Hargeysa(Ramaas)July.14,2017- Booliiska Israa’iil ayaa dilay saddex nin oo rasaas ku furay askar ku sugnayd magaaladaa Qudus.

Booliiska ayaa sheegay in ay dhaawacmeen saddex askari oo booliis ah, labo ka mid ahna uu dhaawacoodu halis yahay.

Warbaahinta Israa’iil waxay sheegtay in toogashadaasi ay ka dhacday qaybta qadiimiga ah ee magaalada oo u dhaw masaajidka barakaysan ee Al Aqsa oo ay Yuhuudduna u taqaanno Temple Mount.

Booliiska Israa’iil ayaa hadda aagaas xiray dadkana ka daadgureeyay.

Salaaddii Jimcaha ee lagu tukan lahaa masaajidka Al Aqsa ayaa la baajiyay markii u horaysay muddo sannado ah.

 

 

 

Ramaasnews-desk

Ramaasnews@gmail.coom