Qabyatirka Far Soomaalida – Qalinkii:Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”.

 

Maanta waxaa la taagan yahay afartanguuradii hirgelinta far soomaalida (1972 -2012). Laba na isku ma diiddana hawshaasi in ay ahayd tallaabadii ugu weynayd ee soomaalida cusubi qaadday xagga dhaqanka iyo aqoonta. Run ahaantii waxaa la odhan karaa guusha ugu weyn, ama ta keliya, ee dawladnimadu soo kordhisay waa taa.

Dardar kulul ayay ku bilaabatay hirgelinta far soomaalidu, sannado yar gudahood ayaa na la soomaaliyeyay adeegyada guud oo ay ka mid yihiin: 1) Maamulka xafiisyada. 2) Warfaafinta.3) Manhajka waxbarashada. 4) Ururinta iyo baadhista suugaanta. 5) Halabuurka cusub, sida sheeko faneedda iyo fan masraxeedka. Sidaa darteed intii aanay soomaalidu dib u ka la daadan af soomaaligu wax uu isu dhigay in uu ku dherersan karo afaf qarniyo badan qorraa.

Iyada oo ay sidaa tahay, fartaa muddada dheer la soo adeegsanayay waxaa ku jirta qabyo laxaad leh oo qof wal oo qorista iyo akhriska xiiseeya u muuqata. Qabyadaa eeddeeda kowaad waxaa leh iyada oo aan maalintii farta la hirgeliyay ka dib la xaalayn oo lagu samayn horumarin iyo turxaanbixin. Taa waxaa kaalin ku leh iyada oo aanay muddo dheer jirin hay’ado tayo leh oo u xilsaaran ka shaqaynta culuunta af soomaaliga guud ahaan.

Hadda ba qoraalkan oo kolal hore la faafiyay in maanta la soo qaado danta laga lee yahay waa in lagu badhitaaro dood ku jirta buug cusub oo arrintan wax badani ka galeen. Buuggaas oo la yidhaahdo Gorfaynta Silsiladdii Deelley erayada qaar waxaa loo higgaadiyay si loo arkay in ay wax u tarayso qabyatirka qorista af soomaaliga.

Maxaa ka dhiman far soomaalida?

Dhaliilaha far soomaalida ama adeegsigeeda ku jira ee ay khasabka tahay in la fardaamiyo wax aynnu ku koobi karraa shan ka la ah:

1) Lammaanaha kh, sh, dh.

2) Xarfaha labalaabma.

3) Degganaan la’aanta adeegsiga farta.

4) Kaladuwanaanta dhawaaqyada degaannada.

5) Qaamuus la’aan.

Lammaanaha kh, sh, dh

Far soomaalida hirgashay waxaa ku jirta fadeexad weyn oo ah xarfaha kh, sh iyo dh. Saddexdaa xaraf (lixdaa xaraf!) waxa cilladaynayaa waa badnaantooda aan loo baahnayn, iyada oo ay ahayd cod wali ba in uu xaraf keliya u taagnaado. Run ahaantii saddexdaas dhawaaq in sidaa lammaan loo qaatay wax ay muujinaysaa oo keli ah in Yurub lagaga dayday iyada oo aan la tixgelin baahida af soomaaliga u gaarka ah. Eeddaasi wax ay sii darraanaysaa kolka aynnu og nahay in ay jiraan, nasiib wanaag, xarfo far laatiinka ku hadhay oo aan far soomaalida loogu danayn. Waxaa taallay, weli na taalla, in saddexda xaraf ee p, v, z loo qaato meesha la geliyay kh, sh iyo dh. Saddexdaas xaraf in codadka ay afafka Yurub ku yihiin laga soo raro oo saddexda soomaaliga ah loo dhigaa wax ba kaga ma duwana farta la qaatay inteeda kale (tusaale ahan c, x iyo q).

Baahidan waxaa sii xoojinaya iyada oo ay caddaatay codka dh in uu ka mid yahay kuwa labalaabma. Taa macnaheedu waxaa weeye in ay foolxumo tahay in la qoro dhiidhdhi, fadhdhi iyo cadhdho. Xalku waa in horta astaanta dh lagu dooriyo v. Fikradda p/kh, z/sh, v/dh waxay wax badan ka taraysaa urursanaanta qoraalka af soomaaliga oo imika aad u jiidjiidan. Marka aynnu iyaga qaadanno hoos ka arag sida ay labadan sadar u ka la qurux badanayaan:

Ka dhiidhdhi shisheeyaha ku khaakhuulay

Ka viivi zizeeyaha ku paapuulay

Sadarkaas yar keligii wax aynnu kaga maarannay siddeed xaraf oo qoris inooga baahnaa, waxaa na inoo baaqday meeshii iyo waqtigii aynnu ku qori lahayn.

Xarfaha labalaabma

Bilawgii ba waxaa la isla qiray codadka af soomaaligu ka abuuran yahay qaarkood kolka ay afka ka soo baxayaan in ay adag yihiin oo carrabka ama dibnaha ku dhegaan dabadeed ay yeeshaan macne cusub. Xarfaha adkaadaa waa siddeed oo lix ka mid ahi carrabka ayay ku dhacaan kuwaas oo ah d, r, dh, g, l, n. Labada kale na dibnaha ayay ku dhacaan oo waa biyo m. Xarfahaasi kolka ay adag yihiin waxaa lagu asteeyaa in qoristooda la lammaaniyo si looga garto kolka ay fudud yihiin, tusaale ahaan carrab oo haddii la fududeeyo noqonayacarab (nin carbeed), Barre (nin bar leh) iyo bare (macallin).

Xarafka dh bilawgii lagu ma darin kuwa adkaada, waxaa se la isku raacsan yahay in uu adkaado oo macnayaal ka la duwan sameeyo. Tusaale ahaan dhiidhi (dhiiqo) iyo dhiidhdhi(ficilo), cadho (xanaaq) iyo cadhdho (cudur dubka gala), fadhid (qodid) iyo fadhdhi (in la fadhdhiyo), Fidhin iyo Fidhdhig, magaalada Badhan iyo badhdhanka dharka.

Iyada oo ay sidaa tahay xarafkan ilaa maanta labayntiisa lagu ma dhiirrado waayo kolkiisa hore astaanta loo qaatay ayaa lammaan. Sidaa darteed xeerkiisa labalaabidda la ma raaci karo iyada oo aan horta looga guurin astaanta v.

Xeerka lammaanayntu in kasta oo uu hirgalay oo la wada bartay hadda na la ma wada ilaaliyo ogaan iyo aqoon la’aan ba. Dad uu ka mid yahay Xasan Xaashi Carab oo dejiyay qaamuus af soomaali ah waxay keeneen xeerar cusub oo xarfaha w, q, t, s, k, y ku daraya kuwa labalaabma, sidaas ayaa na mararka qaar wax loo qoraa. Dhab ahaan se taasi waa meel la’aan. Haddii aynnu soo aragnay codka adag xarafkiisa in la lammaaniyo in lagaga badbaadayo la mid noqoshada mid fudud oo la qoraal noqon lahaa, taas oo nuxurka erayga doorin lahayd, kuwan cusub ee meesha la keenay cilladdaasi ku ma jirto. Tusaale ahaan erayga arad (dhul) waxaa ku jirta r keliya, laakiin arrad (dhar beelid) waxaa ku jira laba. Markaa waxay ka la yihiin a-rad iyo ar-rad. Sii wad oo dheh: a-baar iyo ab-baar, ba-dan iyo bad-dan, sa-rayn iyo sar-rayn, bo-ga iyo bog-ga, ke-li iyo kel-li, dha-maan iyo dham-maan, kee-na iyo keen-na, ha-low iyo hal-low. Erayada sidaas ah waxa macnahooda ka la duwayaa waa in xarafka dhawaaqiisu adag yahay iyo in uu fudud yahay. In badan wax aad arkaysaa nin la yidhaahdo Caddow magcaas oo ka yimid caddaan, kaas oo hadda na loo qorayoCadow oo ah nacab.

Xarfaha aan xeerkaasi qabanayn ee weligood laba noqon karin aynnu halkan isku tusaalaynno: ma-taan, a-jar, a-xad, a-khas, Xa-san, ta-shi, da-cal, a-fo, a-qal, e-keeye, ha-wo, a-yaan. Halkaa waxaa inooga cad in aan loo baahnayn labaynta xarfahaas. Haddii se qaarkood dhadhan adagi ku jiri karo sida k, x, s, y, waa kuwo dabci ahaan iska adag oo aan haddii la labeeyo nuxur cusubi ka soo baxayn. Kuwaa weligaa haddii aad waddo macne cusub ka keeni maysid labayntooda.

Shanta shaqal (a, e, i, o u), iyaga abuurtood ayaa diidaysa in ay adkaadaan, waayo carrabka iyo dibnaha ku ma dhacaan waa codad madhan, waa se ay jiidmaan kolkaas oo aynnu u naqaan shaqaldheere.

Degganaan la’aanta adeegsiga farta

Qorista af soomaaligu wax ay waafaqsan tahay dhawaaqiisa. Taa macnaheedu waxaa weeye, qof walba oo erayga af soomaaliga hagaag u yaqaan si qumman ayuu u higgaadin karaa qorista iyo akhriska ba. Habsamidaasi waa ta kaalinta ugu weyn ka qaadatay far soomaalidu in ay degdeg u hirgasho. Iyada oo ay sidaa tahay, hadda na arrinta waxaa ku jira cillado farabadan oo aan lahayn xeer la isla og yahay.

Arrimaha qoristooda mashaqadu ka taagan tahay aynnu u ka la qaadno sidan hoose:

a) Ugu horreyn erayo aad u badan oo dhawaaqooda iyo abuurta naxwahoodu ka la duwan yihiin baa jira. Marar badan waxaa isdiida erayga sida loogu dhawaaqo iyo sida ay abuurtiisu tahay. Markaa qorista ma waxaa la la raacayaa dhawaaqa afka ka baxaya, mise waxaa loo celinayaa abuurta naxwihiisa? Heshiisku wax uu ahaa in dhawaaqa uun la raaco, run ahaan se arrintu sidaa u ma fududa haddii la doonayo in si hagaagsan wax loo qoro. Masaladaa aynnu isyara tusaalaynno.

Xarafka o isaga oo eray ku dhammaaday haddii uu eray kale gadaal kaga taxmo dhawaaq ahaan wax uu noqdaa a. Tusaale: Timocadde/Timacadde, biyodiid/biyadiid. Xarafka e isagu na markaas oo kale wax uu noqdaa a, sida: male/mala’awaal, tusaale/tusaalayaal, bare/barayaal. Afka sidaas ah waxaa kale oo ka mid ah laba xaraf oo marka ay israacaan isdiida dabadeed midkood ka kale shiiqiyo, sida: hadalno/hadallo, jirno/jirro. Labadaa siyood in kasta oo ta hore naxwe ahaan qumman tahay in ta dambe la qoro ayaa macaan.

Intaa ka sokow, waxaa jira siyaalo ka la duwan oo dhawaaqa erayada loo qaadan karo loo na qori karo. Waxaa ka mid ah ayay/ayey, geeyay/geeyey, tegay/tegey/tagey, waji/weji, margi/mergi, gayaan/geyaan. Waxaa la mid ah cadow/cadaw, qabow/qabaw. Waxaa kale oo la mid ah erayo dhawaaqa lagu gaabsado, tusaale: keliya/keli ah, qudha/qudh ah, waxaad/wax aad.

b) Waxaa jira erayo badan oo ka la dhihid iyo isku dhigid ah sida inan (wiil) iyo inan (gabadh). Erayada caynkaas ah waxa dhihiddooda ka la duwayaa waa halka codka ama culayska dhawaaqu erayga kaga dhacayo. Tusaale ahaan magaca lab culaysku wax uu ku dhacayaa qaarka dambe sida inaN (wiil), halka uu ka dheddig kaga dhacayo xagga hore sida iNan. Kolkaa labada waxaa lagu ka la fardaamin karaa in erayga lab xarafkiisa dambe ee culaysku ku dhacayo la lammaaniyo oo la qoro: Inann, baadd (ugbaad), beerr (beerka), dull (daloolka sanka), Iimaann, Saaffi, Dheegg, Hanadd, Kaydd. Xarafkaa dheeriga ahi sida aynnu aragno dhawaaqa erayga ka mid ma aha, waa se xeel magaca lab lagaga sooci karo ka dheddig.

t) Waxaa jira erayo muujiya ahaansho, sida waan harraaddan ahay, waad xanaaqsan tahay, wuu dhiirran yahay, waa ay qurxoon tahay, waa aynnu badan nahay, waad faraxsan tihiin iyowaa ay tuban yihiin. Sida aynnu aragno qodobka ahaanshuhu mar walba wax uu u qormayaa gooni, u ma na baahna in sifada ka horreysa lagu daro oo la dhigo harraaddanahay, xanaaqsantahay, dhiirranyahay, qurxoontahay, badannahay, faraxsantihiin iyo tubanyihiin.Iyada oo ay sidaa tahay ayay hadda na dadka badankoodu sida dambe wax u qoraan.

Waxaa se jirta marar ay taasi adkaanayso, sida marka ay sifada ka horreysaa ku dhammaato xarfaha sh iyo d ama lahaansho. Jumladda ah geed ubax leh haddii aynnu si kale u dhigno wax ay noqonaysaa geedku ubax buu leh yahay. Hadda na sida aynnu aragno erayga leh markii uu dhexda galay wuu adkaaday wax uu na isu rogay lee waayo h kolka ay halkaa ku jirto afka ayaa diidaya, sidaas darteed wax uu isu rogayaa e. Haddii se la qori lahaa lee naxwaha ayaan oggolayn, waayo waa eray aan jirin. Dabadeed wax aad arkaysaa iyada oo ceebtaas lagu qarinayo in la qoro leeyahay. Taasi mar wax ay meesha keentay eray aan jirin oo ah lee, mar kale na wax ay jebisay xeerkii ahaa ahaanshaha in goonidiisa loo qoro.

Ahaanshaha iyo sifadu marka ay israacaan iyaga oo dheddig ayaa iyadu na ah cillad aan labadaas qodob lagu ka la maarayn karin. Tusaale ahaan dhuxushu waa ay nooshahay. Sida muuqata naxwaha ma raaci karno oo ma qori karro dhuxultu waa ay nool tahay. Waxaa kale oo ka mid ah isla dheddigoodka marka ay sifadu ku dhammaato xarafka d, sida waa ay fudud dahay. Halkaa waxaa ka muuqata xarafkii t in uu dhintay oo isu rogay d, markaa dahayma aha af soomaali naxwe ahaan jira, hadda na qorista looga maarmi maayo.

j) Isu geynta laba eray ama ka badan marka ay eray kale isku noqdaan. Dad badani wax ay isugu xidhaan jiitin, dad kale erayada waa ay ka la gooyaan iyaga oo aan dan ka gelin isbeddelka dhacay, dad kale na toos ayay isu raaciyaan. U fiirso tusaalahan af ka la qaad/af-kala-qaad/afkalaqaad, gacan ku dhiigle/gacan-ku-dhiigle/gacankudhiigle, wax ma garad/wax-ma-garad/waxmagarad, keli taliye/keli-taliye/kelitaliye, abaal laawe/abaal-laawe/ abaallaawe, inan la yaal/ inan-layaal/ inanlayaal, Tog dheer/Tog-dheer/Togdheer iwm.

Garasho ahaan iyo qurux ahaan ba saddexda siyaalood waxaa qumman ta ugu dambaysa.

x) Taa hore beddelkeeda erayada af soomaaligu sida ay u ka la maarmaan loo ma qoro ee badanaa hadal aan shuqul isku lahayn ayaynnu isku dhedhejinnaa. Haddii aad isweydiiso af soomaaliga qorani waxa uu u jiidjiidmo ee mararka qaar eray keli ahi sadar dhan u qaato, taas oo foolxumaysa, sababtu wax kale ma aha ee waa erayo ka la madaxbannaan oo la isku qoro. Foolxumada uun ma aha ee naxwaha afka ayaa sidaa ku cilladadooba. Qodobkani run ahaantii waa ka ugu daran hadda na ugu badan ee qorista ku jira. Tusaale ahaan la ma garan karo bilawgii waxa keenay in la qoro waxaan kula jeclahay inaad ila garato qorista habboon, iyada oo ay dhab ahaantii qummanayd in la qoro wax aan ku la jecel ahay in aad i la garato qorista habboon. Waxaad, waxaan, waxay, wuxuu iyo kuwa la midka ahi waa erayo macne ahaan iyo naxwi ahaan ka la go’i lahaa oo hadda na la israaciyay.

Xaq ma aha in la yidhaahdo ”goor walba dhawaaqa afka ka baxaya qorista ha la la raaco”, waayo dadku kolka ay hadlayaan afka aad ayay u jejebiyaan oo u silciyaan iyada oo ay ka tahay fududaysi. Tusaale ahaan weedha waa maxay? dad badan baa ku gaabsada waa xay? Gobolka Shabeellaha Dhexe badanaa maxay tahay ama muxuu yahay waxaa loogu dhawaaqaa xay tahay iyo xuu yahay. Hadalka sidaas ah ayaa bilawgii far soomaalida laga dhigay wax rasmi ah oo qorista lagu saleeyay iyada oo qiil laga dhiganayo in sida loogu dhawaaqo wax loo qoro.

kh) Kaladuwanaan loo qoro marka ay erayga dhexdiisa laba shaqal isku dhacaan, tusaale ahaan waayo aragnimo/waayoaragnimo/waayo-aragnimo/waaya’aragnimo, la aan/ la-aan/ la’aan. Hamsada halkaa ku jirta waxaa loo adeegsan karaa siyaalo badan oo qoraalka qurxinaysa. Siyaalahaas waxaa ka mid ah hamsada in lagu ka la sooco laba shaqal oo ka la duwani haddii ay isku dhacaan, tusaale ahaan Fu’aad, su’aal, go’aan, lo’aad. Hamsada waxaa kale oo lagu ka la xidhi karaa labada xaraf ee haddii ay israacaan macne kale yeelanaya, sida mad’hab, hud’hud, is’hubi.

Waxaa jirta si hamsada bilawgii loo hirgeliyay taas oo aan loo baahnayn. Tusaale ahaan wax aynnu og nahay hamsadu in ay gadaal kaga dhacdo shaqalka kulul, sida ri’da taas oo haddii laga tago yeelanaysa macne kale oo ah rida (dumiya), ba’an oo noqon lahayd baan, da’daoo noqon lahayd dada iwm. Hadda ba eraydaasi marka ay ku joogsadaan barta hasmadu saaran tahay u ma baahna in gadaal laga raaciyo oo la qoro: ri’ iyo ba’ iyo da’ waayo dhawaaqu doorsoomi maayo sidaa darteed waa laga maarmayaa.

d) Waxaa jira qodobbo badan oo erayada gadaal ka raacraaca oo aan ha ba yaraatee sida loo qorayo isku aragti laga ahayn. Waxaa ka mid ah marna/mar na, adigana/adiga na, anigaba/aniga ba, goortase/goorta se. Sida dambe ayaa qumman oo ay ahayd in la qoro, waayo waa erayo gooni iyo iskood u taagan. Taa iska ba daaye arrinku wuu sii durki karaa oo wax uu gaadhi karaa: goor ta se, dad ka ba, geed kaa, inan taa, kol kaa, bad d(t)aa, si taa, tix taa iwm.

r) Taasi waa higgaadinta erayada, waxaa se kale oo jira arrimo la xidhiidha xeerarka loo raaco habka qoraalka loo qaabeeyo, kuwaas oo sida muuqata aan la isla meeldhigin. Waxaa ka mid ah taxanaha hadal ee qodobaysan kolka loo adeegsanayo xaraf u taagan tiro. Ma sida laatiinka ayaa la qorayaa: a)… b)… c)… d)… taas oo aan ahayn sida ay far soomaalidu u taxan tahay? Mise: a)… b)… t)… j)…? Mise: b)… t)… j)… x)…? Mise haddii la doono: a)… e)… i)… o)… u)… b)… t)…?

s) Qoraalka afafka dunida siyaalo kaladuwan baa looga dhaqmaa magacyada iyo ciwaannada sida loo waaweyneeyo, innaga se taasi weli inoo ma saldhigan. Tusaale ahaan waa xeer la isla yaqaan marka farta laatiinka la adeegsanayo in magaca gaarka ah xarafkiisa ugu horreeya la weyneeyo, sida Aadan, Hargeysa iyo Afrika. Hadda ba isiraynta ama u abtirinta magacyadaa miyaa la weynaynayaa iyaga oo aan ahayn magacyo gaar ah? Sow ma aha in la qoro: bani aadan, reer hargeysa, iyo dawlad afrikaan ah?

Magacyada iyo tilmaamaha guud ee sifada iyagu na u ma baahna in la weyneeyo sidamadaxweynaha, wasiirka, wasaaradda, guddoomiyaha, taliyaha, iyo kuwa la midka ah ee aan cid u gaar ahayn.

Magacyada ka kooban dhawr eray, tusaale ahaan ciwaannada, eray wal ba in xarafkiisa kowaad la weyneeyo iyo in erayga kowaad oo keli ah xarafkiisa kowaad la weyneyaa waa laba hab oo jira. Ummadaha qaar waxay qoraan tusaale ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuwo kale na Wasaaradda arrimaha gudaha. Labadaa siyaalood af soomaaliga weli waa la isku dhex wadaa.

sh) Waxaa jira dad iyaga oo af soomaali wax ku qoraya hadda na adeegsada codad (xarfo) aan af soomaali ahayn. Tusaale ahaan magacyada Saynab, Samsam iyo Sakeriye, oo ah carabi soomaaliyoobay, dad badan baa u qora Zeynab, Zamzam iyo Zakeriye. Dadka sidaa yeelayaa wax ay maskaxdooda ka saari kari la yihiin af carbeedka uu magacaasi asal ahaan ka soo jeedo, waxaa na ka maqan af soomaaligu in aanu lahayn dhawaaqa carabida ah ee ay halkan ka raadinayaan. Tusaale ahaan salaad iyo soon xarafkooda kowaad af soomaaliga looga heli maayo dhawaaq u dhigma ka uu carabida ku yahay. Xitaa la ma odhan karo salaatiyo sowm.

Af soomaaligu wuxuu ka kooban yahay 26 cod oo ay weheliyaan shanta shaqal ee jiidma, qofka damca in uu dhawaaq 27-aad soo geliyaa na waa qof samaysanaya wax aan jirin.

Kuwaa waxaa la mid ah magacyo dhawaaqooda u dambeeyaa af soomaaligu dooriyo, sidaIbraahiim/Ibraahin, Aadam/Aadan, Ilhaam/Ilhaan Xaliima/Xaliimo, Faadima/Faadumo. Taa waxaa ka duwan erayada iyo magacyada aan soomaaliyoobin dhawaaqooda oo ay khasab tahay in sidooda loo qoro, waayo afka ayay ka baxsan yihiin oo haddii kale aan la isku la garanayn. Tusaale ahaan VOLVO, New York, Clinton. Magacyadaa gaarka ah ku ma soomaaliyeyn karro FOLFO, Niyuu Yok, Kilinton.

Kala duwanaanta dhawaaqyada degaannada

Dalweynaha soomaalidu ku dhaqan tahay af soomaaliga dhawaaqiisa erayada qaarkood waa ay isbeddelaan. Waxaa ugu caansan labada dhawaaq dh iyo r, sida xiriir iyo xidhiidh. Kolka loo fiirsado labadaa dhawaaq si isu dhow ayay degaannada soomaalida ugu baahsan yihiin. Halkan ma aha, sida ay dad moodaan, r kasta oo marka ay koonfurta joogto erayga dhexda kaga jirta ama ku dhammaadaa, jeerka ay waqooyi tagto in ay noqonayso dh, iyo sidaa beddelkeeda. Waa se dhawaaq gaar ah oo leh xeer u gaar ah. Xeerkaas ilaa maanta aqoon ahaan la ma qeexin, sida aan loo qeexin labadaa dhawaaq kooda asalka ah. Sidaas darteed sida lagu garan karaa waa in uu qofku ku wada barbaaro oo ay dareenkiisa si dabiici ah u galaan. Waxaa se hubaal ah dhawaaqaas in aan eraygu ka bilaaban, isla markaa waxaa hubaal ah in uu laba shaqal u dhexeeyo ama erayga ku dhammaado.

Hadda ba xeer ahaan in la yidhi (yiri) labada siyood qof wali ba ka uu doono ha u qoro waxaa dhaanta in xal kale la helo, waayo af keliya oo hadda na ka la si loo qorayo waa laga wanaagsan yahay. Waxaa habboon in meesha la keeno xaraf saddexaad oo aan dh iyo rmid na ahayn, lagu na qoro dhawaaqa lagu ka la duwan yahay ee kol ba si noqonaya. Xarafka cusub ee dhexdhexaadka ah kolka lagu qoro qof wali ba sida uu doono ha ugu dhawaaqo iyada oo la isu la garanayo in uu yahay kii lagu ka la duwanaa.

Kaladuwanaanta labaad ee degaannadu waa erayada isku midka ah, sida wax/walax, annaga/unnuka, isaga/asaga/usaga, kuwaas oo aan qaamuus la’aan iyo qoraallada oo yar darteed la isla aqoon. Erayada jaadkaas ah waxaa la mid ah kuwa isku macnaha ah ee adeegsigooda la isku doordoorsan karo, sida imika/hadda, ukun/ugxan, dabbaal/doqon, suugo/sanuunad, maddiibad/baaquli, gudin/masaar, girgire/burjiko, kalluun/mallaay, muus/moos, xabxab/qare, iwm. Ama kuwa isku midka ah ee dhawaaqoodu yara rogmo, sidairbad/cirbad, suxul/xusul, xabaal/xawaal, weeye/waaye, gabbasho/gambasho.

Erayada caynkaas ah waxaa ka duwan kuwa asal ahaan ama hayb ahaan silloon, sidatallaagad/firinjeer oo ah shisheeye ku soomaaliyobay qaboojiye, iyo beeso oo ah lacag.

Qaamuus la’aanta af soomaaliga

Kol haddii aan af soomaaligu rasmi u qorrayn intii ka horreysay sannadkii 1972, waa hubinta eraydiisu in ay joogto u lumi jireen. Waxaa kale oo adkayd afka in ay bulshada ka la filiqsani isla wada barato oo isla wada garato.

Taa ka sokow af soomaaliga nabarrada ay afafka kale la dhacayeen aad ayay u darraayeen, dhaawacyo ay u geysteen ayaa na maanta jidhkiisa ka wada muuqda. Af carbeedka oo xidhiidh xooggan na la leh ayaa ka mid ah kuwa aadka u saameeyay, kaas oo erayo badan oo jiray daadduumiyay kuwo kale oo badanna soo kordhiyay. Afafka Yurub oo muddo dheer dhulka soomaalida ka talinayay ayaa iyagu na af soomaaliga dhirbaaxooyin kulul la dhacay.

Taas macnaheedu ma aha afafkaa saamayntoodu mar wal ba in ay xumayd. Run ahaantii erayo aad u badan oo aan af soomaaliga ku jirin baa soo kordhay taas oo hodmisay. Ha ahaatee qoraal la’aantu waxay keentaa dhibaato dabiici ah oo aan laga bixin jeer afkaasi noqdo mid qoran. Suugaanta ka dib qoraalka iyo akhriska ayaa erayada ururiya, kaydiya oo faafiya.

Markii af soomaaliga la qoray iyo maanta ba waxay ahayd in awood la saaro dejinta qaamuus ururiya oo ilaaliya dhammaan erayada afka. Qaamuusku wax uu kale oo suurtogelin lahaa in isku si wax loo qoro. Yaasiin Cismaan Keenaddiid, oo aabbihii ka dhaxlay jacaylka af soomaaliga, ayaa sameeyay iskudaygii kowaad ee ku saabsan dejinta qaamuus af soomaaligu lee yahay. Waxqabadkaasi isaga oo halyeynnimo ahaa ma buuxin baahida jirta, sababta oo ah erayada ku qorani aad ayay u kooban yihiin.

Hadda ba sida aynnu aragno qabyada ku jirta qorista af soomaaligu aad iyo aad ayay u badan tahay. Afartan sano ka dib waxaa la joogaa goortii lagu dhiirran lahaa kobcinta iyo turxaanbixinta farta. Sidii bilawgii wax loo hirgeliyay haddii weligeed la iska dul yuururo wax ay noqonaysaa xilkasnimodarro. Waxaa kale oo xilkasnimodarro noqonaysa in la sugo uun hay’ad qaran, taas oo aan cidina ogayn goorta la helayo. Dadka badan ee af soomaaliga wax ku qora dadaalkooda ayaa maanta la hayaa oo ay tahay in la isku biirbiiriyo.

 

 

Qalinkii:Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Ibraahinhawd@hotmail.com.

 

Qormada Ibraahin oo PDF ah halkan kala deg: Qabyatirka Far Soomaalida.