Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Siyaasiyiinta Puntland Oo Furashadda Axsaabta Uga Maagaya Muddo Kordhinta Faroole Damacsan Yahay Iyo Guddida Doorashadda Oo Muddada Diwaangalinta Kordhiyey.

Garoowe (Ramaas) Dec 8,2012 – Guddida diwaangalinta Axsaabta siyaasadda Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland oo maalmihii u dambeeyay Waday diwaangalinta xisbiyo siyaasadeed oo Puntland laga hirgalinayo, ayaa muddo saddex todobaad ah ku kordhiyey mudada ay xidhmaysay diwaangalinta axsaabta oo ku ekayd tobanka bishan, waxayna sheegeen inay socon doonto ilaa 31-ka December 2012-ka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha guddida doorashooyinka ee diwaangalisayna axsaabta Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa lagu sheegay in sababta ay mudada diwaangalinta u kordhiyeen ay tahay codsi uga yimid guddidooda dadwaynaha doonaya inay axsaab samaystaan.

War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:

 Ujeedo: Kordhinta Mudada Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Guddiga doorashooyinka ee kmg markuu shirar wadatshi ah la yeeshay waxgaradka bulshada Puntland ee gobollada dalka.

Markuu Dhagsaystay :codsiyo ka imaanaya bulshada qaybaheeda kala duwan,

Markuu u kuurgalay :dareenka dadweynaha ee ku aadan rabitaanka iyo furashada Ururada siyaasadda ee Puntland.

Markuu Arkay: u heelanaanta iyo abaabulka ballaaran ee bulshadu wado si ay u furato ururro siyaasadeed,

Markuu Tixgeliyey: mudada kooban ee u harsan diiwaangelinta ururada siyaaasadda ee Puntland oo ku eg 10-ka December ,2012.

Markuu Arkay :wakhtiga uu u baahanyahay hanaan iyo habraaca laga doonayo ururada siyaasadda ee Puntland inay soo buuxiyaan si loo diiwaangeliyo,

Guddiga doorashooyinka ee kmg ah fadhi rasmi ah oo uu yeeshay khamiista oo taariikhda ay ahayd 6 December 2012,wuxuu go’amaiyey in la kordhiyo mudada diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Puntland laguna daro saddex toddobaad oo ku eg 31 December,2012,guddigu wuxuu cadaynayaa kordhintan wax saamayn ah kuma yeelan doonto hanaankii iyo Roadmap-kii horay loo soo bandhigay.

Ururada is diiwaangeliyey waxaa laga doonayaa inay shuruudaha wajiga labaad ay ku soo dhamaystiraan ka hor 10 February 2013,sida ku cad hanaanka diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Roadmap-kaba.

Guddigu wuxuu ka cadsanayaa dadweynaha ururada siyaasadda ee Puntland inay mudadaas kor ku xusan ku soo dhamaystiraan dhmmaan shuruudaha laga doonayo si loo diiwaan geliyo.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus