Mashruucii Aniga iyo Sebastian Georg: Sheeko Xiiso Badan (Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”).

 

Waxaa jirta talo aad rogrogto dabadeed ku dhaqaaqdo. Waxaa kale oo jirta mid kediso ah oo aad mooddo in sheydaan ama malag kugu afduubay. Fikradda, qorshaha iyo go’aanka socdaalkayga intu ba aad ayay isugu wada dhowaayeen. Imika kolka aan dib wax u eego waan la yaabaa. Waxa ay iga ahayd wanaag iyo niyadsami, kolka se aan imika dib u xisaabtamo arrintu waa ay i la jiidatay oo i la jiciiratay. Sidan soo socota ayay ahayd qisadu.

Goor galab ah oo aan shaqada ka imid ayay ahayd. Shaqo jaan oo dhabarjab iyo dhulxaadhis ah ayay ahayd. Xilliga qaboobaha Yurub ugu daran ayay ahayd. Gadaalaha bisha febarweri ayay ahayd oo xaax! baa la wada lahaa. Barafkii beri dhowaa saafiga ahaa ee aadka u caddaa ee fududaa imika maalin waa dhagax ku xaganaya, cisho kale waa quraarado ku la siibanaya, ayaan kalena waa dareere iyo adke isku dhushuqay. In kasta oo ay tahay afartii galabnimo hadda na durba waa habeen.

Dhawr tallaabo ayaan u sii jiray irridka aqalkayga qacdii aan arkay isaga oo ku fadhiya kuraasta guud ee debedda lagu nasto. Tiir koranto oo dushiisa qotoma ilays ka shidan ayaa muujinaya haddii kale maba aan arkeen. Baraf silcay oo kuraasta sarraa inta uu iska xaadhay oo meel isaga ku filan bannaystay ayuu wargays dhigtay oo ku fadhiyaa. Naf adakaa ayaad is odhanaysaa qofkaa barafka fadhiyaa. Waa nin caddaan ah oo aan in muddo ahba xaafadda ku arkayay. Waa nin haybad u dhashay se waqtigu hayo. Balwad baa ka tan badisay oo waan og ahay. Bahal ka khamriga la yidhaahdo ayaa la tegey. Imikadan qudheeda intaas ayuu meesha la fadhiyaa. Quraarad baa gacanta ugu jirta. Si aanu ii la qabsan aniga oo jaaha ka dadbaya ayaan guriga isku maqiiqay.

Sebastian Georg waa konton jir, waana sakhraanka xaafadda iyo tuug xadhkagoys ah. Inta uu xabsiga ku jiro iyo inta uu debedda joogaa waa ay isla’eg yihiin. Wax baylaha laga ma soo hoysto. Sidaas oo ay tahay waa nin bulshay ah oo furfuran. Dadka isaga oo aan aqoon ayuu la qabsadaa oo barasho ka samaystaa. Wax uu ku faanaa weligii in aanu jidh ahaan qof wax u yeelin. Taasi waa wax lagu ammaano kolka la eego heerka nololeed ee uu ku jiro. Ha iska silicsanaadee waa nin han u dhashay wax uu na isku dayaa in uu xarragoodo oo madaxa kor u qaado, jidhkliisa iyo hugiisabana dadaalkaasi wuu ka muuqdaa. Imika waxa uu ku nool yahay qol yar oo ii dhow halkaas oo dhowaan isaga oo xabsi ka soo baxay maamulka daryeelka bulshadu dejiyay.

Labadayadu waxa aannu isbarannay maalin uu waddada xaafadda igaga hor yimid isaga oo quraarad gacanta ku sita ina weydiiyay in aan ahay xabashi. ”Maya ee wax aan ahay soomaali”, ayaan u sheegay. ”Waad isu eg tihiin derisna waad tihiin”, ayuu malihiisa beenoobay ugu garaabay. ”Dhulkiinna weligay ma aan tegin oo waaban ka baqaa, Itoobbiya oo aan beri tagay ayaan se jecel ahay”, ayuu ii sheegay. ”Tuulo beeraley ah ayaan sagaal bilood ku noolaa”, ayuu sii yidhi. Intii aanan weydiin waxa uu halkaa ka qabanayay ayuu ii raaciyay in uu ka qaxay noloshiisa Yurub. “Wax aan doonayay in aan raadiyo wax noloshayda micnaha beeshay dhadhan u yeeli kara. Xaaladdayda caafimaad nafsad ahaan aad ayay u liidatay, wax aanan taagnaa meel nolol iyo dhimasho u shaxaysa, dhawr jeer ayaanan isku dayay in aan isdilo. Se taladii aan Afrika ku tegay waa ay i caawisay. Waxa aan soo arkay dad aan haysan bal wax kale iska daaye biyo ay cabbaan iyo wax ay cunaan. Waxa aan soo arkay dad aan si walba u dhaamo oo haddana nolosha ku faraxsan. Afar iyo labaatan jir baan ahaa, waxa ayna ii ahayd cashar aan wax badan ku qaatay. Markaa ka dib xanuunka nafsadeed iyo quusta waxa aanba u qaatay kibir aanan liibaantayda ku mahadin. Si weyn ayaan u soo caafimaaday. Xitaa Diinta Masiixiga oo aan aad u yasi jiray ayaan dib ugu noqday.” Waxaas oo dhan wax uu igu afuufay daqiiqad gudaheed annaga oo aan isaqoon xagaagii hore. Dhawr jeer oo kalena sidaas siyaalo la mid ah ayaannu agagaarka xaafadda ugu kulannay oo hadallo ilaaq ah igu tuurtuuray.

Kaftankiisa joogtada ahi waa in uu igu yidhaahdo: ”Waxa aan qorshaynayaa in aan dhul Afrika ka mid ah boqor ka noqdo, tuulo yarna alla ha ka dhigee.” Aniguna, gaashaandhig iyo nasteexo mid ay iga tahayba waxa aan ugu jawaabaa bal horta in uu naftiisa boqor u noqdo oo quraaradda iska dhigo. Dabadeed inta uu qarshadda dhinac u qalloociyo oo sidii naag uu jecel yahay aad u daawado, oo hadba dhaban ka eego, oo haddana aniga i fiiriyo, ayuu qosolgariiraa. Markaa indhihiisa ilmo ayaa isku soo taagta. Waan garan karaa oo waxa sidaas u xanuunjinayaa ma aha jacayl uu quraaradda u qabo ee waa ayaandarro uu ku qabo. Waxa uu u muuqdaa nin lahaa han sare. Maalintii aannu Hargeysa socdaalka ugu sii jirnay ayuu iiga sheekayn doonaa taariikh nololeeddiisa. Waxa uu ii sheegay in aanu weligii aabbihii arag dadkana ka aqoon, hooyadiina isaga oo barbaar ah ay qudha iska jartay. Halkaas ayay ka soo raacday balwaddan dilootay. Ha ahaatee muddo aan yarayn ayuu nolosha u halgamayay, oo xitaa jaamacadda wax ka dhigtay, ilaa uu kamadambays sidan u jabay.

Aniga iyo Sebastian Georg sidaas ayaannu isku naqaannay wixii ka horreeyay galabtaas qabow ee aan soo dhaafay isaga oo halkaa fadhiya. Dharkii shaqada inta aan iska beddelay oo raashin baarixi ah oo ii yaallay boobay, ayaan u cararay meel daran oo jaalliyad ku sheeg ah oo aannu qabyaaladda kaga muranno marna isku cayno mar kalena iswiidhishka ku xamanno. Intii aan sii soday waxaa igu dhalatay fikrad cajiib ah. Fikraddaas ayaan rogrogay oo dhinacyo badan ka eegay. Xaqiiqooyin badan baan isu ururiyay oo qaabeeyay. Shaqadan addoonsiga ah iyo dhaxanta iyo midabtakoorka Yurub sidii aan uga xoroobi lahaa ayaa goor walba igu taagnayd. Aniga oo sidaas isu la hadlaya oo ay meel wacan ii marayso ayaan halkii aan u socday soo gaadhay. Caweyskaa sheekadu ii ma ay baxayn waayo fikraddii igu dhalatay ayaa i gubaysay, sidaas darteed goor hore ayaan iska hoyday.

Arrinku iskaga ma kay dhalan ee dad badan oo ii kal furan baa jeerar badan igu la taliyay in aan samaysto mashruuc aan ku qadeeyo. Qisooyin ku saabsan waxa loo yaqaanno ”mashruuc – project” oo aan aad ugu qoslay aadcna u la yaabay ayaa la iiga sheekeeyay. Lacago reer yurubka inta damiirkoodu nool yahay lagaga qaadhaanto in dad dhintay lagu soo noolaynayo iyo in dhagxaan cunto loo rogayo ayaa la la wareegaa. Maatada Afrika ayaa lagu indho-sarcaadiyaa erayo qaaqaawan oo ay ka mid yihiin horumarin, hay’ado, samafal, borojekti, dabadeed loo arooriyaa dhalanteed aanay weligood ka cabbi doonin iyo dhedo aanay ka dhaansan doonin.

Maya, ma doonayo in aan galabta waxaas maskaxdayda ku shuqliyo. Waaban miyirla’a ahay oo fikradda igu dhalatay baa i daandaamisay. Aniga miyaa la i doortay? Miyaan ahay madaxweyne, wasiir, xildhibaan iyo guurti midna? Dhawrista hantida umadda aniga miyaa la ii xilsaaray? Hawlahaas oo dhan sow ma jiraan dad shaqo looga dhigay oo mushahar ku qaataa? Haddii se Afrika oo dhan mashruuc laga dhigtay aniguna borojekti yar oo aan ku qayilo in aan hindisaa sow i la ma gudboona? Kolkii aan sidaas u fekerayay waan xanaaqsanaa. Ma se tolow waan dhiidhisanaa? Kollay ciil baa igu cabbaysnaa. Haa, waan cabbaysnaa.

Habeenkaas oo dhan qalin iyo warqad baan isku xoqayay ilaa waagu igu dillaacay.Waxa aad i moodaysay Albert Einstein oo dhirindhirinaya saldhig cilmiyeedka Theory of relativity. Xamaasad baa cirkaa i la gashay. Lacag doollar miidhan ah baa i hor yaacyaacday. Danahaygii oo dhan oo fulay baa la i tusay. Go’aan aan ka noqosho lahayn baan qaatay. Dabadeed aniga oo leh “Ilaahow aan waaga waraabe cunin” ayaan sariirta ku gataatidhacay.

Dharaartii xigtay shantii galabnimo kolkii aan hawsha ka imid qolkii Sebastian Georg oo laba irridood noo dhaxayso ayaan garaacay. Xalay oo dhan buu waabeeyo cabbayay oo dirqi buu albaabka igaga furay, dirqi buuna indhaha ku ka la qaaday, dirqi buu na igu arkay. Qolka uu furay waxaa ka soo butaacday ur culus oo kulul oo aad mooddo in toban sano wax baas lagu khamiirinayay. Malaha haddii dab lagu dhex daaro sida gaasta ayuu u qarxi lahaa. Belo degtayga maa daaqadaha loo furo? ayaa kugu soo dhacaysa. Cabbaar markii uu indhaha marmaray ee hagaag ii gartay maxaa kuu daran iyo soo dhaaf midna intii aanu haleelin ayaan ku idhi: ”Shaqo ayaan kuu hayaaye maqaaxida iigu kaalay, bunkuna waa aniga.” Inta uu indho cascas oo daallan igu eegay oo haddana hoos u hogtay oo yara fekeray oo haddana indhihii maydka ahaa igu dhugtay ayuu oggolaansho madaxa u ruxay qolkiina dib ugu noqday.

Maxaa qorshahayga isaga ugu doortay? Dhawr sababood. Waa mare waa nin baahan oo aan waxba ka waabanayn. Waa marka labaade qof kale oo caddaan ah oo aan taladan ku la dhiirran karo ayaanan aqoon. Waa marka saddexaade waa nin haybad leh oo muuq leh, isla markaa af ingiriiska si wacan ugu hadla, sidaas daraaddeed haddii la maalgashado waa nin isbixin kara. Intaas oo dhan ka hor waa ii deris oo waxa aannu helaynnaa waqti aannu arrinta ku wada falanqaynno. In uu balwadaysan yahay waa dhaliil aad u weyn, wax ay se ku xidhan tahay sida ay uga suurtowdo in uu dhawr cisho balwadda ka qado.

Cabbaar baan maqaaxida ku sugay. Markii uu ii yimid weli wuu yaabbanaa, garay se in aan ahay nin maanta ujeeddaysan. Kursigii miiska dhanka kale ka yaallay ayuu sida maydka ugu dul dhacay. Bun baan u soo qaaday aan caddays iyo sonkor lahayn. Dabadeed u ma ba aan warwareegine run qeedhin baan miiska u saaray. Wax aan ku idhi: ”Wax aan kuu hayaa shaqo aad quraaraddan aad u gumowday kaga gobowdo barafka aad yuururtana kaga kacdo.” Inta uu bunkii madoobaa ee kululaa aad u fiiqsaday ayuu si diirran ii eegay oo yara fekeray isaga oo malaha moodaya in aan u hayo hawlgal tuugnimo ama tahriibin maandooriye. Markii se aan bilaabay in aan qorshahayga u faahfaahiyo inta ay nololi gashay oo indhihii hurdada ka tooseen ayuu si weyn iyo danayn laxaad leh igu dhegaystay. Kolkii aan hadalkayga gunaanadayna cabbaar buu si dareen leh u jeesjeestay oo marba si ii eegay. Indho buluug ahaa oo isirkoodu sarreeyo imika se darxumadu habeeno u yeeshay ayuu kuwayga madmadow ee gunta ah sida tooshka ku shiday.

Sebastian Georg sida uu ii sheegay saddex riyo ayuu weligii lahaa. Ta hore waa in uu dalxiiso oo dunida maro. Ta labaad waa in uu yeesho guri uu isagu lee yahay oo aan dusha, hoosta iyo hareeraha cidi ka saarrayn, oo uu inta uu doono muusigga kor u qaadi karo inta uu doonana ka dhex qaylin karo. Riyadiisa saddexaadna waa in uu qaaradda Aasiya ka soo guursado naag xilojanno ah oo ka debecsan kuwan Yurub ee, sida uu yidhi, ninoobay. Wuu se og yahay in ay yihiin riyooyin aanu sidan uu yahay ku xaqiijin karin. Fikraddaydu wax ay godoshay saddexdaas riyo.

Waxa aan uga warramay dal lagu magacaabo Somaliland oo labaatan sano cidla ku silcayay oo aqoonsi dawladnimo dunida ka waayay. Yurub iyo ninka cadi qiimaha ay halkaa ku lee yihiin iyo wanaagga laga fisho ee aqoonsigu ka midka yahay sida ay u weyn yihiin baan u dhigdhigay. Sida aan u doonayo isaga iyo anigu in aannu dhulkaa isu raacno oo waxoogaa lacag ah kaga soo farsamaysanno in aannu aqoonsi u raadinaynno ayaan u faahfaahiyay. Warqado aan qorshahaas xisaab ahaan ugu qeexay ayaan hor dhigay.

Waxba yaanan hadal kugu daaline, si aynnu qorshahaas u hirgelinno laga bilaabo saacaddan wax aad noqonaysaa diblomaasi iyo qareen caalami ah oo ka shaqaysta aqoonsi u raadinta dalalka aan la aqoonsan oo weliba taa waayo’aragnimo dheer u leh. Dabcan waxa aynnu dhisaynnaa sawir la rumaysto oo muujinaya hawshaas wixii aad ka soo qabatay iyo waxa aad ka hayso. Nin maskax leh baad tahay, aqoon wacanna waad lee dahay, af ingiriisidana si wanaagsan baad ugu hadashaa baan filayaa. Waxoogaa dadaal ah ayuun baad u baahan tahay. Lacagta halkaa ku jirtaa waa tii aad riyooyinkaaga ku rumayn lahayd.

Adiguna?” ayuu yidhi, ”Waa tii aad riyooyinkayga ku rumayn lahayd”.

Sebastian Georg waxa uu bilaabay in uu sida abriska u millikhsado. Mar qudha ayuu wejigiisii daallanaa sida dayaxa u ifay. Niyad iyo tamar nafsadeed oo aan laga sheekayn karin baa galay. Kursigii uu dib ugu tiirsanaa inta uu ka soo toosay oo miiskii si nool caasha u soo saaray, oo kursigii soo durkistay, oo si hagaagsan indhaha u ka la furay, oo wejiga igu soo dhoweeyay, ayuu i weydiiyay:

Lacagta meesha ku jirtaa qiyaastii intee ayay noqonaysaa?”

Dhawr boqol oo kun ayaynnu ka hadlaynnaa”, baan ku dhiirriyay.

Ma halkan baa laga shaqaynayaa mise Somaliland ta aad sheegayso ayaa la tegayaa?”

Hargeysa oo ah caasimadda ayaynnu tegaynaa. Dadka aynnu mashruuca ka iibinaynnaa waa madaxda dalkaas.”

Dabcan iga hadhi maysid ee waad i raacaysaa?” ayuu i weydiiyay.

Sidee baan kaaga hadhaa?! Aniga ayaa hawsha udubdhexaad kaaga noqonaya. Aniga ayaa wax walba isku dubbaridaya. Aniga ayaa ku kaxaynaya oo Hargeysa ku geynaya dadka aynu u baahan nahayna kuu la tegaya. Waxa qudha ee adiga lagaaga baahan yahay waa in aad filinka si wacan u jisho. Hawl badan ma aha ee waa in aad waxa aan ku idhaahdo uun yeesho.”

Kharasha badan baa inagu baxaya sow ma aha? Waa aynu dhoofaynaa oo…”

Ka bax adigu wax walba oo kale aan ahayn waxa aan kuu diro.”

Maxaad ii diraysaa?”

Kow: in aad i maqasho oo waxa aan ku faro habsimi u fuliso. Laba: in aad muddada aynu hawsha ku jirro balwadda joojiso ama yarayso aadna isu daryeesho.”

Muddo intee ah ayay qaadanaysaa?”

Wax aan rajaynayaa in aanay saddex toddobaad inagaga badan, haddii aad dhawrka cisho ee u dambeeya naftaada xakamayso.”

Haddii ay wax inoo hagaagaan miyaan la inaga daba imanayn?”

Yaa inaga daba imanaya? Adiga yaa ku yaqaan ee kaa daba imanaya? Midda kale, haddii ay wax inoo hagaagaan sida wax la inoo siinayaa ma aha sharci, sidaa darteed cidina isma daba geli karto. Maba aha sharci ahaan dal xeerka dunida ku jira oo la aqoonsan yahay.”

Haddii ay fashilantana? Waayo ma doonayo in aan galo xabsi afrikaan.”

Ninka cad Afrika lagu ma xidho, noloshu se sow khammaar ma aha? Imisaad khammaartaa oo wax yar silic u martaa?”

Waa runtaa.”

Mushaharkaygii bishaas iyo waxoogaa ii yaallay iyo weliba amaah aan qaatay qorshahaas ayaan u huray. Suudhadh ay ka dhacayso, tikidhadii dayuuradda iyo kharashka aannu xaggaa uga baahan doonno ayaan u qaybiyay. Dabadeed sagaal iyo toban cisho ka dib aniga iyo saaxiibkay wax aannu bun ku wada cabbaynay huteelka Hargeysa ugu wanaagsan. Timihiisa baloonka ah iyo indhihiisa buluugga ah ayaa Hargeysa oo dhan ka qaalisan. Dadka waxa uu u yahay lacag, aqoon iyo aqoonsi, iyo ilbaxnimo. Si gaar ah oo aad u jajaban baa na loogu adeegayaa. Wax badan oo baqshiish ugu yar yahay ayaa na laha filanayaa. Annaguna waxa aannu filaynno ayaa weyn oo gacantayadu waa ay furan tahay. Qolada hudheelka nooga adeegaysa, tagsiyada, innamada wargeysyada naga iibinaya, iyo cid walba oo wax na dhex maraan waa naga raalli. Dalka naga iibiya haddii aanu nidhaahno cidi maya na odhan mayso.

Beerta cagaaran ee huteelka ayaa quraac wacan goor dhowayd na loogu adeegay, imikana kolkii weelkii na la ka guray bun baannu u fadhinaa. Shan cisho ayaannu dalka joognaa oo irrido badan garaacnay xafiisyo badanna na lagu qaabbilay. Ballan aannu madaxweynaha la lee nahay oo laba cisho naga xigto ayaannu u tooghaynnaa. Maanta wax aannu ku martiqaadan nahay ciyaarta kamadambaysta ah ee kubbadda cagta gobollada. Waxaa madaxa isdaraya Burco iyo Hargeysa. Aniga iyo saaxiibkay waxba ka la ma soconno isboortiga dalka, mana ka la jeclin labadan kooxood, waxaa se naga go’an in aannu Hargeysa taageerro, waayo masuulka na kaxaynaya ayaa ah reer hargeysa.

Waxa ay ahayd galab xiise badan. Aad baannu u wada niyad wanaagsanayn. Labadayada iyo dhawr nin oo masuulka na wada la socday wax aannu isku raacsan nahay in aannu Togdheer galabta afka ciidda u dari doonno. Filashada wacan ee kulankayaga saaddambe ee madaxweynuhu soohdin ma leh.

Saddexdii galabnimo ayaannu gegida isku ururinnay. Dad badan baa durba naga sii horreeyay, fadhi habboon ayaannu se hellay. Meel galbeed ka soo jeedda oo hoos ah oo ay dusha kaga qoran tahay VIP ayaannu annaga iyo qoladii na la socotay fadhiisannay. Niman madax ah oo ay ka mid yihiin madaxweyne xigeenka iyo wasiirka isboortiga ayaa agtayada fadhiya. Waxaa aad u muuqmuuqata askar hubaysan iyo qaar aan hubaysnayn. Inta madaxda la ilaalinayo waxaa ka badan inta annaga na la ilaalinayo.

Sida muuqata garoonku ilays ma leh, sidaa darteed qorraxda oo weli kulul saddexda iyo badhka waxaa ciyaarta loo bilaabayaa in la miciinsado iftiinka cadceedda. Runtii meesha waa ay ka taagan yihiin biro dhaadheer oo loogu talagalay in nalal lagu xidho, mooyi se wax loogu xidhi waayay. Garoonka qudhiisu meel kubbadeed u ma eka, ma na leh cawskii ay ahayd in uu lahaado. Waa didib iyo habaas, godod iyo fudad. Yeelkeede ciyaartoyadu weligood ba meel dhaanta ku ma ay ciyaarin, dadweynuhuna garoon dhaama ma arag.

Wax waliba wax ay ahaayeen caadi. Meel habboon waannu fadhinaa, gegedii waa la soo buuxiyay, ciyaartii na habsami ayay ku bilaabatay. Sida muuqata waa ciyaar loo wada hanweyn yahay. Taageerayaasha labada dhinac in kasta oo aanay garoonka si buuxda ugu ka la soocnayn haddana waa ay muuqataa in ay meelo ku ka la xoonsan yihiin. Dhanka galbeed ee cadceedda ka sii jeeda ee aannu fadhino dhiniciisa midig iyo dhankiisa bidix ayay labada qolo ku ka la badan yihiin.

Ciyaartoydu kolkii ay garoonka soo galeen labada kooxoodba waxaa ka muuqatay isla weyni iyo kalsooni ay ku qabaan kollayba in ay yihiin heerkii kowaad ee dalka oo dhan. Xiise iyo xamaasad ayay ku bilaabatay. Waxa qaylo iyo hees taageero ah baxaya ma malayn kartid. Shan iyo labaatan daqiiqo kolkii ay ciyaartu socotay kooxdayada ayaa hal iyo eber ku hoggaaminaysay. Guud ahaan ciyaar macaan ayay ahayd. Waxaa ka darraa xiisaha iyo quruxda jawiga. Waxa ay se ahayd intii aan mashaqada iyo fadeexaddu dhicin.

Ciyaartoygii kooxda naga soo horjeedda uga ciyaarayay lambarka shanaad, oo ahaan nin xoog miidhan ah, ayaa kubbaddii darbad kulul la helay oo ciyaartoygayagii toddobaad misigta kaga masaxay. Dabadeed kubbaddii waa ay banjartay. Sidii qolof muus ayay marka la laado dhulka seexatay. Siidhiga ayuu dhexdhexaadiyihii afuufay oo ciyaartii joojiyay, maamulkii ciyaarta ayuu na ka codsaday in ay kubbad nool keenaan. Kuwiina waa ay isdhex yaacyaaceen. Cabbaar baa marba meel la baadhay oo ninba nin kale la hadlay. Qoladayada daawadayaasha ahi garannay in wax si yihiin. Waqtigii wuu socday oo dhawr daqiiqadood baa gudbay. Madaxweyne xigeenkii iyo wasiirkii isboortiga ayaa xaaladda u dulqaadan waayay, kolkii la wargeliyayna jahaowareerkii meesha ka jiray ayay qayb ka noqdeen. Faro taagtaag iyo codad dhaadheer baa lagu wada hadlay. Runtuna wax ay ahayd, waxaa la waayay kubbad tii dillaacday lagu beddelo. Meeshaba kubbaddaas oo keli ah ayaa lagu hayay. Muran, iscanaanasho iyo isdabawareeg baa waqti badani ku lumay. Xitaa ciyaartoygii kubbaddu cagtiisa ku qaraxday hiif iyo haaraan badan baa ku dhacay.

Ka dib kulan degdeg ah oo ay nimanka madaxda ah ee agtayada fadhiyay isugu yimaaddeen waxaa lagu go’aamiyay in baabuur dheereeya magaalada loo diro oo kubbad la soo iibiyo. Wasiirka isboortiga ayaa lacagta jeebkiisa ka bixiyay, isaga oo leh: “War wefdi baa inna la jooga ee meesha ha inagu ceebaynnina!” Sidii baa la yeelay. Welwelka la qabaa waxaa weeye, haddii gabbalku gaabto, oo iftiinka qorraxdu yaraado, in ciyaarta la baajiyo mooyee meeshu ilays ma leh. Qolada reer hargeysa goolkoodii baa u sii muuqda oo in ciyaarta maalin kale loo riixo raalli ka ma aha, lacagtii lagu soo galayna dadka waa ay ka maqan tahay. Durba dhaqdhaqaaq iyo buuq aan nabdoonayn baa dadweynaha ka dhex bilawday. Qoladii siyaasiyiinta ahayd iyagana baqdini ku ma yara oo qalalaasaha suurtooba waa ay og yihiin, sidaa darteed dhididkii baa ka dhammaaday oo fadhigii ayay xejin waayeen. Kol ba Sebastian Georg ayay afka u soo dhowaynayaan oo ku lee yihiin “ciyaartu dhakhso ayay u sii soconaysaaye noo samra.”

Afartii ayaa ciyaarta la joojiyaye, shantii oo dhowdhow ayuu kii kubbadda loo diray soo noqday. Garoonkii ayay ciyaartoydii mar kale ku soo wada xeroodeen in tartanka la sii ambaqaado ayaana la isu wada diyaariyay. Hawlwadeennadii ayuu se mar kale muran ka dhex bilawday. War imikana maxaa qaldan?! Waxa aannu ogaannay kii kubbadda loo diray in uu ahaa bahal badow ah oo soo iibiyay kubbad caag ah oo ah jaadka carruurtu ku dheesho. War illayn hoog la ma qarsado!

Waxa ay wareegtoba, waxaa la is la gartay in aanay suurtogal ahayn in mar kale kubbad la doono, waayo durba waa gabbaldhac, ciyaartuna weli waa gelin hore. Kuwii madaxda ahaa si haddii ay si qarsoodi ah goobta uga dusi lahaayeen kumanyaalkan qof ee wayraxsan ayay ka baqayaan in ay magaalada rogaan, sidaa darteed waxa ay door bideen in ay sasabaan. Codbaahiye kharaab ah oo hadalka googoynaya ayay ka sheegeen waxa dhacay iyo in ay ciyaartii maanta sidaa ku joogsatay oo berri la isugu iman doono.

Ninka hawlwadeenka ah ee dadweynaha la hadlay si qarboqarbo ah ayuu hadal aan madax iyo mijo ka la lahayn u soo afrogay. Hadalkiisa waxaa ka mid ahaa: ”Adeer, innagu kubbado ma samaysanno, waxaa se inagu caawiya dalalka deeqda bixiya iyo hay’adaha samofalka. Sannad walba waxaa la ina siiyaa 25 kubbad cageed, 25 kubbad kolay, 25 kubbad gacmeed, 25 kubbad lalis, iyo 25 kubbad xeego. Warbixintii ugu dambaysay ee xafiiska dalalka deeqda bixiya ka timid waxaa lagu sheegay kubbadahaasi in ay joogaan adduun dhan 1,5 malyuun oo Doollarka Maraykanka ah. Weliba waxaa la inoo ballanqaaday in la inoo labalaabi doono haddii aynnu xagga isboortiga dadaal ka muujinno.”

Masuulkaasi waxa uu ku bishaareeyay in dalalka deeqda bixiya laga codsan doono soo kordhinta kubbadaha ay Somaliland siiyaan.

Marka uu sidaa lee yahay Sebastian Georg ayuu soo eegayaa. Kolkaa ayaannu meeshii ka tagnay iyada oo baabuur askari saaran tahay na lagu gelbinayo ilaa huteelkayagii.

Saaxiibkay dhawrkii cisho ee uu balwadda yareeyay jidh ahaan waxaa ku dhacay isbeddel aan la malayn karin. Wuu dhiigaystay oo nolol cusub baa gashay. Dadaal yaab leh ayuu u sameeyay weli na ugu jiraa in aanu godka dib ugu dhicin. Taasi wax ay ugu darrayd cishooyinkii aannu xaggaa ka soo dhoofaynay oo ay balaayada indhihiisu arkayeen. Wax kaleba iska daaye dhawr goor wax uu ku sigtay heshiiska in uu igaga baxo. Waxa uu gaadhay in uu ooyo oo dhulka is la dhaco madaxa na derbiga ku garaaco. Nin adag buu se noqdaye waannu sigannay. Intii aannu Hargeysa joognay sidii hore wuu dhaamaa waayo waa quus oo waxa aan been ugu sheegay waxa uu tabanayo in aan halka laga aqoon qofka lagu arkana la xidho. Dabadeed wuu baqay. Ha ahaatee xanuun sheydaan baa ku taagan. Inta uu jidh ahaan wanaagsanaanayo nafsad ahaan ayuu sii qarribmayaa. Qalowda quraaradda la taabto iyo shalaxda biyaha la shubo wuu ku gadoodayaa. Qofnimadiisii wax badan baa iska dooriyay oo wax uu la soo baxay dabci xumo iyo dulqaad yari. Muran miidhan buu noqday. Si fudud buu u xanaaqayaa. Dhawr jeer wax aannu ku dhowaannay in aannu gacan isu la tagno. Doqon se ma aha oo arrinka wuu ku baraarugsan yahay. ”War waa maalin iyo laba ee ha ina fadeexadayn”, baan xusuusiyaa kolka aan arko isaga oo si weyn u kacsan.

Saddexdan cisho qorraxda Hargeysa ayuu isu dhigay oo wuu midab doorsoomay. Hilib qalan oo dhiig leh ayuu u ekaaday. Anigu se waan u sheegay in aanan ku faraxsanayn cadceeddan jaan ee midabkiisa beddeshay. ”War sow ma ogid midabkaaga aadka u cadi in uu yahay waxa aynnu wax ku doonaynno? Wax kaleba illow taa se ha illaawin”, ayaan ku idhi.

Maalintii aannu madaxweynaha la ballansanayn barqadeedii aniga iyo saaxiibkay waxa aannu ku qaxwaynaynnaa beertii cagaarrayd ee huteelka. Waa goob rays udgoon leh, ubax iyo doog caafimaad qaba ayaannu dhex fadhinaa. Dorraad wax aannu shir midhodhal ah la yeelannay wasiirka nooga soo shaqeeyay kulanka maanta ee madaxweynaha. Wargeysyadii saaka soo baxay ayaannu indho’indhaynaynaa. Isagu inta uu dhawr af soomaali ah oo foolxunxun si quudhsi leh isaga leexiyay ayuu mid ingiriisi ah oo Yurub laga keenay ku xasilay. Mid af soomaali ah oo aan gacanta ku hayo bogga kowaad waxaa ku qoran madaxweynaha oo hay’ad samafal shir albaabbadu u xidhan yihiin la yeeshay. Bogga labaadna wasiir ku baaqay dunida deeqda bixisaa in ay u soo gurmato dad harraad iyo gaajo u bakhtiyaya. Bogga xigana waxaa ku qoran niman sheegay in qabiilkoodu ka baxay xisbigii hore oo mid kale ku biiray. Ka xigana waxaa ku qoran maqaalkii toddobaadlaha ahaa ee Sheekh Cabdijabbaar oo cinwaankiisu yahay ”Adduunku aayo ma leh ee aakhiro ha loo jeesto”. Ka xiga na waxaa lagaga hadlayaa askari Maraykan ah oo Ciraaq ku muslimay. Bogga ugu dambeeyana waxaa lagaga baaraandegay taariikhdii Abuu Lahab oo loogu celcelinayo weedha ah ”lacnatallaahi caleyhi”.

Dorraad wasiirka haddii aannaan dad yaqaan u kaxaysan lahayn oo afgaran lahayn oo qayilsiin lahayn oo wax u ballanqaadi lahayn sidan noogu ma jajabnaadeen. Ballanta uu madaxweynaha nooga soo qabtay waa loo wada hanweyn yahay. Sebastian Georg hawsha qudha ee u taal waa in uu sida ugu sarraysa u muujiyo ninka cad ee uu yahay iyo in uu balwadda ka adkaysto, si habsami leh ayuuna ilaa imika labada ba uga soo dhalaalay.

Baabuur na loo soo diray baa na qaaday. Suudhadhkii aannu naftayada ku soo maalgashannay oo aad u bilic sarreeya ayaannu ku taagan nahay, laba boorso oo yar yar oo madmadow oo qurux badan ayaannu gacanta iyo misigta dhexdooda ku haysannaa. Boorsooyinka waxaa nooga buuxa warqado aqoonsi iyo shahaadooyin wada faalso ah, iyo warbixin dhammaystiran oo qorshahayga ku saabsan iyo arjiga codsiga oo si sarraysa u dhigan. Kolkii aannu Madaxtooyada horteeda gaadhiga kaga degnay si aanan ku talogalin waxaa carrabkayga ku ruxantay heestii ahayd:

Waxaan ahay nin caanoo

Ka caweeyay Yuruboo

Ciidda malab ka dhigayee

Anoon kaa calool go’in

Caynkii na kuu jecel

Indhaa hay caddaynine

Aan dahab kor iyo cidhib

Ku caleemosaaree

Caawaa i la garo

Si xarrago leh ayuu madaxweynuhu noo qaabbilay. Faanta iyo kooko iyo biibsi iyo shaah ka aannu cabbaynno ayaa na la ka la doorransiiyay. Qorshaha aannu la tagnay waa isla kii aannu dorraad wasiirka u faahfaahinnay isagu na u guuxay oo aannu maanta aad u soo koobnay. In aannu doonaynno qadiyadda Somaliland in aannu magaalada Burukselis xafiis la yaqaan uga furro oo Yurub wadnaha u fadhiisanno ayaannu nimanka ka waraabinnay. ”Halkaas ayuu aqoonsiga Somaliland ku jiraa una baahan in laga soo saaro”, ayaannu carrabka ku xejinnay. Golaha Wasiirrada Midowga Yurub iyo Baarlamaanka Midowga Yurub iyo Koomishanka Yurub saddexdaba in aannu ku lee nahay saaxiibo kalsooni leh ayaannu ku bishaaraynnay. Weli ba dadkaas qaar baannu magacdhawnay. Waxa qudha ee maanta na xayirayaa in uu yahay kharashka xafiiskaa lagu furi lahaa iyo qalabayntiisa ayaannu hadalka gundhig uga dhignay.

Waan soo sheeko dhaafaye, wasiirka iyo hawladeennada xafiiskiisa waxa aannu daawadsiinnay website aannu internetka ka furannay bartaas oo aannu si qaayo leh ugu dhigdhignay qadiyadda Somaliland. Waxa aan odhan karaa nimanku wixii aannu tusnay waa ay ku ashqaraareen. Wasiirka waxaa ka soo hadhay: ”Wonderful! Wanderful! Maxaad beri hore noo la soo xidhiidhi waydeen? Wonderful!”

Xogta aannu net-ka ku bandhignay wax ay ku wada qornayd afafka ingiriisida, faransiiska, isbaanishk, jarmalka, talyaaniga iyo iswiidhishka. Sawirro ayaannu halkaa ka buuxinnay aannu dhammidood si farshaxannimo ah u farsamaynnay u na badan Sebastian Georg oo si farxad leh u la sawiran madaxweynayaasha Kosofo, Bariga Timoor iyo Boolisaariyo. Guulahaas oo dhan in xafiiska Sebastian wax weyn ku lahaa baannu sheegannay. Waxa aannu kale oo qoladaa Wasaaradda Qorshaynta u qornay cinwaan kayaga iyo telefoon kayaga shaqada oo dabcan beenabuur ah.

Madaxweynuhu wax badan na ma uu weydiin oo xogtayada wasiirka ayaa hore u deeqsiiyay. Arrinkayaga waxa laga yeelayo qudheeda in wasiirku noo hayo ayaannu malaynnay kulanka madaxweynaha se na loo ka dhigayo maamuusid iyo dhiirrigelin. ”Haddii na la aqoonsado waxba naga waayi maysaane abaal na gashada oo na la shaqeeya, waxa aannu maanta idiin awoodno na hawsha ku sii gala”, ayuu nagu yidhi madaxweynuhu. Weedhaasi si weyn ayay noo raalligelisay. Waa markii kowaad ee ay noo caddaatay in dadaalkayagu midho dhalayo. Waxaa noo hadhay uun in aannu ogaanno lacagta na loo oggol yahay tiradeeda iyo in ay gacantayada soo gasho. Madaxweynuhu nin afgaaban buu ahaaye wasiir kale oo meesha fadhiyay oo wax uu ahaaba aannaan garanayn ayaa na qodqoday oo waxooga baqdin ah nagu abuuray.

Madaxweynuhu kolkii uu na sagootiyayay waxa uu na sii maqashiiyay: ”Waan jeclaan lahaa in aan idinla hadhimeeyo, wax aan se ku shuqlan ahay ambabaxa aan ra’iisal wasaaraha ugu tegayo. Wax aan se rajaynayaa in aynnu kulanno maalin kale oo wadashaqaynteennu midho dhasho.” Ra’iisal wasaaraha uu sheegayo waan garanayay in uu u la jeedo Meles Senaawi.

Kolkii aannu baxnay wasiirkii na la shaqaynayay ayaa na sii raacay oo baabuurkiisa nagu qaaday. Xafiiskiisa ayuu na geeyay, shaah kale ayaannu wada cabnay, dabadeed waxaa la gaadhay bishaaradii natiijada hawshayada. Laba boqol oo kun oo doollar lacag uu tiradeeda ku sheegay oo warqad adag ku duuban ayuu wasiirku khaanad ka soo saaray oo Sebastian u taagay isaga oo leh: ”Sidii uu madaxweynuhu idiin sheegay waxba naga waayi maysaane intaa hawlaha xafiiska gashada. Waannu idinka warhaynaynaa oo idin la shaqaynaynnaa. Guul baan inoo wada rajaynayaa.”

Kolkii aannu lacagta guddoonnay ee ka mahadnaqnay durba degdeg baa na galay. Wax aannu bilawnay kuurkuursi aannu ku muujinaynno in uu na fasaxo. Markaa ka dib waxa aannu is lee nahay ’qofku hadal badanaa!’. Ugu dambayn baabuur uu noo dalbay ayaa na lagu geeyay huteelkayagii. Gudaha ayaannu gallay oo qol hoosta ka soo xidhannay. Dabadeed inta aannu lacagtii sida kaariyada degdeg u tirsannay laba inood oo isla’eg u qaybsannay. ”Wax walba waad la kulmi kartaaye lacagta aan kuu hayo ee keen”, baan ku idhi saaxiibkay, wuu se igu kalsoonaan waayay. ”Bal haddaba aad u digtoonow”, ayaan ku la taliyay. Sida ugu dhakhso badan in aannu dayuuradda u raacno ayaannu goosannay. Inta aannu magaalada joogi doonno ma aannu ogayn sidaas darteed tikidho noqosho ah ma aannu soo goosan. Wax aannu se og nahay kol haddii aannu lacag haysanno goorta aannu doonno in aannu dayuurad helaynno. Nasiib wanaag wax aannu helnay duullimaad berri gelinka dambe ah.

Saaxiibkay waxa aan u sheegay caawa in aan qaraabo salaan ku maqnaanayo isagu na huteelka iska sii joogo oo aad isu dhawro isuna ilaaliyo. Sidii baan kaga ambabaxay. Barqadii dambe ayaa huteelkii la iga soo wacay. ”War ceeb baa dhacdaye na soo gaadh!” ayaa la iga codsaday. Tii aad wadnaha farta kaga haysay miyaa dhacday? ayaan si naxdin leh isu weydiiyay. Tagsi baan ku dhacay, mise waa saaxiibkay oo beerta huteelka galgalanaya oo laga maadsanayo! War illayn naxdin u ma dhimatid! Xalay bay kuwo baas inta ay kaxeeyeen suntii iyo waabeeyadii uu jeclaa ka soo durduureen, dabadeed isaga oo dad iyo bahalba ka tegay ayaa goor dhowayd halkan tagsi lagu keenay. Cabaadka ka baxaya iyo waxa uu qudhun walaaqanayo waad yaabaysaa. In qolkiisa lagu xereeyo ayaa la damcay waa se loo taag waayay. Dadku waa in ka maadsanaysa iyo in ka murugaysan. Qaar xagjir ahi dhagax bay la soo tuban yihiin oo waxa ay lee yihiin ”gaalka ha la dilo”. Qaar kale oo arrinta aannu dalka u nimid ogaa wax ay lee yihiin: ”aqoonsigii Somaliland waa ka halkaa yaalla!”. Qoladii huteelka ayaa se si gobannimo leh u dhaqmaysa oo isku dayaysay in ay martideeda asturto.

Kolkii aan imid waxa aan ku guulaystay in aan gudaha geliyo. In yar ka dib na sariirta ayuu ku dhacay oo suuray. Dadkii waxa aan ku ka la dareeriyay in ay iska tahay dhaqan gaalo ee aanay waxba ka soo qaadin, taas oo aan la kaashaday qoladii huteelka. Deeqsinnimo badan oo xagga jeebka ah ayaan dadka iskaga aamusiiyay ee meesha fadeexad baa naga raacday. Baqdin waxa aan ka qabaa in ay dawladdu na ogaato oo arrinkayaga dib loogu noqdo. Dayuuraddiina weli shan saacadood baa nooga hadhay. Markaas oo kale waqtigu gaabiyee! Xitaa qadadii waa ay iga degi wayday. Waxa aan baqdin iyo ceeb la gaaf wareega ba saacaddii duulista ayaa soo dhowaatay, dabadeed Sebastian oo weli mayd ah ayaan sariirta ka jiiday oo tagsi ku riday oo garoonka dayuuradaha u la cararay. Run ahaantii waxa uu u baahnaa ambalaas ee u ma baahnayn dhoof. Daqiiqaddii ay dayuuraddu cir ka na la gashay ayay neef cadaab ahi iga soo kudday. Qudhiisu wuu nasiib badnaa oo lacagtii oo shandad qolka u taal ugu xidhnayd laga ma taaban. Run ahaantii aad baannu u nasiib badnayn ee waannu sigannay.

Markii aannu hawlgalkaa ku soo guulaysannay ee Iswiidhan ku soo noqonnay Sebastian Georg wixiisii oo uu lacag u haysto ayuu muquuray, sidaas darteed xidhiidhka waan ka goostay. Dhulalka kale ee soomaalidu degto in aannu mashaariic ka soo fulinno ayaan jeclaan lahaa, laakiin waa nin fadeexadeed oo la isku ma hallayn karo. Caddaan isaga dhaama in aan raadiyo ayaan qorshaynayay. Isagu aad buu ii la soo xidhiidhay ee waan u furi waayay. Warqad iyo wacid iyo email ayuu isa soo wada daba dhigay. Juuq u ma aan celin, dabadeed wuu iska kay daayay.

Cishadii dambe annaga oo dhawr bilood ismoog ayaan telefoon ka jawaabay, mise waa isagii. Wax uu iga soo wacay dalka Tayland. ”Butland baannu aniga iyo mid soomaaliyeed oo halkaa u dhashay dhowaan ka soo noqonnay oo hawl muhiim ah ka soo fulinnay. Muqdishona hore ayaan u tegay oo dee waa anigii ku waayay ee bal kolka aan Iswiidhan ku soo noqdo ha inoo ahaato”, ayuu ii sheegay. Qosol digasho u eg ayuu intaa waday. ”Afrika waa qaarad dihin oo meelo badan baa soo eegid inooga baahane aynnu isu nimaadno”, ayuu sii yidhi.

Muddo kale ayuu haddana xidhiidhka iga goostay (tolow ma laba bilood bay ahayd?). Dabadeed aniga oo iskaba illaaway ayuu maalin dambe i soo wacay. ”Berri in aan ku martiqaado ayaan jeclaaye fasax ma haysataa?” ayuu i weydiiyay. Duhurkii xigayna tagsi uu ii soo diray baa i qaaday. Xagaa diirran bay ahayde, Sebastian Georg oo dhar gaagaaban gashan ladnaan badanina ka muuqato ayaa albaabka tagsiga igu soo dhoweeyay. Waxa aannu gallay aqal aan sidaas u weynayn qurux se badan oo magaalada debeddeeda ku yaalla, kaas oo uu ii sheegay in uu dhowaan iibsaday. Beer wanaagsan oo gurigu lee yahay kuraas iyo miis si bilic leh u yaal ayaannu qorraxda fadhiisannay. Marwo dalkaa Tayiland u dhalatay oo isaga aad uga da’yar, taas oo uu xaaskiisa cusub iigu sheegay, ayaa noo adeegtay. Wax aannu wada cunnay raashin macaan oo dalkaa ay xidideen dhaqan ahaan ka soo jeeda.

Sidii uu Garoowe iyo Xamar ku tegay iyo waxa uu ka la soo kulmay ayaan ka waraystay. Shaqadii diblomaasiyadeed ee aan geliyay in uu ka yara maqnaa oo noqday dillaal caalami ah ayuu iiga warramay. Shirkad saliidda qodda (taas oo dabcan dhalanteed ah) iyo maamulka Butland in uu isku xidhi lahaa oo waxoogaa kaga helay ayay natiijadu moqotay. ”Weliba nin jilicsan oo badow ah baan kaxaystaye wax intaa ka badan baa Garoowe na looga oggolaa”, ayuu ku cawday. Muqdisho qudheeda in uu ku tegay barnaamij uu Qaramada Midoobay ku qalqaalinayo hubkadhigid shacbiga soomaalida lagu sameeyo (taas oo dabcan beentii hore la mid ah) iyo sidii ay u dhacday oo uu wax ka reebreebay ayuu iiga tanactanacsiiyay. Qodobkan dambe markii uu ii sheegayay waxaabad moodaysay in uu beentii rumaystay oo xitaa doonayo qudhaydu in aan la rumaysto. Ku lahaa: ”Hubkadhigid buuxda ilaa dadka soomaalida lagu sameeyo dagaalka sokeeye joogsan maayo dawladduna shaqayn kari mayso.”

Qorsheyaal badan oo fulin nooga baahan in uu hindisay ayuu iigu bishaareeyay. ”Nin yahow Afrika waa qaarad dihin, oo siiba Bariga Afrika ee aad ka timid iyo Badhtamaha Afrika labadaba fursado waaweyn baa ka jira ee fadhiga ka kac”, ayuu igu canaantay. Soodaan baa ka mid ahayd meelaha uu sida gaarka ah u danaynayay. Marka ay xaggiisa wax ka soo dhammaadaan in uu i la soo hadli doono anigu na aan xaggayga wax ka soo dhiso ayuu igu sagootiyay.

Markii aan Sebastian ka tegay waan u xanaaqsanaa, naftaydana waan u xanaaqsanaa, soomaalidana waan u xanaaqsanaa. Sida doqonka ayaan iska xanaaqsanaa.

 

 

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”.

Sweden.