Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

“Waxaanu Cambaareynaynaa Rasaasta Nool Ee Loo Addeegsaday Dadkii Cabashadooda Mudaharaadka Ku Muujinayey" Jaaliyadaha Yurub

London (Ramaas) Dec 9,2012 – Dalladda SSE oo ay ku midaysan yihiin Jaaliyadaha iyo ururadda Somaliland ee ku dhaqan dalalka Yurub ayaa qoraal ay soo saareen, waxay ku cambaareeyeen rasaastii ciidamadda amaanku u addeegsadeen dadkii cabashada samaynayey ee Hargeysa.

Guddida fulinta ee Dalladda SSE, ayaa war-saxaafadeedkooda waxay shacabka ku hambalyeeyeen doorashadda deegaanka, iyagga oo sidoo kalena xukuumadda ugu baaqay inay ka waantowdo inay shacabka u addeegsato rasaas nool.

War-saxaafadeedka SSE ayaa u dhignaa sidan  “Dallada SSE oo ay ku bahoobeen Jahliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub waxay ugu horayn hambalyaynayaynaysaa shacbiwaynaha Somaliland sidii qiimaha lahayd ee ay ugu soo baxeen doorashooyinkii golaha degaanka ee dalka ka qabsoomay 28.Nov.2012 ka, iyaga oo saacado badan qoraxda u taagnaa sidii ay xisbiga iyo shakhsiga ay rabaan codkooda ugu dooran lahaayeen.

SSE Waxa ay cambaaraynaysaa Falkii arxan darada ahaa ee 06 iyo 07. Dec.2012 ka dadka shacbiga ah iyaga oo mudaharaad ku muujinaya cabashadooda xabada nool loo adeegsaday.
Waxaan xukumada kula taalinaynaa in ay ka waantowdo adeegsiga rasaasta, maadaama oo aanay dhacdadani ahayn tii ugu horaysay ee dad shacbi ah oo mudaharaadaya xabad lala dhaco. (Waa in laga hawl galo sidii booliiska loogu helilahaa qalabka rabshadaha lagaga hortago si).

Sidoo kale waxaanu u soo jeedinaynaa cid kasta cabasho qabtaa in ay u marto nidaamka sharci ee aynu dhiganay. Waxaanu ka codsanaynaa in gudi loo saaro sababta keentay dhimashada iyo dhawaaca intaas leeg iyo sidiin aanay musaqbalka tan oo kale u dhici lahayn.
Waxaanu guud ahaanba shacbiga Somaliland gaar ahaan qaraabadoodii ka tacsiyaynayaa, dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay dhacdadaas naxdinta leh.

SSE Waxa ay guud ahaanba shacbiga Soomaaliland gaar ahaan Gudiga doorashooyinka, xukuumada iyo Ururada cabanayaba ugu baaqaysaa in si wada jir ah nabadgalyada loo ilaaliyo.

Wixii cabasho ahna la isa soo hor fadhiisto oo la iska qanciyo. (Waa in caqligu shaqeeyaa ee aanay cududu shaqayn) Tubtaas oo ah ta ay Somaliland halkan ku soo gaadhay, isla markaasina xudunta u ah wadajirta iyo dhawrida qaranimada aynu maanta hadhsanayno.


Alle ayaa mahad leh

Guddigaa fulinta SSE 

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus