Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Masuuliyadda Jaaliyadda Beesha Jareer-weyne Ee Somaliland Oo Ay Dhabarka U Ridatay Beesha Bariga Hargeysa

Hargeysa (Ramaas) Okt.02, 2012 - Magaaladda Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxa maanta ka dhacday Munaasibad aan nooceeda oo kale hore dalka uga dhicin, taasi oo masuuliyadda beel reer Koonfureed ah loogu wareejiyay beel ka mid ah beelaha reer Somaliland.

Munaasibadan oo ka dhacday huteelka Maroodi-jeex ee bariga Hargeysa ayaa lagu shaaceiyay in masuuliyadda jaaliyadda beesha Jareer-weyne ee Somaliland deggan lagu wareejiyay beesha Habar-yoonis isla-markaana wixii masuuliyad ah lagala xisaabtami doono.

Munaasibada masuuliyada beesha jareer-weyne lagu wareejiyay Habar-yoonis ayaa waxa lagu soo dhaweeyaynayey boqorka beesha Jareer-weyne oo Hargeysa yimid, ayaa waxa ka qayb-galay suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, kaasi oo ka guddoomay masuuliyada beeshaasi Hargeysa ku dhaqan.

Sheekh Maxaemd oo ka mid ah culimada beesha Jareerweynaha ee daggan magaalada Hargeysa ayaa yidhi “Magaca Jareerweyne maaha macnaheedu markaad maqashaan in uu yahay qof sanweyn oo timo adag, waxaanu u mahad celinanaa Dawladda Somaliland oo aanu ka helay nabad galiyo iyo nolol wanaagsan iyaguna waxay naga heleen farsamo wanaagsan iyo daacadnimo”

Waxa isaguna madashaasi ka hadlay Caaqilka beesha Jareerweyne ee Somaliland Caaqil Arwaax waxaanu sheegay inay aad iyo aad uga mahad sheeganayaan Somaliland Dawlad iyo shacaba.

Boqorka beesha Jareerweyne Boqor Faarax Cabdi Guure oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sharaf u tahay inay dadka uu Boqorka u yahay iyo Suldaanka Beesha bariga Hargeysa ku soo dhaweeyaan munaasibad “Suldaan sidii laguu sheegay dadkani waa dad nabadeed mana aha dad dagaalka ku deg-dega waxaanan rabbaa Suldaan Xiiray inaan kugu wareejiyo masuuliyadda beesha Jareerweyne ee Somaliland" ayuu yidhi Boqor Faarax Cabdi Guure, waxaanu intaa ku daray “Suldaanka waxaan ku wareejinayaa Kitaabka Qur’aanka kariimka ah oo aan doonayo in lagu xukumo beesha Jareerweyne wixii ay dambi ka galaan Somaliland iyagana loogu xukumo wixii danbiyo laga galo, waxa kale oo aan Suldaanka u wareejinayaa xeerkii dhaqanka beesha Baantuuga (Jareerweynaha) ee Somaliland".

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Boqor waxaan kaa Guddoomay Kitaabkii iyo xeerkii beeshaba waxaanan kaa balan qaadayaa inaan Sudaan u ahay Jaaliyadda beesha Jareeweyne" ayuu yidhi Suldaan Xiiray.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa.

 

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus