Hargeysa(Ramaas)May.19,2017-Prof Axmed ismaaciil Samatar oo  ah aqoonyahan reer Somaliland ah ayaa ka hadlay caqabadaha hor taagan in ay dawladda Somaliland ka hesho aqoonsi buuxa wadamada caalamka iyo Qaramada Midoobey,waxaana uu sidoo kale Prof Axmed Ismaaciil Samatar soo bandhigay qaabka ay Somaliland ku heli karto aqoon buuxa oo ay u ooman yihiin shacabka Somaliland inay maruun helaan dal la ictiraafsan yahay.

Waxaana uu Prof Axmed Ismaaciil Samatar shaaca ka qaaday in habkan hadda loo raadinayo aqoonsiga aanu ahayn habkii ugu fiicnaa balse ay jiraan habab kale oo Somaliland loogu raadin karo aqoonsi buuxa oo ay ka hesho beesha caalamka,isaga oo xukuumadda Somaliland-na ku canaantay inaanay hayn dhabbadii ay aqoonsi uga raadin beesha caalamka.

Prof Axmed Ismaaciil samatar ayaa arrimahan kaga hadlay waraysi ay la yeelatay idaacada BBC-da isla markaana ay arrimo badan wax kaga waydiisay.

Waxaana waraysiga Prof Axmed ismaaciil Samatar uu la yeeshay Aadan Maxamed Cabdi saalamiin oo ka tirsan bahda idaacada BBC uu u dhacay sida tan

“Intaan ka ogahay dee meel wanaagsan ma marayso mabay dhaqaaqin Ayaan filayaa Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa waayo dee dadaalkeedii xaggooda iyo xaggeenaba labadaba inanaay isla jaan qaadin,markaa intaan ogahay Qaramada Midoobey iyo Somaliland dhinacaa aqoonsiga meel farta lagu fiiqii karo oo ay marayso kama warqabo”sidaas waxa yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar

Su’aal:- Maxaa dadaaladaasi hortaagan ayaad isleedahay haday noqoto labada dhinac ee Somaliland iyo jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa?

Jawaab:-“Anigu intaan ogahay ee aan aduunyada ka aqaano waa la doontaaye looma keeno aqoonsi,wadamada aduunyada ee la aqoonsaday ama is aqoonsaday ee kuraasida ku lihina waa dad kasbaday markaa Somaliland dadaal badan way keentay oo Nabadgaliyadu ay kamid tahay oo ah dawlad dhisan 25-kii sano ee u danbeeyey,laakiin waxa wali dhiman dadaalkii ahaa waxaasoo dhan inta la isku duuduubo in laga dhigo war aduunyada deeqa “Axmed ismaaciil Samatar

Su’aal:- Maxaad isleedahay markaa in ay tahay sababta ay Qaramada Midoobey ilaa intaa ay u aqoonsan la’dahay Somaliland inay sabab u yihiin?

Jawaab:-Dee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa inta ay aduunyada eegto ma tidhaahdo wadankaa ayaa aqoonsanaynaa,Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa waxa weeye urur ay abuureen wadamada aduunyada ka jiraa iyadu gooni uma taagna,aduunyada dunid ka jirta ayay ku tiirsan tahay,markaa aqoonsiga Somaliland loo raadinayo sida aniga ila eeg tahay weeye maaha in Qaramadda Midoobey laga raadsadee waxa weeye in wadamada ugu quwad leh ee kartideeda leh ee inta kale riixi kara in dadalkeedii la galo sida kuwaa kale loo galayo.

Su’aal:- 26 Sano ayaa kasoo wareegtay gooni isku taagga Somaliland Sidaad sheegtayna dadaal ku filan lama qaadin goorma ayey qaadanaysaa ayay kula tahay in la helo dadaalkii saxda ahaa ee  arrimahaasi lagu xaqiijin lahaa?

Jawaab:- Dee dadka reer Somaliland aad bay ugu ooman yihiin xaqna way u leeyihiin aduunyadu inay garato oo kursi ay aduunyada ku yeelato Somaliland,laakiin waa dadaal cusub in la keeno muddo 3 sanno iyo badh laga joogana anigu arrinkaa waan ku dhawaaqay Waddanka gudahiisana waan ka sheegay meelo badan oo kalena waa ka sheegay,waxay iminka iila muuqataa in waxii dadaal ah ee lasii wadi karayo hadda lasii wado laakiin doorashooyinka soo socda ee 15 November dhacaya dawlada halkaas kasoo bixi doontaa  kii ku guulaystaa inay la yimaadaan fikrad cusub iyo dadaal cusub iyo karti cusub in lala yimaado oo arrinkaasi lagu dhaqaaqo.

Su’aal:-Dr Axmed Haani guntay ka tolantaa in aad ka bilowdaan dalalka Afrika iyo waliba xataa in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ay noqdaan kuwo midho dhala maxaa diidan kadibna hadafkaasi la raadiyo?

Jawaab:- Way suurtogali kartaa oo waa wado la mari karo weeye laakiin anigu waxaan ku idhi waa inuu Istaraatiijadu ka koobnaadaa shan qodob sida iila eegtahay qodobka ugu horeeya waxa weeye bal intaanad aduunyada uba dhawaaqin inaad isku duba rido qaddiyadu waxay tahay iyada oo buuxda oo la calaajan karo oo la liqi karo oo aduunyada laga dhaadhicin karo taasi oo si cilmiyeysan in loo qoro la isku hagaajiyo oo la isku duba rido ta labaad waxa weeye dadkii qaadayey ee lahaa kartideeda in miidaa lasoo saaro oo aan ahayn in dee la iska magacaabo ee in dad taariikhdooda iyo kartidoodu ay keeni karto arrinka caynkaasa oo masuuliyadaa wayn qaadi kara ta saddexaad waxa weeye in la garto oo inta aad iyo aad loo qiyaaso oo la calaamadiyo dhulalka la gaynayo waayo dhulalka aduunyadu way badan yihiin Afrika oo qudha ayaa dhawr iyo Konton waddan ah’Sidaas ayaa uu u dhacay waraysii lala yeeshay Axmed Ismaaciil Samatar.

Gabagbadiina dalka Somaliland ayaa ah dal ka go’ay 1991 18-kii May  dalkii la isku odhan jirey Somaliya,waxaana uu muddo 26 sano ah dadaal ugu jiraan sidii uu aqoonsi buuxa uga heli lahaa beesha caalamka iyo qaramada Midoobey,balse sida ay qabaan dad khuburo ahi ayaa waxay sheegayaan in qaabka wakhtigan loo raadinayo aqoonsigu aanu ahayn qaabkii ugu haboonaa iyada oo ay xukuumadda hadda jirtaana lagu canaanto inay xumaysay xidhiidhkii wanaagsanaa ka dhaxeeyey Somaliland iyo Beesha Caalamka.
Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com

Hargeysa/office