Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Guddidii Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Siyaasadda Miisaaniyadda 2013 Oo Shaqadoodii Bilaabay

Hargeysa (Ramaas), Dec, 10, 2012- Guddidii uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyoka dhex magacaabay Golihiisa Wasiiradda ee Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka 20130-ka loo saaray ayaa maalmihii ugu danbeeyay kulamo joogto ah oo ay ku Jaan-goynayaan Qorshaha Miisaaniyadda u fadhiya Hotelka Maan-soor ee Hargeysa.

Guddidan oo ka kooban sideed Wasiir, Guddoomiyana uu u yahay Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirka Ganacsiga, Duulista Hawada, Qorshaynta, Hawlaha Guud iyo Xanaanada Xoolaha ayaa maalintii sadexaad galay, waxaanay kaga doodayaan sidii ay sanadka 2013-ka u soo saari lahaayeen qorshe Miisaaniyadeed oo lagu saleeyo dhinaca Horumarka iyadoo aanay Miisaaniyadihii hore ka muuqan jirin.

Inkasta oo aan kulankaasi saxaafadda loo ogolay hadana ilo wareedyo Waaheen ka heshay Xog dheeraad ah ayaa u sheegay inay Wasiiraddu ka duulayaan sadex Arrimood oo kala ah in Siyaasad cad oo lagu dhaqmo loo sameeyo, in Dakhli soo saarka la xoojiyo iyo in Kharashaadka lagu saleeyo bixintiisa waxyaabaha Daruuriga ah oo ay kow ka tahay in laga fuliyo Dalka Mashaariic Horumarineed, si dadweynaha loogu celiyo wax qabad.

Wallow aanay ilaa hada Xukuumadda Somaliland horgeynin Golaha Wakiiladda Odoroskii Miisaaniyadda sanadkan oo ay ahayd wakhti hore in la geeyo, hadana Wasaaradda Maaliyadda Somaliland waxa bishii u danbeeyayba u socday qorshayaashii lagu sar-goyn lahaa Dakhliga iyo Kharashka.

Labadii sano ee ay Xukuumadda uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo talada haysay waxa la kordhiyay Dakhliga Dalka, oo ay xukuumaddu ku faanto inay soo baxeen, balse ilaa hada ma jirto Xisaab Xidh la geeyay Golaha Wakiiladda Somaliland oo isagu awood u leh Hubinta isticmaalka iyo Helitaanka Odoroska Miisaaniyad sanadeed kasta.

Iyada oo ay sidaas tahay, ayaa hadana waxa lagu wadaa sanadkan in ay korodh kale Xukuumadda Somaliland ku samayn doonto tiradii kal hore ay Mala awaaleen, waxaanay u muuqataa sida ay wasaaradda Maaliyaddu sanadkan gudihiisa ku dooday dhawr jeer in uu soo baxay Dakhligii la filayay.

Balse ilaa hada ma jirto tafaasiil dheeraad ah oo laga bixiyay Dakhliga soo baxay halka uu ka yimi iyo Korodhsiimada la filayo sanadkan laftigiisu halka ay ka soo bixi doonto.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus