Samsam – Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”.

 

Ma xusuusni kolkii iigu horreysay ee aan maqlay magaca Samsam, waxa aan se hubaa in uu ka mid yahay erayadii aan ku afbartay. Waxa aan kale oo hubaa in uu ka mid yahay dhawaaqyadii ugu macaanaa ee yaraantii dhegahaygu maqleen. Samsam! Samsam! Samsam! Iiga ma duwanayn nacnac aan muudsanayo ama malab aan leefayo gugii aan sagaal jirka ahaa.

Inan aniga ila da’ ah oo ila xaafad ah oo magacaas leh oo midab cawlan oo had iyo goor sanka ka dhididda in aan dadka ugu jeclaado una arko in ay ugu wacan tahay oo ugu naxariis badan tahay waxaa ka horreysay magaca qudhiisa oo aan jeclaa. Haa, aniga oo magaca jecel ayaan iyadana bartay dabadeed iska jeclaaday.

Waan ogaa magacu in uu yahay biyo; biyo barakaysan. Waan ogaa in ay yihiin biyo laga keeno Barri Carab, Maka iyo Kacbada. Waan maqlay biyahaas in aan si walba loo helin ee laga martiyo qof ka soo noqday dhulka barakaysan. Xilligaa aan sagaal jirka ahaa ma jiraan wax aan ugu busayl badan ahay magacaa ay inanta iyo biyaha barakaysani wadaagaan.

Samsam jidhkeedu kolka aan taabto waxa uu u debecsan yahay sida hadalkeeda. Indho aad u cadcad iyo ilko aad u cadcad iyo firfircooni yaab leh ayay lahayd. U fiirsasho iyo kafalcelin badan ayay lahayd. Waxa ay ahayd deeqsiyad midhka nacnaca ah ii jebisa xanjadana ii goysa. Waxa ay ii ahayd saaxiibad dhab ah, waxa aanan u arkayay qof aad u wanaagsan. Waxa aan jeclaa goor walba in aan arko oo la joogo.

In badan baan kala sheekaystay biyaha barakaysan iyo magaceeda waxa ka dhexeeya, laakiin ma ay aqoon, qudheeduna weli ma ay dhadhamin biyahaa. Dadku se biyahaa waxa ay ka bixiyaan ammaan khushuuc iyo maamuus ku dheehan. Dabadeed waxaa i dilooday jacayl aan biyahaas u qabo. Goorma ayaad arki? Ayaan badanaa qof biyahaa maalin uun cabbay! Tolow sida biyaha kale ma loo qudhqudhin karaa? Mise tolow sida malabka ayaa la kabbadaa oo la muudsadaa oo la leefaa? Talow macaanka samsamku malabka sidee buu uga duwan yahay? Dadka kolka aan wayddiiyo waxaa lagu sheegaa samsamka in aan wax lagu qiyaasi karaa jirin, in wax kale lagu matalaana gef tahay, waayo dee waa samsamkii Ilaahay ee mucjisada ay ku soo burqadeen la isla yaqaan ee Nebiga lagu canqariyay. Hadalkaasi kalgacalka iyo hilowga aan biyahaa u qabo ayuu qalbigayga ku sii shidaa.

Aniga oo weli sagaal jir ah ayaan maalin maqlay bishaaradii ugu weynayd ee aan weligay maqlay. Dhowaan waxaa xajka u kacaysa ayeyday Cosob, waxa ayna keeni doontaa samsam. Maalintaas ayaan samsamka baran doonaa. Qunyar ayaan horta u dhadhamin doonaa inta aanan qudhqudhin. Waxa aan sii maleeyaa midabkooda iyo urtooda iyo dhadhankooda iyo weelka lagu keenayo jaadkiisa. Ayeyo kolkii ay dhoofaysay kun goor ka ma yara inta jeer ee aan ku la ballamay in aanay soo illaawin samsamka. Wacad adag ayay iyaduna ku qaadday in ay keeni doonto oo qoyska oo dhami ka hirqan doonaan.

Ayeyo Cosob intii ay maqnayd dunida iyada ayaan ugu jeclaa, goor walbana waxaan u baryi jiray in ay soo nabad noqoto, iyo, waa islaan gabowday oo qalbacan qabtee, in aanay samsamkii soo illaawin. Saaxiibadday Samsam waxa aan u ballanqaaday in ay  i la wadaagi doonto samsamka qaybta aniga la i siin doono.

Maalmo iyo habeenno ayaa tegay. Iiddii weynayd baa la dhaafay. Haddana maalmo iyo habeenno kale ayaa tegay. Dabadeed cishadii dambe ayay timid ayeyo. Aad bay u faraxsanayd oo u niyad wanaagsanayd. Illayn waa qof dhulkii barakaysnaa ka timide udgoon baa ka soo kakamayay.

Ayeyo, samsamkii ma siddaa?”

Nacam, samsam badan iyo dhar badan iyo sawirkii Kacbadaba waan idiin sidaa”, ayay ku bishaaraysay.

Wax kale ha dambeeyeene samsamka ha la furo. Caag cad oo shan litir qaada oo buuxa oo dusha laga garanayo in dhul barakaysan laga keenay ayaa la soo dhuftay. Aabbudhka ayaa laga gooyay. Qofba weel baa loo gingimay. Aniga ayaa la iigu horreysiiyay oo bakeeri buuxa ayaa la ii dhiibay. Durba waxa aan arkay samsamku muuqa in uu biyaha uga eg yahay, waxaana igu dhacay waxoogaa saluug ah. Aniga oo mooday dareenkaas in aan ku dembaabay ayaan niyadda ka istaaqfurullaystay dabadeed bakeerigii gafuurka u dhoweeyay. Durba dareemay samsamku in aanu udgoon gaar ah biyaha dheerayn. Baqdin, farxad iyo filasho weyn ayaan ku kabbaday. Dhawr ilbidhiqsi ayay dareemayaashaydu idilkood xawliga ugu sarreeya ku shaqeeyeen. Kolkii aan maggaabadii ugu horreysay liqayay awooddayda dhadhansiga ayaa heerka ugu fog gaadhay. Dabadeed dhawr ilbidhiqsi ayaan garan waayay wax aan sameeyo iyo wax aan idhaahdo. Miyaan ooyaa? Biyaha miyaan saydhaa? Is ma aan ogayn markii aan aniga oo biyihii hooyaday u taagaya niyadxumo ku idhi:

Hooyo, kuwani samsamkii ma aha! Ayeyo samsamkii mee?”

Cab ayeyo waa samsamkiiye, cudur iyo curshiba wuu kaa xalayaaye, Ilaahay saxo iyo caafimaad ha kuugu daree!”

Far dhaqaaqda ayaan iska waayay. Mar islaanta ayaan eegaa, mar hooyaday oo biyihii sii kabbanaysa ayaan eegaa, mar dhadhanka afkakayga ku hadhay baan ku noqdaa, mar kalena filashadaydii weynayd baan xusuustaa. Waxa aan yaab iyo baadhitaan marba mid ku eegay dadkii waaweynaa oo dhammidood kolka ay biyaha kabbadaan wada leh ”alxamdullillaah! Alla macaanaa oo qaboobaa, Ilaahow nagu shaafi!”. Koombadii ayaan hooyaday ka jiitay oo mar kale kabbaday, waxba se is ma doorin oo waa isla biyihii caadiga ahaa.

Waxa aan yaqiinsaday dadku in ay gefsan yihiin ee biyahani aanay ahayn samsamkii Ilaahay ee Kacbada, waayo dee biyaha qasabadda ayaaba kuwan ka macaan. Garashadayda iyo dareenkayga ayaan ku kalsoonaan kari waayay. Hooyaday ayaan hubsiino ugu noqday, saa weli waxa ay lee dahay: ”Alxamdullillaah! Qaboobaa oo macaanaa Ilaahow ifka nagu dabiib aakhirana ajar iyo xasanaad nooga dhig!”

Dadka waaweyni aad ayay u bulaamayaan oo iswaraysi ayay ku wada maqan yihiin oo xaalkayga aad ugu ma dhug laha. Anigu se waan amakaagsan ahay. Waxa aan ku dhow ahay in aan caytamo, ama biyaha caagga ka afrogo, ama meesha ka cararo. Mee samsamkii aan sugayay ee la wada sugayay? Maxaa la isu yeelyeelayaa ee la isaga dhigayaa in samsam la cabbayo? Waa maxay sidani? Sow la isku ma ogayn samsamku in uu malabka ka macaan yahay oo cadarka ka udgoon yahay oo caanaha ka qurxoon yahay oo jannada ka soo durduray? Waa maxay taxarkani?! Waa maxay wiyirkani?! Wixii aan ku fekeri lahaa iyo wixii aan odhan lahaaba waan ka baqay oo ku dhici waayay. Dadka sidaas u dhaqmaya waxba ka ma wayddiin karo duufaanta naftayda ku kacsan. Waxa aan  ka baqayaa haddii aan biyaha Ilaahay dhaliilo in aan qof xun noqdo oo ifka la i naco aakhirana la i cadaabo. Dadka waaweyn qudhooda sidaas oo kale ayaan wayddiimaha uga la baqayaa. Jeclaan lahaayee in ay carruurtii kale cidi iga la joogto si ay mashaqada ii la arkaan. Jeclaan lahaayee in ay Samsam i la joogto si ay yaabka iyo amakaagga ii la qaybsato.

Isma aan ogayn goor aan goobtii ka cararay. Intii aan sii ordayay waxa aan ka fekerayay waxa aan ku dhihi doono Samsam kolka ay i wayddiiso samsamka. Aad baan Ilaahay uga baqayaa haddii aan runta sheego oo samsamka ku sheego biyo iska caadi ah. Alla baqdin iyo jahowareer weynaa! Samsam waaba tan. Kolkii aan u sheegay ayeyday in ay timid yartii farxad bay cagaha dhulka dhigi kari wayday.

Alla oo Samsamkii ma sidday?”

Haa iyo maya aniga oo aan midna u celin ayaan ku shuqliyay arrimo kale oo imaatinka islaanta ku saabsan, waxa ay se iga dayn wayday wayddiinta samsamkii la wada sugayay.

Ina keen”, baan ku idhi oo geeyay bartii xaajiyaddu hawaartay ee lagu xoonsanaa.

Samsam soo siiya samsam!” ayaan ku idhi.

Samsam kolka ay biyaha dhadhamiso haddii ay dadka waaweyn la aragti noqoto waxa aan qiranayaa in aan buko oo aan samsamku ii dhadhamayn, ama sheydaan ahay oo Ilaahay khayr i la rabin. Haddii ay aniga i la aragti noqotana waxaa ii caddaanaysa dadka waaweyni in ay yihiin noole jaad kale ah oo carruurta ka abuur duwan.

Yartii markii ay bakeerigii kowaad liqday inta ay koombadii dib isaga celisay ayay tidhi:

Ayeyo, kani samsamkii ma aha!”

Waa samsamkiiye cab ayeyo, shuush oo dhan baa kaa duulayee.”

Samsam waxa ay moodday in lagu cayaayirayo oo inta samsamkii laga qadiyay biyo kale lagu beenbeeninayo, waana ay xanaaqday. Laakiin dadka hadalka ma ay sii wadwadin oo waa ay xishootay.

Labadayada ayaa dabadeed debeda isu raacnay, waxa ayna ii sheegtay sida ay uga xanaaqsan tahay in biyo caadi ah lagu sasabo. Waxa aan se ugu dhaartay biyaha samsamka lagu sheegay ee meesha lagu wada cabbay ee Ilaahay lagu mahadiyay in ay kuwaas ahaayeen.

Waar naga tag dhabcaal yahow xumi!” ayay igu tidhi.

Waxa aan ku dadaalay in aannu arrinta oo dhan iska illawno, waayo waxa aan ka baqay in aan dembaabo oo aakhiro la i cadaabo.

Qisadaasi waxa ay dhacday berigii aan sagaal jirka ahaa. Waxa aan jeclaa in aan iska illaawo, afar iyo soddon sannadood ka dib ayay se mar kale igu soo noqotay. Horta aniga iyo Samsam waannu isguursannay oo carruur baannu isu yeelannay. Xajka ayaan ka soo noqday aniga oo sita caag weyn oo samsam ka buuxo. Markii aan imid wixii ugu horreeyay ee aan qabtay waxa ay ahayd in aan carruurtayda samsamkii ay iga sugayeen u shushubo. Ka yidhaahda: ”Aabbe, biyahani samsamkii ma aha”, waxa aan ku lahaa: ”Cab, aabbe, waa samsamkii barakaysnaa oo xumaha oo dhan buu kaa xalayaaye.” Aad baan se u garanayay dareenka carruurta iyo filashada weyn ee meesha ku baaqatay. Waa dareen ka xogla wax waliba in aanay ahayn sida looga hadlo. Shaabuug kulul oo muddo dheer qofka ku laba-dhaca ayaa u laylya oggolaanshaha xeerarka aamusan ee bulshada.

 

 

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”