Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Shirka Xeerka Isgaadhsiinta Somaliya Oo Muqdisho Ka Socda Iyo Guddoomiyaha Ururka Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland Oo Ka Qayb-galay

Muqdisho (Ramaas) Febr 10,2013 – Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagaga doodayo xeerka isgaadhsiinta Somaliya oo ay wasaarada isgaadhsiintu diyaarisay.

Shirkan oo shalay furmay isla-markaana soconaya maalmaha soo socda, ayaa waxa hadal ka jeediyay raysal-wasaaraha Somaliya, waxaanu ku canaantay shirkadah isgaadhsiinta dhibaatada ay dadka ku hayaan iyo sida ay shacabka ugu khasbeen inay dhowr telefoon qaataan.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen shirkadaha isgaadhsiinta Telefoonada iyo Internetka ee Somaliya ka shaqeeya ayaa khudbada uu Mr Saacid ka jeediyay uu ku yidhi  “Waxa khaldamay in la kala garto waxa dadku gaarka u leeyihiin iyo waxa dadka ka dhaxeeya, waxa la jabiyay xeerarkii u yaallay caalamka iyadoo la isticmaalay Mowjado ay waddamo kale leeyihiin, waxaa lagu xad-gudbay xuquudii muwaadinka iyadoo lagu khasbay inuu qaato saddex telefoon, si uu shirkad kasta u isticmaalo telefoonkeeda”

Shirkan isgaadhsiinta Somaliya uu u furay raysal-wasaaraha Dawladda Somaliya ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha ururka shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland Eng Yuusuf Maxamuud Cumar, kaasi oo si toos ah uga qayb-qaadanayey shirkaasi oo lagaga doodayey qodobada xeerkaasi ku jira.

Shirkan oo u gaar ah shirkadaha isgaadhsiinta ee Somaliya ka shaqeeya iyo Wasaarada isgaadhsiinta, Boosaha iyo gaadiidka dawladda Somaliya oo xeerkaasi soo diyaarisay ayaan la ogeyn in Guddoomiyaha ururka shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland uu si shakhsi ah u tagay iyo inuu shirkadah isgaadhsiinta Somaliland ku malatalayey shirkaasi.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus