Hargeysa(Ramaas)January.12,2017-Murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Maxamed Aw-cali Cabdi iyo xoghayaha warfaafinta xisbiga Cabdirashiid Xasan Mataan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Borama ayaa ka hadlay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada dalka Somaliland isla markaana saameeyey dad iyo duunyaba,sidoo kale masuuliyiintani waxay eedaymo usoo jeediyeen xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.

Waxaana ay masuuliyiintan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku eedeeyeen inay ka gaabiyeen gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaaruhu halakeeyeen,iyaga oo ugu baaqay xukuumaddana inay keento qorshe cad oo loogu gurmado dadka abaartu halakaysay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

 

Ramaasnews-desk

Ramaasnews@gmail.com