Hargeysa(Ramaas)Oct.9,2017- Dalka Nigeria waxaa hadda ka soconaya maxkamadeynta kumannaan qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Boko Xaraam.

Maxkamadeynta ayaa ka socoto saldhig milatari oo ku yaala magaalada Kainji.

In kabadan 1600 oo qof ayaa la filayaa in usbuucyada soo socdo maxkamadda la soo taago,

Ka dib, qiyaastii 5000 oo qof oo kale ayaa la amxkamadeen doonaa, waana dadkii ugu badnaa oo abid maxkamad la hor geeyo.

Kooxaha xaquuqul insaanka iyo qoysaska qaar ka mid ah eedeysaneyaasha ayaa walaac ka muujinaya in maxakamdeynta dadkan ay qarsoodi tahay.

Malaayiin qof ayaa ku barakacay kacdoonka kooxda Boko Haraam oo 8 sano ka socda Woqooyi Bari, Nigeria.

Maxkamadeynta ayaa qaadan doonto bilo ama sanado, sababtoo ah tirada dadka la dacweeyay ayaa aad u badan, sida uu sheegay wasiirka cadaaladda ee Nigeria, Abubakar Malami.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in hanaanka uu ku shaqeeyo guddiga cadaaladda uu yahay mid gaabis ah.

In ka badan 20 kun oo qof ayaa ku dhimatay malaayiin kalena way ku barakeceen dagaalka Boko Haram oo ka dhacay Nigeria iyo dalalka deriska la ah.

Dad badan oo caruur iyo haween ay ka mid yihiin ayaa sidoo kale lagu qafaashay dagaalka.

 

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com