Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

SOMALILAND: Muwaadin Aan Dalka U Dhalan! W/Q: Axmed Maxamed Jama (Axmed -Khaliif)

Muwaadinimadu waa sifooyinka ay aadamuhu ugu jecelyihiin inay ku sifaysnaadaan,waana sifo guud ahaan iskugu xidha shacab meel dega isla markaana ku midaydsa dalkooda.

Muwaadinku waa qofka iska leh dalka ,dalkana waxa lagu hanan karaa waa muwaadinimo,hadaba akhriste qorma yar oo aanan ku dheeraanayn bal aan kuu dulka xaadiyo diirkana kaaga qaado isla markaana ku dareensiiyo  dhulka aan dhalasho ahaan  kasoo jeedo sidee muwaadinkiisa lagu noqdaa se muwaadin ma leeyahay ,maxaase diidaya ama ka hor imanaya inaad muwaadin ka noqoto..?

Shacab kaste oo ay dan,dad iyo dareen gaaraa ka dhexeeyaanba wuxuu samaystaa waxay isku af gartaan oo ay u dib ugula  noqdaan hadii wax khalada,khalkhala,ama khilaafa ku yimaado isla markaana ay dareemaan in dantii iyo dareenkii u dhaxeeyayba uu  dildilaac iyo daldaloolo waawayni  kusoo duganayaan ama lasoo darseen,kadibna ay kasoo helaan sida ay samaanta ,saxda iyo silmiga u arkaan .

hadaba kani waa distoorka lagu maamulo jamhuuriyada somaliland kaas oo shacabka lagu maamulo saddex meelood ka mid ahi ayna waligood arkin isla markaana aanay aqoon wax ku qoran balse dhagahooda ay ka badatay distoorka ayaa sidaa dhigaaya,distoorka ayaa sidaa qaba , waa sharci distoorku baneeyay ama diidayba iyo kalmada kaloo aad u tira badan.

hada ku darsoo waliba distoorkaas 92% shacabka ka midaa ayaa la leeyahay way u codaysay balse il iyo baal midna ma saarin waligood mana garanayaan waxa ku qoran.

way wanaagsan tahay in distoor la yeeshaa inkastoo sheekhayga diinta iyo shareecada ii qaabilsan una dabafadhiisto igu yidhi waaba xaaraan ,isaga oo daliishanaya hadalka ilaahay ee aan dhinac looga dheeliyaa jirin kaas oo ku dheegan kitaabka dhamayskaa ee ilaahay ku dhaabadeeyay uguna tala galay in dunida lagu dhaqo intay ka dhamanayso.

isaga oo sheekhu ii sheegay aayado ay ka mid ahaayeen aayad macnaheedu marka afsomali lagu dhigo u dhigmaysa (kuwa ILLAHAY iyo RUSUULKIISA RUMEEYAW ilaahay iyo rasuulkiisa adeeca iyo waliba cida amarka idiin haysa isla markaana hadii aad wax isku qabataan ula noqda xaga ilaahay iyo rasuulkiisa).

 mar kale oo aan sheekha waydiiyay hadii arinta laysku qabtay kitaabka iyo sunaha laga waayo maxaa xala , wuxuu iigu jawaabay inaanay macquul ahayn wax aduunka ka dhacaya in laga waayo kitaabka quraanka kariimkaa maadaama ilaahay yidhi (WAXBA KAGAMAANU TAGIN KITAABKA ) mar kale aniga oo si hoose u odhanayana ayaan sheekha ku idhi sheekh hadaa waa maxay distoorka laysku maamulaana? waxuu iigu jawaabay aaayad ahayd (XUKUNKA ILAAHAYBAA ISKA LEH ) isaga oo ii sii raacinaya aayad kale oo ilaahay leeyahay  (CIDII WAX KU XUKUNTA WAXAAN AHAYN  wixii ILAAHAY SOO DEJIYAY WAA DAALIMIIN) akhriste malaa wacdi ayaad u aragtay aayadaha faraha badan ,waxaanad iiga yara shakisayba waxan ay imaka somalidu tidhahdo waa shabaab ama waxaabad ii malaysay wadaad xagjiraa aan ku dejiyo kuuna dhaadhiciyo u jeedada kuna dhansiiyo waxaan lasoo dhabaynayay mudada aan dheerayn.

 mana dhaafi karo sheekhayga  waanse ka yara dhuumanayaa inkastoo aanan awoodin ilaahayna gaar u leeyahay xalaalaynta iyo xaaraamayntaba balse waan yara xaska saarayaa halka ay xanaftu kaga jirto distoorka isla markaana waxaan xaydaanka ka qaadayaa  xaqiiqada uu ku fadhiyo qayb ka midaaa.

ma dhamayn karayo qoraalada iyo ajendayaasha faraha badan ee ku duugan distoorka wax lagu maamulo balse hal qodob ayaan kasoo qaadanaynaa kaas oo ka hadlaya sida muwaadin somalilander ah loo aqoonsan karo isla markaana lagu qaadanayo shahaadada muwaadinimada ah.

(QOF KASTE OO U DHASHAY KANA ISIRAN DADKII DEGGANAA DALKA SOMALILAND 26kii JUNE,1960kii IYO KA HOR ,WAXA LOO AQOONSANAYAA MUWAADIN SOMALILAND)

waa qodob ka midaa qodobada distoorka dalka lagu xukumo kaas oo tilmaamaya muwaadinimada sida lagu noqonayo,waana qodob runtii aan odhan karo laguma salayn qofka shakhsinimadiisa kaliyaata balse waxa lagu saleeyay ereyga ah ISIR wax la yidhaahdo, halagu saleeyaba oo waa jiraan shacbiyo kale oo isirka ku saleeya balse ISIR ka somaliland waa intee ? se isirada distoorada kale ku qoran waa intee?

aan ku horeeyo isirada lagu saleeyo distoorada kale ee inala midkaa waxay ku siiyaan qofka si uu muwaadin u noqdo isla markaana isirka u yaqaanaan qofka,aabihii iyo hooyadii bas hadii ay kasii badiyaana waxay raaciyaan AWOOWgii bas intaas ma dhaafiyaan balse hadaan xita anigu kuugu sii daro AWOOWga labaadna ayay ku dhamaanaysaa waxa isirka loo yaqaano ee muwaadinimada lagu noqdaa.

balse ISIRKA somaliland maaha mid dhamanaya waa aabo ilaa aabo hooyo ilaa hooyo aan tiradooda la aqoon ,maxaan uga jeedaa una soo qaadanayaa weedha  qodobka ku jirta ee ISIRKA .

maadaama isirka somaliland aanu ahayn mid dhamaanaya sidaan wada ogsoonahayna aabo+aabo+aabo+aabo+aabo+......=QABIIL.

 

 waxay ina tusaysaa in QABIIL meesha ku jiro oo abtirsiin lagu noqonayo MUWAADIN.

haba ku jiro ee hadana shardi labaad baa jira kaas oo ah in 26 JUN 1960 kii qabiilkaasi degganaa somaliland .

aan kuu kala saaro labada shardi ee ku xidhan muwaadinimada distoorku sheegayo 1:muwaadin somaliland kama noqon kartid hadii aanad isir ahaan kasoo jeedin dadka dhulkaas degga 2:waliba muwaadin ma noqon kartid hadii aanu qabiilkaagu degganayn somaliland taariikhdu mar ahayd 26 june,1960kii.

garanay shuruudaha lagu qaadanayo muwaadinimada iyo shuruudaha lagu waayayaba ,akhriste ii ogolaw inaan inyar dul istaago muwaadinkaas aan so sheegnay.

Xaqa qofka muwaadinkaa waa muhiim aan laga maarmayn balse waxaa somalilan distoorkeedu u kala eexanayaa laba qof oo kala ah :

 1:QOF AAN DHULKA KU DHALAN KUNA DHAQMIN OO HADANA MUWAADINA 

2:QOF DHULKA U DHASHAY KUNA DHASHAY OO AAN MUWAADIN ahayn 

waan ogahay akhriste inaad yara booday oo aad is leedahay maa waxay labadan qof balse anaa kuu kala sheegi ee shib ka dheh shaarubahana ku aqri sadaradan aan shedaayo .

waan dhaafayaa qofka isagu waafaqsan ama si toosa u dhamaystay shuruudaha loo dhigay inuu muwaadin ku noqdo maadaama distoor aanu garanayn iskaga hibeeyay muwaadinimada balse waxaanan dhaafi karin dhudhumadana u yara aasanayaa labadan qof ee danbe oo aan u arko laba isku dull dulman oo distoorku u kala eexday isaga oo eegay QABIIL ama ISIR iyo waliba taariikhda ah 26 JUNE 1960kii,iyo wixii ka horeeyayba.

qofka koobaad ee xaqa distoorku u siiyay inuu muwaadin yahay waa qof aan waligiiba somaliland arag kuna dhalan kuna dhaqmin isla markaana dhalasho kale sita dhul kalana ku dhashay oo hadii uu doono xitaa hooyadii iyo aabihii la mid yihiin oo iyaguna aanay somaliland kuna dhalan kuna dhaqmin dhalasha kalena sitaan qofkani MUWAADIN wuxuu ku noqday waa QABIILKA uu kasoo jeedo kuwaas oo somaliland deggi jiray 26 june,1960kii iyo wixii ka horeeyay.

qofka labaad waa qof aan distoorku xaq u siin inuu muwaadin noqdo isla markaana ku guuldaraystay inuu qaato shahaadada muwaadinimada balse qofkani waa qof dalka u dhashay(sidaan aaminsanahay) si dhab ahna ugu dhashay dalka gudihiisa kuna dhaqmay oo ku guursaday caruura ku dhalay aabihii,hooyadii iyo haday doonto afar awoow uu leeyahayba ay ku dhasheen dalka hadaba waa maxay sababta uu ku waayay qofkan muwaadinimada kuna noqday qofaan distoorku xaqsiin?su,aashan jawaabteeda ayaa marka laysku soo xooriyo kusoo xero hoyanaysa inaan qofkan qabiilkiisu somaliland kasoo jeedin isla markaana aan qabiilkiisu deggi jirin somaliland tariikhdu markay ahayd 1960kii iyo wixii kasii horeeyayba .

hadaba akhriste muwaadinku waa qof ee maaha qabiil ,sida somaliland ka jirtaana maaha qof ee waxa weeye DHAMAAN REER HEBEL WAA WADA MUWAADIN ,hada waa siday u dhan yihiin xitaa hadaanu isagu doonayn waa ku khasab oo muwaadin baad tahay ayaa la leeyahay,dib u eegoo qofkii labaadna waa laga xarimay xitaa haduu codsado jawaabta loo hayaa waxa weeye DISTOORKA AYAA KU DIIDAY ,waxaan garan waayay xaqa siinaya muwaadinimo dad tiradoodu gaadhayso 10 kun oo qof oo aan muwaadinba doonayn balse QABIILkoodu u gooyay inay muwaadin yihiin ,xaqaas oo u diiday hal qof oo laga yaabo inuu ka muwaadinsanyahayba 10kaas kun hadii la siin lahaa derajada MUWAADINIMADA.

dhib ma laha hadii dhamaan qabiilkii 1960kii somaliland deggi jiray  la siiyo muwaadin balse cadaalad daradu waxay ka timi in dad aabahood iyo hooyadood iyo iyaguba somaliland ku dhashay kuna koray kuna dhaqday kuna dhalay kuna dhistay, dhul kale iyo dhalasho kale midna aan waligii arag ama tagin in la yidhaahdo MUWAADIN ma tihid maxaa yeelay 1960kii maydaan deggi jirin SOMALILAND  ama umaad dhalanba oo kama mid tihid dadka loogu tala galay muwaadinimada akhriste waa su,aal meeesha taalee distoorku muxuu ka yeelayaa qofkii 1961kii kasoo bilaabmeen qabiilkooduba ,kuwaas xaq uma laha muwaadinimada waayo sanad ayay kasoo dib dhaceen wakhtigii loogu tala galay miyaa jawaabtu ,bal adba .

ilaahay ha u gargaare kolay cadaalada waa laga fogeeyay isla markaana shakhsigiisa lama eegin ,aabihiina lama eegin hooyadiina lama eegin xitaa awoowgii laga yaabaa inaan la waydiinba balse su,aasha koobaad ee la waydiinaya waxay tahay QOLOMA ayaad tahay ?

kadib jawaabta uu bixiyo ayaa lagu qiyaas qaadanayaa taas ayaanu ku noqonayaa ama  kuwii loo xalaaliyay ama kuwii  laga xarimay.

maqaalka aan soo afmeero ujeedadana soo mijaxaabiyo meelna iskugu keeeno mucda iyo mahadhada maqaalkan aan ugu tala galay .

1:wax kaste oo binu aadam sameeyaa waa nuqsaan marnabana ma gaadhi karo dhamaystir markaa la yaabi maayo oo waa wax dad intay isku tageen ay qoreen iyagoo eegaya xaalada wakhtigaas taagan oo kaliyaata waana sababta keentay in mar walba bedel iyo kaabis lala daba joogo.

2:dad badan oo maqaalka akhriya ayaa u qaadan doona inaan dawlad mucaaradayo ama aniga lay diiday muwaadinimo ama qabiil aan u doodayo 

intaas midna ma ihi ,dhulka aan sheegayana waan ku dhashay distoorkan aan la aqoona kolay kuwa uu u eexday ayaan ku jiraa balse eexashadaa maan xalaalaysan ee kuwa laga eexday ayaan xaydaabka kula jiraa,waxaan maqlaa dad badan oo qurbaha jooga oo ku dhawaaqa anigu asal ahaan waxaan kasoo jeedaa somaliland dhalasho NORWAY,ENGLAND iyo wax la midaana waan sitaa ,oo aniguna maxaan odhan karaa tolow?

somaliland ayaan kasoo jeeda balse dhalasho somalia ah ayaan sitaa ileen dhalashadu imaka PASSPORka ayay noqotaybee  .

3:sida muwaadinimada lagu qaadanayo ee qabiilka ku salaysan waxaan u arkaa xaqii qofka oo meel lagaga dhacay iyo shakhsinimadiisa oo aan la qadarin balse qoladiisa iyo isirkiisa laga saraysiiyay isagu wuxuu yahaba ,waana mid aad uga fog xuquuqda binu aadamka isla markaana waaqica ka dheer waayo aduunka aan ku noolahay qof walba kaligii ayaa lala dhaqmaa ee qabiil ama kooxo gaara lalama weheliyo muwaadinimadiisa.

waxaanan jeclahay in badan in qofka shakhsigiisa la qiimeeyo hadii xitaa ISIR laga maarmi waayo in aabihii iyo hooyadii aanay dhaafin.

4:somaliland nimada yaan laga dhigin wax cid u gaara ee halaga dhigo wax dad ka dhaxaysa sidaana distoorka halagu qeexo.

5:runta inaan sheego waan jeclahay waanan khaldami karaa ,waana lay sixi karaa waayo adoon ilahay ban ahay.

WA BILAAHI TAWFIIQ 

W/Q: Axmed Maxamed Jaamac (Axmed -Khaliif)

  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 Cairo/Egypt

 

 

 

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus