Hargeysa(Ramaas)May.18.2017- Madaxweynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa sheegay in ay jirto rajo aad u wanaagsan oo ku aadan colaadda kala dhaxeysa Kuuriyada Waqooyi. Isagoo booqanayey xarunta wasaaradda gaashaandhiga ayaa Mr Moon wuxuu u diray fariin culus xukuumadda Pyongyang taas oo ah in gardarro kasta oo military laga bixin doono jawaab.

Madaxweyne Moon wuxuu xukunka qabtay todobaad ka hore waxaana si wayn loogu arkay qof aad ugu jilcsan Kuuriyada Waqooyi marka loo eego madaxweynihii uu xukunka ka badalay, wuxuu hadda isku dayayaa inuu ka hortago fikirkaas.

Habka dawaldiisa ku socoto waa laba wadiiqo oo kala ah in muujiyo isdifaaca milatari ee ka dhan ka Kuuriyada Waqooyi in uu ahaada mid aan cabsi soo wajihin iyo in isbahaysiga Mareykanka uu ahaa mid sidiisa u jria, waxaa kale oo uu leeyahay xiriir lala sameeyo Pyongyang in ay tahay in dib loo aasaaso, kaasi oo si buuxda u go’ay sanad ka hor.

Moon Jae-in wuxuu diray erego Mareykanka, Japan, Shiinaha iyo Ruushka si ay isagu dayaan in la helo hanaan meesha looga saaro ismarin waaga xukuumadda Pyongyang.

Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in wax wadahadal ah aanay noqon karin suurtagal ilaa iyo inta Kim Jong-un uu hakiyo horumarinta hubka nukliyeerka, taasina oo ah shuruudda koowaad oo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ay macquul tahay inaannu aqbali doonin.

 

 

Ramaasnews-desk

Ramaasnews@gmail.com