Suldaan Seef La Bood Ah Iyo Suxufi Sumili Doon Ah Ayaa Horseed U Ah Dagaalka Qabow Ee Qabyaalada”

Isbadalka habeenka iyo maalinta ee joogtada ah ayaa xambaarsan kala duwaanshaha joogtada ah dhacaya maali kasta Soomaaliduna waxay tidhaa “Waagii baryaaba waayo leh”.

Hadaba bulshada Somaliland maalinba waxa ay waajahaysaa waayo kala duwan oo dhib iyo dheefba leh mid kastana lagu xasuuto wixii laga dhaxlay laguna xasuusan doono.

Mudooyinkan lagu jiro waxay bulshadu la daalaa dhacaysaa oo asqeeyay warwar dhiilo xambaarsan oo aan hadana waxyeelo muuqata samayn oo ay saacad saacad u qubayaan war laliska kala duwan ee xiligan ka hano qaaday gudaha Somaliland.

Waxad moodaa in maalinba maalinta ka danbaysa ay sii xoogaysanayso qabyaaladu waxana ooda ka qaaday oo fure u noqday oday dhaqameed af-ku xoogle u badan oo marka arin xaasaasiyi timaad inta ay muuq-baahiye soo hor fadhiistaan jeedinaya hanjabaad marka aad dhagaha u raarico la moodo in uu Suldaanka ama Caaqilka hadlayaa wakiil ka yahay oo uu maamulo mid ka mid ah wadamada aduunka ugu xooga badan, marka la eego kalmadaha uu adeegsano sida uu ugu adag yahay waxa uu sheegayo.

Isaga oo cadaynaya hadii arinta uu shirka jaraa’id ka qabtay wax laga qaban waayo in lagu kala dareeri doono isaga oo hanjabadiisa sii watana uu odhanayaa “waxanu u sheegayaa xukuumada hadii ay arintaan faraha kala bixi waydo waxa ka dhasha iyada ayaa ka mas’uul noqon doonta” hada garo oo cida uu la hadlayaa waa xukuumadii loo doortay in ay dalka oo dhan maamusho oo ay xaliso arin kasta oo dalka gudihiisa ka dhacdo.

Mid kale ayaa hadala oo waxa uu leeyahay isna “waxanu xukuumada cod dheer ugu sheegaynaa in ay arin heblaayo si deg deg ah wax u qabato hadii kale anaga ayaa gacmahayaga ula tagi wax ka qaban doona”

Hadala qalafsan ee ay jeediyaan oday dhaqameedka Somaliland waxa meel fog gaadhsiiya oo buunbuuniya da’yar aan badi aqoon u lahayn mihnada ay ku shaqaynayaan ee saxaafada oo hadana nasiib u helay warbaahin muuqooda iyo maqalkooduba gaadho meel dheer.

Saxafiga da’da yar ee aqoontiisa saxaafadeed koobantahay maaha qof leh wadaniyad iyo dareen dal jacayl oo gaadhsiin kara in uu warka kala shaandheeyo oo wixii cunfi iyo dad iska horkeen abuuraya uu ka reebo, waayo hadii aanu aqoon badan u lahayn ama aanu garanayn anshaxa Saxaafada muu soo arag meel lagu barto wadaniyad dugsiyadii dalka ee uu wax ku soo bartayna may lahayn ama kumuu jirin manhajka Somaliland cilmi ku saabsan wadan jacaylka oo ardayda la soobaray.

Wadaniyad la’aanta iyo aqoon yaraanta saxaafada waxa u sii dheer isaga oo aan haysan dhaqaale buuran oo uu kaga maarmo soo duubista shirka jaraa’id ee ay madax dhaqameedku qabato isaga oo u arka fursad war iyo mid dhaqaale oo is huwan.

Dhaqaale yaraanta haystada warbaahinta maxaliga ah ayaa iyaduna sii sahasha in wiilka ama gabadha da’dayar ee ka hawl gala warbaahintu ay awoodi waayaan in kala shaandheeyaan warka marka ay soo duubaan ka dib.

wiil makarafoon sitaba waxaanad ulaba yaabin qofka shirka jaraa’id qabanayaaba maanu ahayn cumaamadii ugu saraysay ee bulshada maanu ahayn kii loo doortay in uu nabada iyo wadajirka beesha ka shaqeeyo.

Hadaba marka uu Oday dhaqameedkii garan waayo wax toosi oo bulshada ha iska horkeenin ee isku hayn oo wadajirkooda dhowr waa ayo ruuxa kale ee laga filayaa in uu arintaa ka shaqeeyo saxafiguna sow kama mid aha bulshada uu mas’uulka ka yahay oday dhaqameedku.

Soomaalidu waxa ku tiraabtaa “Geela duqdiisu durduriso aarankiisana maxaad u malayn” marka aad arimahan dhinacyo badan ka eegto bulshada Somaliland waxay ka seexan laadahay oo wadno xanuun ku riday SULDAAN SEEF LA BOOD AH IYO SAXAFI SUMULI RAADI AH, oo iskaashaday oo midkoodna aanu hoos u eegayn waxa uu sheegayo iyo warka uu bulshada u baahinayaa saamaynta uu yeelan karto.

Hide dhaqan waxaynu u lahaan jirtay Suldaan hadalkiisa la dhagaysto baaqa uu soo jeediyana loo dhago nuglaado nabada ka shaqeeya bulshada horumar la jecel lagu hirto oo laga haybadaysto lana jecelyahay oo lagu faano, oo isaga iska daaye cida ku abtirsataana ay dadka kale wax dheertay oo lagu ixtraabo magaca suldaanka ay isku qoyska yihiin.

Laakiin maanta waxa badalkoodii qaatay Salaadiin galinka hore shir jaraa’id qabta oo cid ku amaana galinka danbana mid kale qabta oo isla cidii ay amaanayeen dhaliilo culus usoo jeediya.

Oday dhaqameedkii mu’ga lahaa waxa badalay Saldanad qiimo beeshay oo inta ay biyo dhacday beeshi hore u lahayd hal suldaan maanta ay leedahay toban ku dhawaad Suldaan oo iyaga guduhoodu iswada haystaan oo midba midka kale uu hadalkiisa beeninayo.

Waxa badalay Oday cumaamad xidhan isku ololoyanaya oo ku odhanaya waxan ahay Suldaan hebel oo aanad aragti daaye magaciisa hore u maqal hadana marka aad waraysato ay suurtogal tahay in uu sheegto jilibkaaga oo uu intaa kuugu daro waxan ahay suldaankaaga ee barasho wanaagsan.

Dhanka kale waxa iyaguna aad u batay warbaahinta maxaliga ah haba u badnaadaan mareegaha loo yaqaan websites-ka.

Mareegahan oo aan laga hayn tirokoob rasmi tiradooda oo sii kordhaysa awgeed hadii aad booqato waxa aad ku arkaysaa daqiiqad kasta war aan kaa farxinayn oo ay u sameeyaan ciwaano kookooban oo miisaan waynxambaarsan inta aanad hoos ugu dhaadhicina dareen kugu abuuraya, iyaga oo ujeeadadoodu tahay sidii ay ku soo jiidan lahaayeen akhristayaal tiro badan oo soo booqda.

Badnaa kalmadaha horgaleyaasha u ah wararka lagu daabaco mareegaha waxa ka mid ah WAR DEG DEG AH, WAR NAXIDLE, WAR XIISO LEH, SIR CULUS, SIR FAKATAY, FASHILAAD, CAJIIB iyo kalmado la halmaala, oo hadii qoraalka aad hoos ugu dhaadhacdo aan xambaarsanayn war wayn ama war la xidhiidha badi wixii ciwaanku tilmaamayay.

Hadabada Suldaanka seef la boodka ah iyo suxufiga sumuli raadiska ah ee is barkan waxay boodhka ka jafeen qabyaaladii waxanay dib u bilaabeen dagaalkii sokeeye oo qaboob.

Dagaalku maaha oo kaliya midka hubka la isku adeegsado ee dhiigu ku daato laakiin waxa jira qaabab kale oo loo dagaalamo sida midka hada ka dhex taagan bulshada Somaliland oo lagu tilmaami karo dagaal sokeeye oo qabow, waayo marka koox oday dhaqameed ah oo isku Qabiil ihi ay cambaareeyaan oday dhaqameedka dhigadooda ah waa nooc dagaalka ka mid ah waxana ay kala fogaynayaan quluubtii dadka ay kasoo kala jeedaan oo ugu yaraan ay dhex dhigayaan doodo iyo murano madhalays ah oo bulshada wakhtigu kaga lumo.

Kolay aduun waa dhib u jooge maalmaha xiisadi ka jirto Somaliland waxa aad maqaaxiyaha fadhi ku dirirka ku arkaysaa dad kala argti duwan oo dooda iyo muranka u dhexeeya marka aad aragto ay kuula muuqanayaan in aan maalin danbe nabad lagu wada cawayn doonin .

marka aad sababta muranka dhalisay raadisana waxad ogaanaysaa war la maqlay oo warbaahintu sheegtay in uu daba socdo oo uu yahay shir jaraa’id oo uu qabtay Suldaan Seef labood ahi isla markaana uu Suxufi Sumuli raadis ihi ku daabacay Jaraa’id, Mareeg ama u ka soo daayay Muuq-baahiye, sabata oo ah dadkan murmayaa goob joog may ahayn markii Suldaanku hadalka jeedinayay.

Ceebaha kale ee jira waxa ka mid ah iyada oo Mereegaha dalka ka jiraa ay la baxeen magacyo deegaan magaalooyin degmooyin ilaa tuulooyin. Ceeb may ahaateen hadii warka Mereegta magac heblaayo sidataa uu noqdo mid dhex dhexaad ah laakiin waxay ceebi timid marka aad booqato Mareeg heblaayo oo ku hadlaysa afka qabiilka u dagaan ahaan u badan degmada magaca ay Mareegtu xambaaarsantahay.

Hadaba si bulshada Somaliland loo ilaaliyo midnimadeeda iyo wadajirkeeda waa in hoos loo eegaa wax kasta oo horseedi kara burbur bulsho, waana in siyaasad cad laga qaataa noocyada warbaahinta ee horseedi kara in bulshadu iska hortimaad iyada oo il gaar ah lagu eegayo Mareegaha ku suntan magaca deegaanada isla markaana la dheehan karo qabiil iyo qabyaalad is xambaarasan.

Hadii kale waxa la fishaaba waa Mereego xambaarsan magaca qabiilada oo cadaysta ujeedadooda isla markaana soo kordhiya qudhun iyo wax bulshada midnimadeeda wiiqaya awooda dowladnimana diciifinaya.

Ugu danbayn Dowladda Somaliland waxa ay ku amaanantahay diidmada idaacado madaxbanaan oo dalka laga hirgaliyo waayo hadii la hirgelin lahaa dalka qas ayaa ka dhici lahaa oo beel kastaa inta ay idaacad samaysato ayay beesha kale wax kaga sheegi lahayd halkaana waxa ka dhalan lahaa isku dhac iyo dagaalo dhex mara bulshada.

Qalinkii: Maxamed Cumar Jibriil (MOJ)

Email: mx7lee@gmail.com