Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Arimaha Diinta

altKusoo Dhawoow bogga Arimaha Diinta ee Shabakada Ramaasnews. Boggani waa bogga ugu qiimaha badan shabakada, waa bogga lagu soo bandhigo, lagu falanqeeyo lagagana jaahil baxo arimaha khuseeya diinta oo ay tahay inaynu mar walba hor marino. Waxad boggan noogu soo gudbin kartaan su'aalaha diiniga ah ee aad rabtaan in aad ka jaahil baxdaaan, qormooyinka diiniga ah iyo doodaha ku saabsan arimaha diinta la xidhiidha. Boggan waxa si gaar ah ugu xidhan culimo waawayn oo kamid ah culimada Soomaalida.

Close All | Open All
test test test test Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah: “ Horta Salaatu Layl dhawr arimood oo magacyadooda sharci aad ku maqasheen baa isku mid uun ha; sida Salaatulayl, Qiyaamu layl iyo Salaatu Taraawiix, Salaatul Tahajud iyo Salatul Witri. Intuba waxay noqonayaan salaada sunaha ah ee la tukado marka Cishaa iga iyo sunihiisaba la tukado kasii danbaysa ayaa magacyaashaa iska leh. Waa salaada habeenkii la tukanayo uun. Haddii qofku inta uu seexday kadib uu soo kaco, oo salaadii uu u kacona magaceeda TAHAJUD ayaa la yidhaahdaa, waa salaadii habeenkii loo kacay; Haddii rakcada u danbaysaa Witri ay tahay, oo rakcada u danbaysaa tiro kala dhimantahay waa sida wacane’, oo tiro is dhiman mid lagu danbaysiiyayna Salaatu WITRI  ayaa la yidhaah.  Haddii salaadaa la tukanayo bisha Ramadaana salaatu TARAAWIIX ayaa la yidhaah. Markaa waa isku mid uun. Salaadaas Nabi Maxamed CSW , waxay Caaisha Nabiga ka warinaysaa in uu tukaday 11 Rakcadood. Riwaayaadka Qaarkoodna 13 ayay sheegayaan. Culimadu waxay yidhaahdaan Riwaayada 13ka sheegaysa waxa laga yaabaa inay labadii cishaaigu la socdaan.  Riwaayada 11ka sheegaysaana inay 2dii cishaa iga ka reebtay . Halkaas waxa ka muuqanaya sida afdalka ah ee wanaagsani inay 11kaas tahay. Waxayse culimadu u badan yihiin, haddii qofku uu ka kordhiyana  inay markaa Mashruuc tahay oo laga badin karo 11kaas. Waayo Nabigu CSW waxa uu xadiis ku yidhi, salaada habeenkii waa Laba Laba, marka aad subaxa, marka aad subaxa ka baqato ee aad ka dhawrsatana waxa aad samaysaa buu Nabigu CSW leeyahay xabad Witri ah kusoo gabogabee. Marka halkaa waxaad ka arki kartaa cadad keedu intee buu noqon karaa, intee baana u fadli badan.  Marka Salaada La Akhriyayo wax kale oo la akhriyayaa ma jiree Nabigu waxa uu yidhi CSW “ Camalku waxa uu ku ansaxayaa Niyada”  Markaa waxa uunbaa niyoonaysaa inaad tukanayso salaadii Taraawiixda, Witriga oo wax kale oo aad akhriyaysaa ma jirto. Waayo markay cibaado tahay waxa aynu u cibaadaysanaynaa sidaa Rasuulka Ilaahay SCW kazoo aroortay, sidaasaana Ilaahay inagu adoonsaday. Waxa is waydiin leh oo su’aashana ku jirta Salaada wakhtigeeda u fiicani; Horta wakhtigeedu waxa uu jooga marka laga baxo sunaha Cishaaiga, oo la tukan karayaa Taraawiixda, Salaatu laylka iyo Witrigaaba.  Sidaasaana Cumar Binu Khadab RC inta uu asxaabtii oo dhan ururiyay uu yidhi Imaam tuji, dabadeed intay isku Jamacsadaan ayaa cishaai kadib la tukan jiray. Cumar markii uu arkay salaadii oo si fiican loo tukanayo waa kii lahaa “ Shay la bilaabo tanaa u wanaagsan” Ileen salaadu markii horeba mashruucbay ahayde, tan aan dadka ururiyay ayuunbuu u jeeda. Waxaanu raaciyay intaas “ Laakin tan ay seexanayaan ayaa ka khayr badan” Markaas waxa uun uu u jeeday Salaatu Layl. Habeenkii waa saddex meelood oo min Afar Saacadood ah.  Markaa Afarta saacadood ee u danbeeya Ilaa wakhtiga Suxuurta ayaa u fadli badan. Sida uu Ilaaha  Aayada ku yidhi “ Habeenkii salaada u kac, adiga oo ku cibaadaysanaya Qur’aankana” Wakhtigaasi waa wakhtiigii uu Rasuulku Tilmaamay CSW markii la waydiiyay wakhtigeebaa ducada la aqbalaa. Waa wakhtiga Ilaahay soo dagee Adoomahad ala hadlayee uu leeyahay “ Keebaa wax I waydiisanaya een Siiyaa, keebaa danbi dhaaf I waydiisanaya oo aan danbiga ka dhaaffaa”. Waa wakhtigii uu lahaa Nabi Yacquub Inamadiisa isagoo la hadlaya uu lahaa “ Hadhaw baan Ilaahiina Danbi dhaaf idiin waydiin doonaa” Waa inamadiisii gafay, ayuu waxa uu lahaa markii ay cawdeen. Markaa Afarta saacadood ee habeenka u danbeeya inta aan la gaadhin waa bariga, wakhtiga had iyo jeer binu aadamku hurdo dakharta ku jiro weeyaan, wakhtiga qofka kacaa Ilaahay xidhiidhka tooska ah la leeyahay weeyaan. Markaa haddi qofku inta uu Jamac helo xaga hore ka tukadana waa fiicantahay. Al Muhiim Cibaadadaas Ilaahay Raali galinaysa in la la yimaada uun ayaa muhiinm ah Walaahi Aclam.”        Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Sakaaatul fidriga waa taynu sheegnay ee aynu nidhi yaan lagu bixinin lacagtee raashinka ha lagu bixiyo. Markaa qofkii intuu lacagtii ka qaado dee raashin ha u siiyo oo dib ha ugu celiyo.  Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Waynu soo sheegno dee maalinkii ciida iyo habeenkaa, wax dheeraad ah waa inuu haystaa. Oo wax uu cuno wax ka dheeraad ah. Laakinse haddii isagii aanu waxba ba haysan labadaa, dee waa faqiirkan la leeyahay hala siiyo qofkii.   Read More ...
Bismilaahi Alxamdulilaah; Sonkorta Maya, sonkorta raashin ahaan baan loo isticmaaline waa faakihaysi oo iiyadu dee taashin ma noqotee waa sharaab uun weeye.  Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Kol haddii dee uu yahay hadhuudhku raashin hagaagsan oo dee kii ay cunayeen ah. Wixii ay beertaanbay dee kolay dadka beeralayda ahi cunaan. Kolkaa haddii reerkii hadhuudhka hayay uu yidhi bixiya. Dee way soconaysaa oo isagiina way ka soconaysaa. Maxaa yeelay dee sakadii xoolahaba inuu cid u diro sida caruurtiisa kuwa roonroon amma dadka masuuliyiinta ah  inuu yidhaahdo inaga bixiya sakadii xoolaha way u banaanayd. Markaa sakaatul fidrigiina inuu yidhaahdo iyagoo reerkii raashinkii haya oo uu kayimi inuu yidhaahdo aniga iyo idinkaba inaga bixiya Sakaatul Fidriga intuu waraaq u qoro, dee wuxuubay noqonaysaa wakaalasho. Mar haddii isagii masuulka ahaa uu wakiishay dadkii uu ka bixin lahaa qaar kamid ah waa wax iska banaan. Xaaskuu wakiilan karaa, inamadiisa waa wayn, hablihiisa waawayn ayuu wakiilan karaa inuu yidhaahdo inaga bixiya. Markaa midaasi waa mid ka ansaxaysa.    Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Waxa shardi ah in laba qaybood oo wakhtiga kamid ah qofkani koobsado. Qayb Ramadaan ah iyo Qayb Ciida ah. Nabigu CSW waxa uu leeyahay bisha Ramadaan marka laga afurayo ayay waajibaysaa. Markaa haddii qofkii aanu ciidiiba soo gaadhin, rabadaan dhexdeediibuu dhintayoo, inaan lagu yeelanayn ayay tilmaamayaan Fuqahadu. Iyagoo xadiiska daliishanayaa, oo uu qofkuna dhintay Ramadaan Dhexdeeda oo aanu ciidiina soo gaadhin. Laakiin Ilmihii yaraa ee Ramadaan Aakhirkeeda dhashay oo kale dee way ku waajibaysaa sakaatul fidrigiisaa inuu ka bixiyo waa wajib.  Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Haddii aad bixisay oo ay sidaas ku socota Ilaahay ha aqbalo. Haddii se aanad wali bixinin raashinimo uun u rog.  Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah ; Haddii ay xoolo leeyihiin agoontaasi oo ku filan, oo biil ugu filan, iyaga lama siinayo. Haddii se aanay wax ku filan haysan dee Foqoradii ayuunbay noqonayaan la siinayay. Wuxuun baana mar walba loo eegayaa baahiye ma jirtaa. Baahidaasi haddii ay jirto biil koodiina aan lagugu lahayn dee waad siin karaysaa.   Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Kuwa dibadaha jooga ee maqan, dee kolay haddii ay dad waawayn yihiin Nafaqadooda laguguma lehee way kaa baydhay kol haday dad masuuliyiin ah oo qaangaadh ah yihiin. Oo dee iyagay tahay inay shaqaystaan, dee haddii ay dad wax haysta yihiinna iyaga iska bixinaya. Waxaaba laga yaabaa dee inay adiga biilkiiba kuu soo tuurayaan. Marka inay adiga kaa bixiyaan oo aad uba wakaalato intaad fariin u dirto, oo aad tidhaahdo idinkaa wax hayee anigana iga bixiya idinkuna way banaantahay  Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah ; Dadka laga bixinayo sakaatul Fidriga waa horta dadka aad biilinayso ee biilkoodu waajib kugu yahay sida Asalkii (Ubadkaagii iyo kuwii ay sii dhaleen) iyo Faracii ( Aabihii , hooyaddi, awoowyaashii iwm) iyo Walaalihii guriga kula joogay ee wax kula cunayay ee aad masuulka ka ahayd , kuwaas ayay tahay in sakadii laga bixiyo. Xaaskuna waa ku jirtaa.  Read More ...
Bismilah Alxamdulilaah; Marka Waalid la leeyahay waxuunbay noqonayaan Aabihii, Hooyadii, Awoowgii, Ayeeyadii kuwaas oo dhami waa waalid.   Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Jawaabta aan horaysiiyee waajib maaha laakin waa sune. Rasuulkuna SCW dharka cadcad kolay amaan dheeraad ah ayuu siinayay, ama ha ahaato qofkii dhintay oo lagu kafno, ama aha ahaato qofkii oo jumcadiiba u qaata, amma ciidii u qaata, ammaba dee ixraamkii u qaata. Waa iska sune ee waajib maaha. Cabdilaahi ibnu cabaas Radiya Laahu Canhu, waxa uu ka waramayaa Nabi Maxamed oo xidhanaya SCW camalkii, waxa uu leeyahay “ Rasuulku markii uu xajka xidhanayay iyo marka uu cumrada xidhanayaba, inta uu soo dhaqaaqo oo kolka horena uu isa sii diyaariyo uu sii feedho oo subag marsado ayuu labadiisaa go’na xidhan jiray. Idan Markaa dharka cadi wasakhduna had iyo jeer kuma soo gaban karto, oo dee markiiba way ka muuqanaysaa oo dee inuu qofkii markiba iska nadiifiyo ayay noqonaysaa. Sidaas daraadeed ayay qofkii dhintay sune u tahay oo kafanta lafteedu inay cadaato waajib maaha ee iyaduna wa iska sune. Walahu Aclam. Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Waxa xajka iyo cumaraduba leeyahay miiqaat Samaani ( wakhti) ah iyo mid Makaani(meel) ah. Markaa miiqaadka Samaaniga ah ee cumradu wakhti walba wuu noqon karaa. Ilaa dee qofkaa xaajiga ah ee camalkii xajka ku jira ayuunbaan cumraysan karayn. Miiqaadka Makaaniga ahna, dee qofku markanu ahayn Ahlul xaram ee meelaha kale uu ka imanayo, meesha uu soo marayo inuu kasii xidho weeyaan. Qaybteenan kacbada hawdkasoo xigna waxaynu ka xidhanaynaa meel YALAMLAM la yidhaahdo oo ka sokaysa xaramka oo dee marka ay diyaaradu sii dul marayso qofka loo sheegayo. Haddii taasi uu kaba baqdo oo uu is yidhaahdo dee dadkani dad la rumaysan karo amaaha diyaarada wada amaba uu is yidhaahdo cid kuu sheegtaba ma helaysid. Dee jabuuti iyo Barbara iyo marka uu kasii duulayo inuu sii ixraamto weeye. Laakin hadaba sidaas su’aasha ku jirta haddii uu qofku dhaafo miiqaad kii makaaniga ahaa, dhiigaasi waa lagu yeelanayaa oo fidya ayaa ku waajibaysaa inuu neef adhi ah qalo. Oo qofku waxyaabaja mukhaalafaadka ah ee uu samaynayo xajka dhexdiisa ayaa markaalaba iskugu jira. Inuu shay waajib ah ka tago iyo inuu shay rukni ah ka tago. Markaa arkaanta haddii uu mid ka tago dee cumardiisii Waxba kama jiraan bay noqonaysaa, tusaale ahaan ; Ixraamka, dawaafka,  Sacyiga iyo Xalqiga. Inuu marka hore sii xidho, inuu dawaafo kacbada, iyo inuu inta u dhaxaysa SAFA iyo MARWA sacyi sameeyo iyo inuu marka timihii gaabiyo amma xiirto. Afarta weeye arkaanta cumaradu, cumardiisiina ma ansaxayso afartaa hadii uu mid ka tago. Laakin miiqaadka oo la xidho, oo macnaha miiqaadkii oo la dhaafo iyagu waajibaadkii ayay kamid noqonayaan, sidaas darted fidyo ayaa lagu yeelanayaa qofkii. Waxa laakin fidyadaasi ay kaga dhici karaysaa isagoo miiqaadkii kusoo noqdo, amaba miiqaad kale uu tago. Walaahu Aclam Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Mar kale waxaan ku celin lahaa waxyaabaha maydhiga keena waxa kamid ah dhiigaa caadada iyo kaa dhalmada oo ruuxii dumarka aha ka go’a. Kolkaa marka uu ka go’o ee uu iska taago ee wakhtigiisu dhamaado, waxyaabaha aan u banaanayn waxa kamid ah ; inay tukataa uma banana, inuu ninkeedu u galmoodaana uma banana jeer oo ay maydhato. Maydhi ayay ku xidhanyhiin. Idan markaa dhiigii waa inuu go’aana kana maydhataana. Waxaynu ka fahmaynaa aayadan “ Dumarkii ha u dhawaanina marka ay caadada leeyihiin, Ilaa uu ka go’ayo, oo ay ka dahaaro qaadanayso.” Macnaha ay bixinaysaa waxa weeyan carabi ahaan, marka ay ka maydhaan. Markaa Ilaahay baaba cadeeyayba. Markaa si nadaafadii kaamil u noqoto oo u buuxsanto waa in uu go’aa dabadeed ruuxii dumar ahayd ka  maydhataa. Waliba sida uu rasuulku ku talinayay SCW e , meelihii dhiigu maray cadar udgoon iyo intay miski mariso inay maro mariso oo kusii xoqdo oo ku nadiifiso si markaa arinti u dhamaystiranto. Midhka markaa aynu kusoo ururinaynaa waxa weeye , waa daruuri, waajib baanay tahay inay maydhato wakhtigaasaanu u tagi karaa. Saxaabiyad ala odhan jiray Farima Bintu Xubaysh, markuu rasuulku la hadlayay SCW iyadoo uu kala talinayay dhiigaas dhabar furanka ah iyo ka caadada iyo habka ay cibaadada u gudan lahayd, waxa uu laha rasuulku “ Intaad maydhato marka uu xaydku kaa go’o dabadeedna tuko” Markaa sidaasay isku daba soconayaa, xadiiskaas oo Mutafaqu calayhi ah. Markaa waxkaamtan ninkan Su’aalihiis danbe ay u badan yihiin  ee u saabsan dadku siday u dahaaro qaadanayaan, ioyo labada qof ee sawjaynka ah  habka ay u wada noolaanayaan  waa mid muhiim ah inay ruuxii dumarka ahayd wax ka ogaato ninkiina wax uu ka ogaado si xaraam aanay ugu dhicin, anshax xumo iyo edeb darona aanay runtii u imanin. Islaamka habka wanaagsan ee uu u dhigayna dee loo raaco. Walaahu Aclam Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah: Qofka waxyaabaha inuu maydho waajib kaga dhiga waxa kamid ah iyadoo manidu ay kazoo baxdo, taa ay Soomaalidu u taqaano shahwada ee qofka binu aadamka ahi ka abuurmo. Amma hakaga soo baxdo isagoo soo jeeda amah aka soo baxdo isagoo hurda, qofkay kazoo baxaysaa qof dhadig ha ahaado amma qof lab ha ahaado, ileen dumarka laftoodii way leeyihiin manidaase. Marka ay kazoo baxayso waxa shardi ah inay iyadoo dareen u samaynayso “bil shahwa” ay kazoo baxdo, haddii ay sidaas uga soo baxdo waxa waajib ku ah inuu maydho. Oo waxyaabihii maydhiga keenayay ee waajibka ka dhigayay bay tahay. Waxaana u daliila xadiis saxeexa oo muslim ku sugan oo Nabigu CSW laha “ Biyaha lagu maydhanayo waxa sababaya biyaha qofka ka imanaya”. Saxaabiyada la yidhaahdo Ummu Sulaym baa Nabiga u timi CSW, su’aal bay waydiisay markaa dumarku laga yaabo badan koodu inay ka xishoodaan laakin gogol dhig bay u samaysay iyo afeef , markaasay lahayd “ Nabi Maxamedow waan ku su’aalayaaye Ilaahay kama xishoodo shayga xaqa ah ee waa cadeeyaaye, midhkan aan soo wadaana waa shay xaqa oo aan rabo inaad iga caafimaadiso. Ruuxii dumar ahayd marka ay habeenkii ku riyooto Jimaac iyo galmo miyaa lagu leeyahay maydhi, maydhasho ma ku waajibaysaa”. Nabigu waxa uu ugu jawaabay CSW isagoo dee xaqa cadaynaya , isagoo aan afka ka qarsan oo xagaa nooga baydh aan odhanin “ Haa oo maydhigi wuu ku waajibayaa kol haddii ay biyo aragtay”  Bukhaari iyo Muslim baa xadiiskaa wariyay. Markaas midka shardiga ahi waa imaatinka biyaha. Waxyaabahan soo socdaa marka ay qofkii ku dhacaan isaga maydhi kuma waajibayo, 1.  Marka ay biyihi kazoo baxaan isagoo wax dareen ah aan u samaynaynin, 2. Qofkii marka uu ku riyoodo inu galmo iyo wax samaynayay laakin biyo aanu arag sidaynu xadiiskaa hore ka fahanay, 3. Ninkiii oo kale marka uu wixii isku celiyo ee aan waxba ka imanin. Kolayba se ka xusidiisa mudani waxa weyaan marka ninkii iyo gabadhii dee isu tagaan ee kulmaan, wax ha sameeyeen hase yeeshee aanay waxba ka imanin waxa lagu leeyahay maydhi, sida xadiiska muslim ku sugani tilmaamayo “ Kol haday ninkii iyo afadii kulmaan biyoba yaya ka imanin, laakin inay maydhaan weeye. Islaamkuna nadaafaduu ku dadaalayaa. Qofku maraaxilka noocan oo kale ah qofka dheecaamo iyo dhididyo ayaa ka imanaya, is badal baa jidhkiisii ku dhacaya, sidaas darted dee inuu nadaafad qaato si aan dadkii waxba ugaga soo ururin waa runtii mid muhiim ah. Markaas jawaabtii hadaynu soo koobno, hadii biyo kaa yimaadeen waa lagugu leeyahay maydhigii, hadaan biyo kaa imana laguguma leh, Walaahi Aclam. Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah: Islaamku kolay dhinacyada kala duwan sida dadku u wada noolaanayan waa ka waramay wixii xalaal ah iyo wixii xaaraan ah. Waxa kale oo uu kasii waramay xuquuqda ay isku leeyihiin labada sawj iyo habka ay u wada noolaan lahaayeen iyo wixii iskaga banaan iyo wixii kale. Masalada lafteeda hadaynu usoo noqono inagoo isku duuduubayna shayga la yidhaah dhiiga caadada iyo dhalmada oo midna la yidhaahdo Xayd midna Nifaas isku xukun bay noqonayaan sidaas darted jawaabtooduna isku mid bay noqonaysaa. Wakhtiigii hore waxa jirayay oo ay caado u lahaayeen nimankii Yahuuda ahaa ee madiina daganaa, ruuxa dumarka ah markay caadadu ka timaado inaanay waxna la cunin gurigana kula kulmin oo ay ka fogaadaanba. Markaas asxaabtu Rasuulka waxbay ka waydiiyeen arintan. Dumarkan iyaga ah ee la karantiimaynayo ee laga durkayo. Intaan Nabiguba CSW ka jawaabin ayaa Ilaahay ka jawaabayaa “ Dhiigaa caadada ah ayay ku waydiinayaan, waxaad u sheegtaa inuu yahay dhib, dumarkana iska ilaaliya inta ay caadada leeyihiin oo ha u galmoonina” Markaasuu rasuulku fasiray CSW, waxaanu yidhi, wax kasta waa samayn kartaan oo aan galmo ka ahayn. Ruuxii dumarka ahayd waad dhunkan kartaa, la kaftami karaa, kusoo dhawaan karaa, laseexan karaa laakin galmada ayuunbaa la diiday. Amma dhiigaas caadada ha lahaato amma ka dhalmada. Ninka Mafruuq la yidhaahdaa waxa uu su’aal waydiinayaa Caaisha oo climigeedu uu aad u badnaa, ina Abubakar Sidiiq oo NABIGA xaaskiisii ahayd Ninka maxaa ugu banaan xaaskiisa, caaisha haddii aad tahay inuu xaaskiisa sideebuu ula dhaqmi karaa markay caado leedahay. Wuxuu ula dhaqmikaraa bay tidhi, macaamalo walba way dhex mari kartaa aan ahayn galmada. Markaa ruuxii dumarka ahayd ee dhiiga dhalmada lahaydna taas uunbay lamid noqonaysaa, midhka la diidayna waa galmada. Laakiin haday dhacdo qofkii inaanu is hanan karayn oo uu hore halkaa uga sii socdo, dee inuu kolayba iska daayo oo si aanu xaaraan ugu dhicin isagoo dadaalaya, midh meesha ku jira weeyaan Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Dhaxalka waxa ku xadgudbi jiray wakhtigii hore Islaamka ka hor Jaahiliyada ka hor oo wuxuunbay odhan jireen dhaxalka wuxuunba wax ku leh raga xooga leh ee dagaalami kara haddii xoolaha lasoo weeraro. Markaas dumarkan iyo caruurtan iyo maatidii haddii aanay dagaalka ka qayb galahayn oo waxba aanay tarahayn yay dheeftiina waxa ku yeelanin waana qiyaas faasid ah. Sidaas darted ayuu Qur’aanku ku eedeynayay “ Dhaxalka aadbaa u cuntaan aduunyadana aad baa u jeceshihiin “. Nabiguna CSW waxa uu ka warbixinayay In arinkii is badalay dhaqankii Jaahiliyada ee liitayna meesha uu ka baxay sidaas darted aanay suuroobayn banaanayna qofna inuu ku xad gudbo qof kale xaqiisii, Markaasuu waxa uulahaa “ Waar Qof walawba ogoow Ilaahay waa uu siiyay qof walba rag iyo dumar, xaqiisii ayuu u cayimay oo uu siiyay,sidaas darted xataa dardaarankii ayuu Nabigu CSW xidhay Ileen wakhtiigi hore dardaaran ayuunbaa  jiray  ee dhaxal ma jirin. Se markii dhaxalka ay Aayaduhu ka warameen ee Suuratul Nisaa ku sugan sida aayada 11 iyo 12, Qof waliba xaqiisaas uun ha qaato oo dardaarankiina waxba kuma yeelanayo qofkii oo waa ka xidhmayaa. Mar kale Nabigu CSW waxa uu ku lahaa “ Faraaidka qof walba inta uu Ilaahay u cayimay siiya wixii soo baaqi garoobana waxa qaadanaya Tolka ugu dhaw amma ka ugu xigtaysan, markaas dadku sidaasay u kala leeyihiin buu laha Nabigu CSW “ Inagoo hadaba Nusuustaasi tix galinaya waxa haboon inaynu noqonaa dad mar walba baadigooba shay xalaal ah, aduunyo nha raadiyo hase ahaatee shay xalaal ah ayuu raadinayaa goor walba. Caadadan inagu aynu isticmaalo amma Su’aashani habka ay u dhacayso wixi la odhan jiray Yabadhka  oo reerkii wlaiba baadiyaha ayay iska badantahay, siday xooluhu iskugu jiran aya waxa la samaynayaa ninbaa guursanaya caruurtii kamid ah, dabadeed in waa lagu yabdhayaa isaga oo qayb loo jraa bay noqonaysaa oo uu iska isticmaalo xoolihii dhaxalka ahaa ina wuu ka yarad bixinayaa oo dee cidii uu ka guursaday ayuu siinayaa, idan markaasaa la odhanayaa ninkaa hebel isagu wuu gaasa-baxay oo dee intiisii goosay weeye, kii labaad ayaa guursanaya, kii saddexaad ayaa isna guursanaya. Markaa waxa dhacaya in xoolihii uun raggi iskugu biyo shubtaan. Hooyadii iyo hablihiina halkan bay iyagu soo taaganyihiin oo yabadhna  lama siinin yaradna iyaga lagama bixin arinkoodii. Markaas midhka meesha ku jiraa waxa weeyi in horta wixii la qaybiyo oo sifadii sharciga ahayd loo qaybiyo. Markaas haday doonayaan hablaha iyo hooyooyinku iyagu haba siiyeen inamadii oo haku soo celiyeene, laakiin Islaamku wixii uu siiyay ee Qur’aanka dhexdiisa uu ugu qadaray horta in la siiyaa midhka meesha ku jira weeye. Haddii kale oo aanay taasi dhicin dee Jaahiliyadaa carbeed faldanbiyeedkaas ay samayn jireen ayuunbay noqonaysaa dulmina way noqonaysaa. Markaa in wixii la xalaaleeyo xoolihiina loo quudho dadka maatida ah ileen Ilaahay baa siiyaye. Oo Markii horeba Xoolahan Ilaahay ayaa bixiyay kii amaanada uu ugu dhiibayna waakan ka dilay, idinkii kusoo hadhayna inaad dulmi ku qaadataan maaha. Markaas waxa weeye sida adiladaas aynu soo aragnay ay ka waramayso waa inuu qofku xaqiisuun ku eekaado wixii kale ee uu qaadanayaana in wax uun la siiyay uu ku eekaado weeye. Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir Read More ...
Shaygan la yidhaah dhaartee ee qofka masuul ka ah la dhaarinayo amaba markhaatiga la dhaarinayo, mashruucba maba ah, masuulka dhaarba laguma lahaba. Masuulka Islaamku waxa uu shardi uga dhigay inuu yahay qof miyir qaba oo aynu uga jeedno inuu yahay qof diin iyo amaano iyo Iimaan leh oo xilkii lagu aamini karo oo Iimaankiisu celinayo. Kol hadii qofkaas Iimaankiisa iyo Cadaaladiisa lagu kalsoonyahay, masuuliyada waa loo dhiibayaa ee loo ma talo saaranayo kitaab uu baalaha gooyo oo uu ku dhaarto. Read More ...
Sideedaba waxa jira haddii qofka ficil uu ka yimado marna wuu u kasaa marna uma kasee oo Khada’ buu noqdaa. Mar waa lagu yeesha ficilka marka uu khada’a yahay marna laguma yeesho.  Xaaladaha noocaas oo kale ah wixi dhacaa mar waxa uu ku dhacaa sabab, marna waxa  uu ku dhacaa mubaashara . Qofkoo ficilkii sabab ula yimaada amma ficilkii gacanba saaraba. Read More ...
Hadii aqoonyii salaadu jiri lahayd mushkiladana kula soo gudboonaatay sidii loo xalinayo waad garan lahayd. Waxa uu suneeyay Rasuulk SCW marka qofka taas oo kale ku timaado, waxa haboon inuu sanka qabsado isagoo u muujinaya inuu sanbooray oo kale. Kadibna dibada u baxo hawshiisiina iska soo dhamaysto. Dadkii xaman lahaa ee odhan lahaa waa xejin waayay ee xaman lahaana way ka hakanayaan oo arinkisii waaa u asturanayahay. Islam markaana dee cibaadadiisi wuu usoo dahaaro qaadanayaa. Read More ...
Jawaab:  Marka hore candhuuftu waa daahir, oo nijaas maaha. Meelkastaba ha ku dhacdo waa daahir. Waatan aynu liqayno sharaabkaynu cabayno inoo ah oo aynu jidiinkeena ku qoynayno. Marka Mushkiladaad dareentay ma jirto. Waxase mushkilad ah aqoon darada aad salaada u leedahay ee aad kala garan wayday wixi nijaas ahaa ee jabaninayay iyo wixii aan nijaas ahayn, mar se ahadaad tukanayso waa Alxamdulilaah.  Read More ...
 

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03