Reer Galbeedka iyo Muqaddasaadka Muslinka – Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

 

Muqaddasaat waa wadarta erayga af carbeedka ah ee muqaddas, waana waxa diin ahaan dad u dhawrsan ee la xurmeeyo. Quraanka iyo Nebi Maxamed (scw) ayaa ugu mudan waxyaalaha muslinku ilaashadaan.

Haddaba labadaa wax ka sheeggooda ayay beryahan qaylo ka taagan tahay. Waa maxay sababtu? Waa maxay danta laga lee yahay?

Ugu horreyn, Dunida Muslinka iyo Dunida Galbeedku taariikh ahaan wax weyn oo ay ku ka la duwan yihiin baa jira kolka ay tahay sida loo arko “muqaddasaadka”. Badhtamihii qarnigii 18-aad Yurub waa tii uu ka dhacay baraarugga fikir ee ay u bixiyeen “ifin” – Enlightenment. Ifintaasi waxa ay ahayd kacaan maskaxeed oo la doonayay in lagaga takhalluso oo lagaga xoroobo wax kasta oo aan garashada hagaagsan iyo sayniska waafiqi karin, isla markaa wax walba la caqliyeeyo oo la sababeeyo. Halkaa waxaa ku jabay awooddii kiniisadda iyo qiimigii diinta, waayo diintu kol haddii ay tahay ruuxi qofka naftiisa iyo rumayntiisa ah, garaad iyo cilmi waa lagu difaaci kari waayay. Waxaa ka hiilisay fikradda ah: garashada, sayniska iyo danta ha la isu la yimaaddo, wixii rooxaaniyad iyo qeyb ahna gooni ha loo haysto.

Dabadeed arrimaha bulshada ka dhexeeya iyo danaha guud oo dhan diin waa laga safeeyay, waxa ayna noqotay in la qarsado oo la la xishoodo. Tani waxa ay meesha ugu daran gaadhay Waqooyiga Yurub oo kiniisad gabowday oo meel ka taagan mooyee aan nolol maalmeedda bulshada lagu dhex arkayn wax diin ku shuqul leh. Waxaa ka sii hadhay uun inta yar ee hidde ahaan loo ilaaliyo ama dadka weli rumaysan loo daayo. Wax walba oo diin ku abtirsada (Ciise Masiix, Baybalka, baadderiyada iwm) waxaa laga dhigay wax lagu maadsado oo fanka iyo farshaxanka loo sakhiro. Maanta wax kaleba iska daaye dad afrikaan ah baa Yurub u yimaadda in ay Diinta Masiixiga dib ugu faafiyaan.

Reer galbeedku haddaba iyaga oo halkaa ku foofsaday ayay hirdiyeen Dunida Muslinka oo weli diintu dhaqanka iyo nolosha asaas u tahay. Diintii ay laba qarni hortood xakameeyeen oo innaga sida ugu sarraysa inooga dhex shaqaynaysa ayay la kulmeen. Dabadeed maxaa talo ah? Shaabuuggii ay beri hore masixiixiyiinta ku jilciyeen ayay mar kale la soo baxeen oo maanta innagu karbaashayaan. Muslin nacayb ma aha ee waa diin oo dhan oo loo diidayo in ay soo gasho siyaasadda iyo xidhiidhka ummadaha oo loo arko in ay fadqalallaynayso. Waxa socda oo dhami halkaas ayay daarran yihiin.

Mid kale oo ay muslinka iyo reer galbeedku ku ka la duwan yihiin waa mabda’a madaxbannaanida fikirka qofka. Kacaankii Ifinta ee aynnu soo xusnay natiijooyinkiisa waxaa ka mid ahaa xaqa buuxa ee qofku u lee yahay in uu garashadiisa gudbiyo isaga oo aan ku eedoobin. Sidaa darteed reer galbeedka xeer qarameedkoodu xuquuqdaas ayuu dammaanad qaadayaa, mana jirto awood sharci ah oo qofka ku nool Maraykan ama Yurub ka joojin karta faafinta fikraddiisa. Waxa qudha ee ka reebbani waa ku xadgudbidda cid gaar ah. Laakiin ciddaas dhawrsan ku ma jiraan dadka saamaynta iyo awoodda leh, ama dadka taariikhda raadka ku leh, ama astaamaha dadka ka dhexeeya. Tusaale ahaan diimaha, nebiyada iyo halyeyada taariikheed loo ma arko wax gaar ah oo cidi gooni u lee dahay, waa se wax bani aadanka u siman oo in wax laga yidhaahdo u furan. Tusaale ahaan cisho dhowayd Iswiidhan nin farshaxanka balaayo ku qaba ayaa lacag qaddaaddiicda dalkan ah inta uu boggii daabaca ee boqorku ku yaallay ka masaxay oo si aan la dareemi karin ugu dhalaaliyay daabac kale oo uu isagu hindisay, dabadeed suuqa ku sii daayay. Dad ay lacagtu gacantooda gashay baa dabadeed arkay waxa ku yaallaa in aanay ahayn wixii ay yaqaanneen. Lacagta meeshii xuska boqorka waddanku ku qorraa waxa uu ku beddelay weedha ah ”Boqorkayaga Dhillada ah”. Waxba loo ma raacan, isaga ayaana og waxa uu uga dan lahaa, waxaa se lagu macnayn karaa in uu doonayay qiimiga boqorka in uu hoos u dhigo oo maamuuska ka qaado. Waxa ay qayb ka tahay dadaalka ay bulshooyinka dimuqraaddiga ahi ku la dagaallamaan in cid la caabudo oo loo addoonoobo.

Isla marka ay iyagu caynkaa yihiin ayay bulshooyinka muslinka ah aragtida qofka iyo xorriyadda eraygu ku xaddidan yihiin oo ku xakamaysan yihiin raacista dhaqanka iyo diinta. Ismaandhaafka ugu weyn ee labada dhinac waxa keenayaa waa taa.

Ismaandhaafka iyo iskudhaca muslinka iyo reer galbeedku fikir uun ma aha ee sabab siyaasadeedna wuu lee yahay. Dabayaaqadii sannadihii 1980-nadii kolkii ay burburtay aydoolojiyaddii hantiwaagga iyo awooddii Midowga Soofiyad, waxaa dunida u hadhay hantigoosiga reer galbeedka oo Maraykanku hormuud u yahay. Dabadeed wixii ay xoog ciidan iyo xeelad maskaxeed ururiyeen ayaa cidla ku soo dhacay oo hawl la’aan noqday. Waxaa la iswayddiiyay: Ma jiri kartaa ama ma waari kartaa awood iska furan oo aan mid la loollanta iyo wax caabbiya lahayni? Jawaabo isdiiddan baa wayddiintaa laga bixiyay. Fikradi waxa ay ahayd tii uu keenay nin Maraykan u dhashay oo la yidhaahdo Francis Fukuyama, kaas oo sannadkii 1992 dejiyay buugga magaciisu shaacay ee ciwaankiisu yahay The End of History and the Last Man. Halkan erayga ”history” waxaa laga wadaa legdanka colaadeed ee ummadaha. Ninkaasi waxa uu saadaaliyay loollankii aydoolojiyadeed ee dunida ka oognaa in uu la dhammaaday burburkii hantiwadaagga iyo adkaanta hantigoosiga.

Fikradda Fukuyama oo aan weli la liqin ayay ka soo daba baxday mid kale oo sheegaysa loollankii ummaduhu in aanu dhammaan ee isu rogayo mid diineed, oo dagaal riiq dheeri ka bilaaban doono. Tan waxaa sannadkii 1993 maqaal markii dambe buug noqday ku soo bandhigay nin qudhiisu maraykan ah oo la yidhaahdo Samuel P. Hantington, waxa uuna ciwaan uga dhigay The Clash of Civilizations?. Halkanna “civilizations” waxaa looga jeedaa diimaha iyo dhaqammada.

Waxa ay u ekayd dhab ahaan reer galbeedku in ay istuseen awooddoodu in aanay taagnaan karin haddii aanay haysan cid la legdanta. Taa darteed waxa ay baadi dooneen ciddii ay u sharrixi lahaayeen kaalinta loollankooda, Shiinaha iyo muslinka ayaana la soo hadalqaaday. Laakiin Shiinaha malaha waxa ay u waayeen sabab toos ah oo ay ku wajahaan waayo, haba ka duwanaadee, ma aha dal ku dhisan fikrad weerar ah ama imbiriyaaliyad. Sida kalena berigaaba wuu furfurmayay oo isaga iyo reer galbeedka shukaansi baa u socday. Kollayna Maraykanku ku ma dhiirranayn colaadinta quwaddaa weyn oo aan dagaalkeeda la mahadinayn. Halkaa waxaa soo hadhay Dunida Muslinka. Laakiin tan qudheeda cillad baa ku jirta: muslinku ma aha dal qudha oo leh aydoolojiyad iyo fikir midaysan, inta badanna dawladaha muslinka siyaasaddoodu diinba shuqul ku ma leh. Markaa sidee loo abbaarayaa, maxaa se loo cuskanayaa colaadintooda?

Iyada oo xaalku sidaa yahay, oo labadii aragtiyood ee Fukuyama iyo Hantington nuxurkooda iyo runnimadooda weli lagu muransan yahay, ayay dhacdooyin ta dambe u hiilinayaa soo kordheen, dhacdooyinkaas oo ay duruufo awalba jiray saamayn ku lahaayeen.

Dhammaadkii halgankii weynaa ee Afganistaan lagaga xoreeyay Midowga Soofiyad dunida muslinka waxaa gilgishay dabayl xagjirnimo diineed ah. Laba arrimood baa la dhihi karaa kacdoonkaa xagjirka ah waa ay sababeen. Ta hore waa dagaalyahan aad u badan oo ka soo waranjiiday halgankaa Afganistaan, colkaas oo dib ugu baahay dhulalkii uu awal ka soo duulay gaar ahaan Dunida Carabta iyo Bagistaan. Ta labaad waa jabkii Midowga Soofiyad oo nimankaa geliyay han weyn oo ah in aan wax damacooda u babac dhigi karaa jirin, damacaas oo ah in ay dhisaan dawlad diineed. ”Sidaa ay awooddii baaddilka ahayd ee Soofiyadku u daadatay si la mid ah ayay ta Maraykanka ee iyaduna baaddilka ahi u daadan doontaa” ayuu ahaa halkudhiggoodu horraantii sannadihii 90-nadii. Cid kasta oo tooda diiddan in ay seef xiiraysa mariyaan ayay qorsheeyeen. Hawshaa waxa ay ka bilaabeen in ay si argagixin ah isugu miidaamiyaan maamullada dawladeed ee dalalka muslinka. Aljeeriya, Masar, Bagistaan iyo Sacuudiga ayaa ka mid ah bulshooyinka ay nabarradii colkaasi darandoorriga ugu dhaceen. Halkaa khasaare weyn oo naf iyo maalba leh baa ka dhashay. Dalal ay Aljeeriya ka mid tahay xaalku waxa uu gaadhay dagaal sokeeye ay tobannaan iyo tobannaan kun oo nafood ku halligmeen.

Iyada oo bulshooyinka muslinka ah dagaal kululi sidaa ugu dhex oogan yahay, ayay tii dhabannahaysta reebtay dhacday; waa tii Maraykanka lagu qaaday weerarkii dayuuradaha 11/9/2001. Imika ayaa dhab loo wada xusuustay saadaashii baasayd ee mudane Samuel Hantington. Ma run baa oo legdankii dunidu mid diineed buu noqday?

Tani maalintii ay dhacaysay Maraykanka waxaa madaxweyne ka ahaa macangag qudhiisu xagjir ah oo kiniisadda aad ugu xidhan. Waxaa la odhan jiray George W Bush. Weerarkii argagixisada waxa uu kaga aargutay in uu Dunida Muslinka ku ekeeyo dagaallo baahsan oo uu u niyaystay ”dagaalkii macatabka”. Afganistaan iyo Ciraaq baa la qabsaday, aayihii dadyowgaasna Calanka Maraykanka ayaa la hoos keenay. Soomaaliya, Bagistaan, Yaman iyo meelo kale waxa ay noqdeen dhulal laga qawlaysto oo ciddii la doono lagu dilo, ciddii la doono laga qafaasho, sidii la doonana loo farageliyo.

Ta aynnu uga soconnaa haddaba waxa weeye, intii ka dambaysay weerarkii Maraykanka lagu qaaday waxaa aad u xoogaystay xadgudubyo ay dad reer galbeed ahi ku hayaan waxyaalaha muslinka u dhawrsan.

 

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”.