Isbeddelka Soomaaliya – (Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”).

 

Umadda soomaalidu waxa ay soo martay afartan sannadood oo qiyaame ah. Waxaa ku habsaday halaag, burbur iyo barakac dunida meel ay ka dhaceen yar tahay. Maayado cadaab ah oo isdabajoog ah ayuu hirba hir kiciyay. Waxa ay ahayd masiibo qoomiyadeed oo aan wax qoyan iyo wax qallalan midna isirka soomaalida u reebin. Taasi sanooyinkii dambe in ay koonfurta ku sii darrayd sababo dhawr ah ayay lahayd, waxaana ugu weynayd dhulkaas oo ay hadhaadigii Kacaanku ku daba dheeraadeen, kuwaas oo diiddanaa isbeddel aan iyaga ahayn iyo dawlad khayr qabta oo dhagartooda ka hadasha. Waa la wada xusuusan yahay kooxdii Cabdiqaasin Salaad Xasan madaxa u ahaa ee wada kacaanka ahayd wixii ay fashay iyo sidii ay xalka soomaalida u fashilisay.

Haddaba sannadahan dambe waxaa dhacaysa neecaw yididdiilo sidda, waxaana muuqata rajo dhab ah. Isbeddelkani waxa uu la kowsaday duullankii weynaa ee Xabashidu koonfurta badankeeda ku qabsatay dabayaaqadii 2006. Mar keliya ayay dadkii soomaalida ee isku mushquulsanaa ku hambaabbereen iyaga oo dhaxalwareeg qarka u saaran. Kumannaan iyo kumannaan qof ayay ciidammada woyaanuhu gumaadeen. Caasimaddii Xamar ee magaca iyo maamuuska soomaalidu yaallay ayuu ciidankaasi dhex gaardiyay oo calankiisa ka taagay.

Dhacdadaasi soomaali aad u badan ayay aayaxumadooda qoomiyadeed ku baraarujisay, dabadeed waxaa laga niyadjabay colaadihii hubaysnaa iyo dagaalladii la isku muquuninayay. Dhawaaqa nabadda ayay markii kowaad dheguhu u furmeen, waxaana la isla oggolaaday in miis iyo wadahadal xalka lagu raadiyo. Argagixisada ah oo dunida oo dhan la la qabo mooyee maanta ma jirto koox soomaaliyeed oo colaad u hubaysani.

Arrinta kale ee isbeddelkan kaalinta weyn ku yeelatay waa awooddii siyaasadeed oo ka wareegtay ”facii habaarka qabay” ee afartanka sano umadda soomaalida cadaabta ku hayay. Markii kowaad waxaa siyaasadda dhab u soo galay dad fayow oo aan gacmahooda dhiiggu ka da’ayn afkoodana cayga nacaybku ka qubanayn, wax eed ahna aan ku lahayn gumaadkii iyo dullayntii umadda soomaaliyeed la soo mariyay. Tani waxa ay la jaanqaadday madaxnimadii Sh Shariif Sh Axmed.

Halkaa waxaa ku shiiqay duullaannadii colaadeed ee tolalka, aflagaaddooyinkii qabyaaladeed, iyo falsafaddii ismuquuninta. Halkaas ayay ka soo dhacday neecawda nabaddu.

Intaa waxaa dheer isbeddel ku dhacay dhaqanka siyaasadeed ee dunida ee soomaalida ku aaddan, innaga oo aan wax sabab ah taa u yeelin. Ciidammada Afrika ee nabad-ilaalinta u jooga oo ka duwan kuwii halista ahaa ee Xabashida, kaalinta firfircoon ee Boqortooyada Biriteyn iyo Turkiga, iyo niyadsamida Midowga Yurub iyo Qarammada Midoobay, intaasiba waxa ay yeesheen saamayn laxaad leh oo dhanka wanaagsan wax u dhaqaajiyay.

Maanta saddexda kursi ee talada Soomaaliya ugu sarreeya waxaa ku fadhiya saddex nin oo aan midkoodna aragtidsiisa iyo dhaqankiisa siyaasadeed wax badan laga aqoon. Taasi inta ay taban tahay baa ka badan inta ay togan tahay, waayo in aan siyaasadda soomaalida lagaa aqooni waxa ay caddaynaysaa in aadan dhiigyacabnimo iyo dhagaro waaweyn gelin, waayo la ma soo arag siyaasi soomaaliyeed oo aan labadaa ahayn. Intaa haddii lagu kabo hadallada ilaa imika saddexdaa nin ka soo yeedhay waa yididdiilo laga qabi karo ayaandarradii dheerayd ee soomaalidu in ay soo gunaanadmayso. Yididdiiladaasi si ay u dhabowdo, maxaa saddexdaa nin iyo golaha fulinta ee ay soo dhisi doonaan la gudboon? Aragtidayda, waxaa la gudboon dhawrkan qodob:

1. In ay tilmaan iyo astaan u noqdaan nabad iyo xasillooni kamadambays ah oo geyoga soomaaliyeed ka dhaqan gala. Taa waxa ay ku hirgelin karaan in ay ka fogaadaan siyaasad kasta, af iyo addinba, oo curshi iyo cabsi gelin karta dad soomaaliyeed.

2. In ay siyaasaddooda ku saleeyaan hufnaan iyo tuhun la’aan, si ay qaybaha bulshada ugu beeranto kalsooni iyo degganaan nafsadeed, ugana baxaan shakiga iyo aammindarrada.

3. In ay xilligooda iyo xilkooda u adeegsadaan waxqabad ummadeed oo tayo leh, taas oo ay ku gaadhi karaan ugu horreyn hawlaha qaranka oo loo diro dad ku habboon, iyo lacagta yar ee dalka oo musuqmaasuqa laga ilaaliyo.

4. In ay masalada Somaliland ku qaabbilaan xaqiiqada ay tahay, iskana daayaan

dhalanteedkii iyo jujuubkii hore loo caadaystay oo aan xumaan mooyee wanaag dhalayn.

5. In ay iska fogeeyaan oo iska bari yeelaan difaacidda, u qiilsamaynta, iyo yaraynta jariimadihii bani aadannimo ee magaca dawladnimada lagu galay xilligii Kacaanka Oktoobar.

6. In ay dawladaha dunida oo dhan u muujiyaan oo ku la dhaqmaan wanaag, kalsooni iyo abaalgud, waayo soomaalidu iyada oo cagaheeda isku taagi kari wayday cidda maanta badbaadinaysa ee naf iyo maalba u huraysaa waa aadamiga kale.

Intaas oo qodob si fudud ayay uga dhabayn karaan afarta sano ee ay talada hayaan, waxa ayna soomaalida oo dhan u gudbin karaan heer dhaama kan maanta la yaallo, waxaana ay dhidibika u taagi dawladnimo casri ah iyo bulsho xasilloon oo horumar higsan karta.

 

 

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed.

Ibraahinhawd@hotmail.com