waxa ay u la mid ahayd in awooddii muslinku dhab u jabtay

Dagaalkaa waxaa si weyn ugu adkaaday reer maka. Kolkii la isu soo noqdayna waxaa i soo gaadhay war aan aad uga argagaxay. Warkaasi waxa uu ahaa Abuu Sufyaan maydkii Xamse inta uu iskor taagay in uu seef ku mudmuday isaga oo leh: ”Dhadhami, caasi yahow!” Waxa aan kale oo ogaaday Hinda in ay maydkii dooxday oo inta ay beerka ka la baxday cuntay, oo dhegaha, carrabka, sanka iyo dibnaha inta ay ka googoosatay ka dhigatay kuul, jijimo iyo waysaaqyo. Warkaa aad baan uga xumaaday. Hinda iyo Abuu Sufyaan intaa waa ay iga la sarreeyeen. Haddana waan ogaa in ciilku waalay oo waa tii goobtii Badar qoyskooda lagu hoojiyay.

Waxaa kale oo i soo gaadhay Maxamed in uu aad iyo aad uga murugooday dilka adeerkii, anigana ii qaaday colaad aan mid la mid ah la arag. Waan ka garaabayaa colaadda weyn ee Maxamed iyo muslinku ii qaadeen, waayo ninka aan maydkiisa ka tallaabsaday waa kii ay raggooda ugu jeclaayeen. Gaar ahaan Maxamed adeerradii Abuu Daalib ka dib isaga ayuu ugu jeclaa, waana ninkii ku hagoogtay berigii Maka lagu dibindaabyaynayay. Dhanka kalena waa geesigii Qureesheed, kolkii uu muslimayna waa Libaaxii Islaamka. Laakiin sidaa si ka sii weyn baan naftayda ugu garaabayaa, waayo dee jiritaanka dadnimadayda oo dhan baa shardi lagaga dhigay. Waa kee qofka aan samayn lahayni?

Kolkii dagaalkii laga soo noqday ee Maka la isugu yimid waxaa ii baryay waah cusub, waxa aanan noqday sidii qof cusub oo mar kale la abuuray. Waxa aan noqday qof bani aadan ah oo dadka ka mid ah, waxa aan yeeshay nolol xor ah oo qiimi leh, waxa aan yeeshay hawo adduun, dhaqasho iyo wax qabsi, waxa aanan u hawlgalay in aan magacayga iyo noloshayda kor u qaado. Ammaanta iyo weynaynta reer maka oo dhan baan helay, deeq dhaqaale oo badan ayayna hodankii carbeed igu bantookheen. Dahabkii ay Hinda i siisay oo keliya ayaa adduun dhan ahaa kolkii ay iyadu xubnaha Xamse dahab ka dhigatay. Deeqsiyad abaalgudda ayay noqotay oo runtii markii aan xoroobay wax badan bay i tartay. Ninkaygii shalay addoonka ahaa mar qudha ayaan ka mid noqday mudanka Maka.

In kasta oo ay qofnimadaydii iyo noloshaydii sidaa weyn isu beddeleen haddana adduun hawli ka ma dhammaatee dhibaato cusub baa igu soo korodhay. Kooxdii Maxamed ee Madiina fadhiday waa ay sii xoogaysatay oo degmooyin badan oo carbeed iyo yuhuudeed ayay xoog iyo xeeladba calankooda ku hoos keeneen. Intaa uun ma aha ee waxaa soo baxday in ay hawaysanayaan Makadan aannu joogno qudheeda in ay nagu galaan. Waxa aan ogaa giddigood in ay nacaybkayga la wada qamuunyaysan yihiin oo yar iyo weyn, rag iyo dumar, birta ii raminayaan. In aan dhuyaalo oo dhulkii awowyada ku tibbado waan ka fekeray, haddana waddadaa dheer waxa halis taalla ayaan istusay. Mar haddii aan maanta xor ahay oo qiimi qofnimo lee yahay in aan carab wax la qabo oo Qureesh wax la qaybsado ayaan goostay.

Ugu dambayn Maxamed oo duullaan ah oo gaasas camaadhyo leh wata ayaa Maka soo gabagabo fadhiistay. Hormuudkii Qureesheed oo Abuu Sufyaan ugu horreeyaa waxaa u caddaatay in waqtigii dhammaaday oo aan awoodda muslinka loo babac dhigi karayn. Qaar badan oo ka mid ahi waa ay muslimeen, kuwoodii kalena waxaa la la bilaabay waanwaan la doonayo in ay nabad isu dhiibaan. Maalintaas ayay talo igu caddaatay.

Waxa aan u baxsaday Daa’if oo ka mid ahayd degmooyinka Maxamed iyo diintiisa aad looga diiddan yahay. Halkaas ayaan foolka saaray. Ha yeeshee aniga oo aan wax badan joogin ayay reer daa’if qudhoodii ergo uu Maxamed u soo diray ku muslimeen. Mar kale ayay talo iga dhaharatay, waxa aan damcay in aan xaggaa iyo Yaman u baxsado, waxaa se i soo gaadhay warar sheegaya Maxamed in uu yahay nin han weyn oo qaddiyaddiisa wax walba u hura, oo qofka diintiisa gala aan eed hore ka la xisaabtamin. Iyada oo taa la ii sheegay haddana waan hubay dilka Xamse in uu lahaa macne gooni ah. Aad ayay iigu adkayd in aan isku qanciyo Maxamed dhagarta sidaa u weyn in uu ii dhaafi doono, waayo sida aan og ahay murugada iyo ciilku meel aad fog ayay ka gaadheen.

Si walba ha ahaatee waxa aan go’aansaday intii aniga oo fallaag ah meelahaa la igu dooxan lahaa in aan badheedho oo ka mid noqdo dadka badan ee ay Maxamed colka ahaayeen ee isdhiibaya. Sidii baan yeelay. Aroor hore ayaan faraskaygii Daa’if ka heensaystay. Markii aan Maka galay ma aan leexleexan ee goobtii Maxamed joogay baan abbaaray. Inta aan bariidiyay ayaan markii uu i soo eegay maqashiiyay erayada ashahaadada ah ee diintiisa lagu galo: Ashhaddu a’llaa ilaaha Illa Laah wa ashhaddu anna Muxammadan Cabduh wa Rasuuluh. Dabadeed aniga oo ka baqaya in uu seefta igu la boodo ayuu i wayddiiyay: ”Ma Waxshi baad tahay?” MagacaWaxshi in kasta oo weligayba la iigu yeedhi jiray haddana waxa aan mooday Nebi Maxamed wayddiinta in uu uga jeedo macnaha dhabta ah oo ah ”ma dugaag baad tahay?”. ”Haa, waxa aan ahay Waxshi”, ayaan u celiyay. Waxa uu wax iga yara wayddiiyay dilkii Xamse, dabadeed waxa uu igu yidhi: ”War iga hor dhaqaaq oo mar dambe araggaaga ha i tusin!”

Neef weyn baa iga soo kudday, dadkayga ayaanan dhinac ka galay. Maalintaa ka dib nin muslin ah baan noqday, waxa aan se ku dadaalay in aan ka fogaado meel Rasuulku iga arki karo, sidii ay ballantayadu ahayd. Ma aan doonayn in aan Xamse xusuusiyo, sida aanu isaguba u doonayn in aan xusuusiyo. Sidaas annaga oo ka la ah ayuu Rasuulku sallallaahu caleyhi wasallame xijaabtay. Jihaadka ayaan aniguna joogto uga qaybgalay, waxa aanan ka mid noqday ragga maalinta ay xun tahay lagu tashado. Waxaa se iigu qiimi badnayd goobtii Yamaama ee Abuu Bakar ku jebiyay murtadiintii diinta ka noqotay. Goobtaasi waa tii aan ku dilay ninkii kibirkiisu gaadhsiiyay in uu nebinnimo sheegto ee lagu magacaabi jiray Museylima al-Kaddaab.

Halkan dhacdada xiisaha lihi waa hootada aan ninkaa ku dilay oo ahayd isla tii aan ku dilay halyeygii Xamse. Muslinku waa ay i wada bogaadiyeen, waxa ayna wada yidhaahdeen ”wallee dhiiggii Xamse waad ka faraxalatay”. Waan jeclaan lahaa Nebi Maxamed dhacdadaa in uu soo gaadhi lahaa oo ogaan lahaa in aan hootadayda dhiiggii adeerkii uu jeclaa ugaga luqluqay dhiigga mushriggii weynaa ee uu necbaa. Waan malaynayaa in uu ii ducayn lahaa.

Maanta carriga Shaam magaalo ku taal oo Xumus la yidhaahdo ayaan daar dhex aallaa aniga oo dagaalka Roomanka si xun ugu dhawacmay. Sambabadu waa ay i daldaloolaan oo haddii aan sidan loo gufayn neeftu docaha ayay ka baxaysaa. U malayn maayo in aan ka kacayo, raalli ayaan se ka ahay noloshayda wax walba oo aan falay. Wax walba oo aniga la igu falayna, addoomintiina ku dheh oo, waan cafiyay oo saamaxay. Waxa qudh ah ee aan jeclaan lahaa waa in aan arki lahaa dhulkii awowyaday. Jannada shahiidiinta loo ballanqaaday ayaan se haddii aan helo kaga samrayaa jannadii Xabashiyeed ee aanan weligay arag. Silic aad u badan baan dunida ka soo maraye, Eebbe jannadiisa waasica ah ha ii goglo! Amiin.

 

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”