Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Hargeysa: Abwaan Axda Oo Caasimadda Ku Qabtay Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Qiimaha Waddaniyadda Oo Kulmisay Suugaanyahano Badan

 

Hargeysa (Ramaas) Dec 8,2012 – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta lagu qabtay Munaasibad lagu soo bandhigay qiimaha Waddaniyadu leedahay.

Munaasibadan oo ahayd mid shacabka reer Somaliland lagu wacyi-galinayey qiimaha Waddaniyadda iyo sida ay muhiimka u tahay in Muwaadiniintu fahmaan sida loogu baahan yahay in Waddaniyadu tahay waxa kaliya ee qiimaha dalka lagu dareemi karo.

Wacyi-galinta Waddaniyadda oo uu soo qaban-qaabiyey Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamuud(Abwaan Axda), ayaa waxa ka qayb-galay dadwayne tiro badan oo ay ku jiraan suugaanyahano, aqoonyahan, Madax-dhaqameed iyo Masuuliyiin ka mid ah dawladda Somaliland.

Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamuud (Abwaan Axda), oo Munaasibadaasi hadal ka soo jeediyay ayaa ka faallooday sabaha ku dhaliyey inuu barnaamijkan lagaga hadlayo waddaniyada u soo qaban qaabiyey isaga oo xusay in loo baahan yahay in  shacabka Somaliland ay aad u fahmaan qiimaha ay leedahay waddaniyadu.

Abwaan Axda, waxa uu iftiimiyey in qiimaha Waddaniyadda qofku fahmi karo marka uu dalka dibadiisa ku sugan yahay ee uu qaxootinimo ama shaqo u joogo dal aan kiisa hooyo ahayn.

Munaasibadan oo intii ay socotay lagu soo bandhigay riwaayad kooban oo ka hadlaysay qiimaha dalka iyo Waddaniyadda, ayaa waxa isaguna hadal qiimo badan ka soo jeediyay Abwaan Axmed Aw Geeddi (Dheeraad), waxaanu shacabka ku waaniyey inay xil iska saaraan sidii dalkooda hooyo ee Somaliland horumar uga gaadhi lahaa dhinacyadda uu ka midka yahay dhaqanka iyo suugaanta oo ka mid ah waxyaabaha muwaadiniintu ku fahmi karaan Waddaniyadda dalka.

Munaasibadan waxa iyaguna weedho muhiim ah oo ku taxaluqa Waddaniyadda ka jeediyay Madax-dhaqameed, Abwaano iyo Masuuliyiin kam id ah xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo ka sheekeeyay dhibaatada Waddaniyad la’aantu leedahay iyo sida ay shakhsi kasta ay masuuliyaddi uga saaran tahay inay dhowraan nabadgalyadda dalkooda hooyo, maadaama oo Somaliland leedahay caddow faro badan oo aan jeclayn horumarkeeda.

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee Magaaladda Hargeysa ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee dalka ka dhacda.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus