California (Ramaas)July.17,2017-Maxkamad ku taalla magaalada San Jose ee Gobolka California, Mareeykanka ayaa 16 sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin lagu helay inuu si kas ah u dilay Bisad.

Ninka Falkaan geystay oo lagu magacaabo Robert Farmer da’diisana lagu sheegay 26 jir, ayaa lagu helay inuu si xun u ciqaabay dabadeedna dilay Bisad.

Robert Farner, ayaa falkaan geystay sanadkii 2015, Bishii Oc. 8-deeda, waxaana markii la qabanayay Booliska soo qabteen isagoo dhex hurda gaarigiisa, sidoo kale waxaa dusha gaadhigiisa laga helay qeyb kamid ah Bisada uu dilay oo jarjaran.

Robert Farmer, ayaa waxaa muuqaal ka duubtay Kamarad ku xidhneyd meel u dhow goobta uu falka ka dhacay, waxaana Basadaasi uu dilay da’deeda lagu sheegay 16 sanno.

Goobta ay ka dhacday Maxkamadeynta Robert Farmer, waxaa goobjoog ahaa Haweeneyda iska lahayd Bisadda la dilay, waxeeyna aad usoo usoo dhaweysay go’aanka Maxkamadda.

 

 

Ramaasnews-desk

Ramaasnews@gmail.com