Hargeysa(Ramaas)Dec.2,2017-Michael Flynn oo ahaa la taliyihii arrimaha ammaanka ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qirtay in uu been u sheegay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee FBI.
Flynn ayaa lagu qasbay in uu shaqada isaga tago ka dib markii uu marin habaabiyay Aqalka Cad, taas oo ku saabsanayd kulamo uu la yeeshay saraakiil ka socota dalka Ruushka.
Dacwadaha hadda loo heysto ayaa waxaa ka keenay ergeyga gaarka ah ee baaritaanka farogalinta Ruushka ee doorashooyinkii dhacay 2016-kii Robert Mueller.
Warbaahinta Mreykanka ayaa waxa ay sheegtay in Michael Flynn uu isu diyaarinayo in uu bixiyo marqaati ku aadan wiilka uu sodoga u yahay Mr Trump Jared Kushner uu ka mid ahaa xubnaha sarsare ee xilligii kala guurka bixiyay amarka ah in xiriir lala sameeyo Ruushka.
Mr Flynn ayaa sheegay in uu la shaqayn doono gudiga baaraya faragalinta la sheegay in Ruushka ay ku sameeyeeen doorashadii mareykanka ee 2016.
War ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mr Flynn uusan cidna dambi ku qirin balse arrintani ay mid uun isaga qusayso.
Sanatar Mark Warner oo ah gudoomiyaha gudiga sirdoonka u qaabilsn aqalka sanetka ayaa sheegay in ay doonayaan in dadk Mareykanka ay ogaadaan faafaahin buuxda oo ku saabsan arrintan faragalint Ruushka iyo ciddii ku lug lahayd.
Michael Flynn oo ahaa la taliyihii arrimaha ammaanka qaranka madaxwayne Trump ayaa noqonaya sargaalkii ugu horreeyay oo horey uga tirsanaa maamulka Trump ee qirta in uu ka been sheegay xiriirkii uu la sameeyay Ruushka.

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com