Hargeysa(Ramaas)July.17,2017- Booliiska dalka Nigeria ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal qof ay ku dhinteen qarax ka dhashay goob shidaalka laga qaato oo ku taalla koofurta bari ee dalkaasi.

In ka badan toban qof oo kale ayay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Sababta qaraxa ayaan weli caddeyn. Wararka gudaha laga helayo ayaase sheegaya in laga yaabo in qaraxu uu dhacay kaddib markii ay dad isku dayeen inay si sharcidarro ah goobtaasi shidaal uga qaataan.

Qaraxyada shidaalka ka dhasha ayaa ku badan Nigeria, oo ah dalka Afrika ugu weyn ee shidaalka soo saara, sababo la xiriira dhismayaasha dalkaasi oo xun iyo xatooyo badan oo loo geysto dhuumaha iyo taangiyada shidaalka.

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com