Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Go’aanka Dib U Tirinta Codadka Hargeysa Oo Shacabka Caasimadda Mashquuliyey, Rajada Musharixiintii Hadhay Iyo Wer-werka Xildhibaanada Codadkooda Lagu Noqonayo

Hargeysa (Ramaas), Dec, 08, 2012- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in dib loogu noqonayo natiijadii hordhaca ahayd ee ay soo saareen habeenimadii uu Jimcuhu soo galayey, taasi oo si weyn u saamaysay shacabka Somaliland iyo badi  musharixiintii ka qayb galay doorashada oo tiradoodu dhamayd 175 musharaxa, waxaana 25 xildhibaan ee soo baxay ku dedaalayaan inaanay saamayn ku noqoshado oo aanaay noqon kuwa dhaca, halka kuwii aan ku soo bixina ay u heelan yihiin sidii ay ugu soo bixi lahaayeen tirinta codadka.

Sababaha Ugu Waaweyn Ee Go’aankan Keenay

Go’aankan Komishanku soo saaray ayaa la tilmaami karaa in sababaha ugu waaweyn ee keenay ay  yihiin guux laga muujiyey natiijada oo sababay in dhiig ku daato, isla markaana dadka qaarkoodna cadhada ay ka qaadeen ceshan kari waayeen, taasi oo noqotay hadal haynta ugu weyn ee shacabka Somalilan isla dhex maraan.

Rabshadihii dhex maray taageerayaasha urur siyaasadeedka Xaqsoor oo ka gadoodsanaa natiijada iyo Bileyska ayaa iyaduna noqonaysa sababaha ugu weyn ee keenay in Komishanka Doorashooyinka cadaadis lagu saaro inay go’aan ka soo saaraan, waxaana go’aankoodu noqdeen inay sheegaan lagu noqonayo tirinta codadkii Hargeysa laga dhiibtay.

Dareenka Shacabka

Shacabka reer Hargeysa  ayaa iyaguna dareenka ay ka bixiyeen go’aankan komishanka doorashooyinku ku gaadhay in dib loo tiriyo codadkii natiijada hordhaca ah laga soo saaray noqday mid ay wadnaha farta ugu hayaan in haddii natiijadani noqoto mid xildhibaano cusub lagu soo saaro oo kuwii hore qaarkood hadhaan ay si weyn u wax yeelayn doonto nabadgelyada dalka, halka dadka qaar ka aaminsan yihiin inaanay wax is bedel ah dhici Karin oo lagu qanciyo qolooyinka natiijada u soo baxday aamini waayey

Xaaladaha Ay Ku Sugan Yihiin Musharixiintii Natiijadii Hore Ka Kuwa Guulaystay

Natiijadii lagu dhawaaqay habeenimadii Jimcuhu soo galayey fiidkeedii ayaa markii ay musharixiin badan maqleen inay guulaysteen waxa ay u diyaar garoobeen sidii ay fantasiye u dhigan lahaayeen, isla markaana ugu diyaar garoobeen habka ay xilkan loo doortay ula wareegi lahaayeen, iyaga oo aan badidoodu haleelin inay u mahadnaqaan shacabkii soo doortay.

Maanta 25 musharax ee Hargeysa ka soo baxay xaalkoodu sidaasi hore wuu ka gedisnaa ka dib markii ay maqleen in go’aanka Komishanka, iyaga oo hada mid kastaa u xusul duuban yahay inaanu noqon ka ku fashilma natiijadii  hore ee ta dambe laga saaro, waxaanay dedaal ugu jiraan sidii guushooda u xasilsan lahaayeen, iyada oo xildhibaanada qaar ku hanjabayaan inay ka sii dari doonto xaaladu haddii wax ka bedel lagu sameeyo.

 Musharixiintii Ku Hadhay Ku Dhawaaqistii Natiijadii Hore Iyo Diyaar Garawgooda

 Sida sharcigu ahaa waxa la doonayey in ay soo baxaan 25 musharax oo ka mid ah 175 musharax ee tartamayey, waxaana hadhayey 150 musharax, balse sida lagu qanciyo oo hore u adkayd ayaa waxa xaalada sii murgiyey aragtida laga qabay komishanka iyo dhex dhexaadnimadooda, waxaana ay badi xildhibaanada hadhay u diyaar garoobayaan inaanay ka seexan mar qudha codadkooda oo ay iyagu xaadir ka ahaadaan xarunta Komishanka, iyaga oo wata koox ka mid ah taageerayaashadooda.

Musharixiinta qaar ayaa isku bahaystay in ay codadkooda ay aaminsan yihiin in laga dhacay ay dib u soo ceshadaan si ay u noqdaan kuwa soo baxa, halka mushariixinta qaar diyaar garaw intaa ka balaadhan ku jiraan

Isbedelka La Filan Karo

Go’aankan Komishanka ayaa noqon kara laba daran mid dooro oo haddii codkan lagu noqodo waxa ay noqonaysaa in ay soo baxaan xildhibaano hadhay, taasi oo ay adag tahay sida ay  ku aqbalaan kuwii natiijadii hore ee la laalay ay soo saartay, isla markaana waxa ay aaminsanaan karaan in kuwa dib laga soo saaray xabad Hargeysa ka dhacday ay ku soo baxeen, waxaanu adeegsan doonaa isna falkaasi iyo mid ka daran.

Marka aynu tix raacno kalmadihii uu go’aankiisa ku yidhi guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka ayaa la odhan karaa lama filan karo is bedel weyn oo natiijada ku dhaca, waxaanad ka qiyaas qaadan kartaa hadalka uu leeyahay gudoomiyuhu oo ah “waana Hargeysa meesha lagu noqonayaa, umana malaynayo in wax badan iska bedali doonaan sida ay hadda ururadu iyo xisbiyadu wax u kala heleen sida aan xogta ku hayno, markaa waxaanu qancinaynaa ururadda iyo axsaabta si tabashada loo wadda daboolo”

Si kastaba ha ahaatee waxa la dhur sugi doonaa halka xaaladi ku dambayso haddii EEBE inagu simo.

 

Sacad Muuse Cabdi

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Ramaasnews Desk

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus