Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Barnaamijka Caafimaadka: Dr Maxfuud Cabdi (My Dear) Oo Ka Waramaya Xanuunka Macaanka, Khatartiisa Iyo Sidda Loola Tacaali Karo (Akhriso).

Xanuunka Macaanka

Hordhac

Inkasta oo xanuunkan in badan lagaga hadlay noocyada kala duwan ee warbaahinta, laakiin waxa igu kalifay inaan ka hadlo mar labaad, mar saddexaad iyo mar afraadba ka dib markaan arkay sida uu bulshada ugu soo kordhayo maalinba maalinta ka danbaysa, iyada oo aanay jirin daryeel badan oo ay siiyaan caafimaadkooga dadka la nool xanuunkan, dadkan oo ay la soo darsaan in qaar xubnaha jidhkooda ah la gooyo, mooganaanta halista uu leeyahay xanuunkan haddii la xakamayn waayo, iyada oo aanay jirin wacyigalin badan oo ku saabsan xanuunkan, mooganaanta waxyaabo badan oo halis u ah xanuunkan lagana hortagi karo. Sababahaas iyo kuwa kalaba waxay igu kalifeen in aan xanuunkan si qoto dheer uga hadlo.

Qoraalkaygani wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore iyadda oo uu si balaadhan uga hadlayo dhibaatada uu leeyahay haddii xanuunkan la xakabayn waayo, sida loo xakabayn karo ee ugu fudud, xaga ka hortga iyo isaga oo si faahfaahsan uga hadlaya xaga daawayntiisa.

Xanuunka Macaanka waa xanuun isku dhafan oo sameeya xubno badan oo jidhka ka mid ah laguna yaqaano inuu kor u qaado sonkorta dhiiga. Sababta ka danbaysa in ay sonkorta dhiiga ku jirtaa kacdo waa iyada oo aanay jirin dheecaanka la yidhaahdo (Insulin), soo daynta la soo daayo oo yar, ama aanu jidhku u jawaabi Karin shaqada dheecaankan. Xanuunkan waxa la nool ilaa 120 million oo qof. Xanuunka macaanku waa xanuun aan laga bogsan laakiin uu qofku la noolaan karo haddii uu si fiican u xakameeyo.

Sida uu xanuunku jidhka U saameeyo:

 Sida caadiga ah marka uu qofku quuto cuntooyinka tamarta laga helo sida bariiska, baastada, malabka, timirta, kimista, shaaha iyo wax kasta oo ay ku jirto sonkorta saafiga ah. Dhamaan cuntooyinkani waxay keenaan in marka dhiiga lagu daro ay kor u kacdo sonkarta jidhku, ka dib si uu jidhku u miisaamo waxa uu  (Ganaca) ka soo daayaa dheecaanka ama maadada la yidhaahdo (Insulin). Ganacu waa xubin (qanjidh wayn) jidhka ka mida oo ku taala caloosha xageeda danbe. Maadadani waxay qabataa in ay jidhka ka caawiso sidii dhammaan unugyada jidhka loo galin lahaa sonkarta (Glucose). Maadadani waxay keenaysaa in dhammaan dhiiga laga sifeeyo macaanka (Glucose). Dhiiga oo laga sufayn waayo macaanka ama sonkurtu, maadadaa insulin la’ aanteed waxay keenaysaa inay unugyada jidhku waayaan tamar ku filin, ka dibna ay lunto awoodii ay kalidu dib ugu soo celin jirtay sonkorta jidhka si uu uga faa’idaysto, taasina keento inay kaadida soo raacdo sonkor aan sida caadiga ah looga baran. Taasina waxay qofkii ku hogaaminaysaa in ay kaadidu badato, haraad badan, gaajo badan, daal badan iyo miisaankiisa oo is dhima.

Noocyada Macaanka:

Macaanka sida badan waxa loo qaybiyaa laba nooc (Type 1) ama nooca koowaad iyo (Type 2) oo ah nooca labaad, inkasta oo ay adag tahay guud ahaan sida loo kala saaro labadan nooc laakiin, Type 1 had iyo jeer wuxuu u baahan yahay in lagu daaweeyo Insulin oo ah irbada la isku muddo, badanaa waxa uu ku dhacaa dadka ka yar 30 jir, badanaa qofka uu ku dhacaa waa qof caato ah, wax Insulin oo uu ganacu soo daynayaa gabi ahaanba ma jirto, halka (Type 2) uu ku dhaco dadka ka wayn 30 jir insulin uma baahno inta badan, dadka uu ku dhacaa waa dad buuran, insulinta uu ganacu soo daynayaana way yartahay.

Astaamaha Xanuunka;

Sida guud labada nooc ee Xanuunka macaanku waa is ku astaamo waxaana ka mid ah kaadi badan, haraad badan, baahida cuntada oo korodha, habeenkii oo kaadi u kaco qofku isaga oo aan biyo badan cabin hurdada ka hor, miisaanka oo luma. Inta badan type 1 waxa uu ku keenaa ciyaalka in uu ka lumo xisku. (Diabetic Coma Dka), waxa kale oo ka mida in uu hoos u dhaco difaaca jidhku taasina sababto in ay ka faa’idaystaan xanuuno kale oo ay ugu horeeyaan kuwa ay keenaan dulinka Bacteria la yidhaahdo (Infections).

Sidee lagu gartaa Xanuunka;

Inkasta oo ay jiraan dad badan oo iyadoo xanuun kale laga baadhayo la arko si lama filaan ah in ay sonkorta jidhkiisu kacsan tahay (accidental diagnosi). Laakiin sida badan marka uu yimaado qof leh calaamadaha aynu kor ku soo sheegnay sida kaadi badan, haraad badan, gaajo badan, daal badan  iyo kaadi badan oo habeenkiiya. Waxa ugu mihiimsan ee lagu xaqiijiyo inuu xanuunka qabo iyo in kale waa in dhiigiisa sonkorta ku jirta la cabiro in ay ka badan tahy sidii caadiga ahayd iyo in kale iyada oo laga qaadayo mar aanu wax soo cunin mudo ilaa siddeed saacadood ah , (Fasting glucose) iyo mar uu wax soo cunay (Random glucose), mar labaadka in laga eego in ay keedidiisa sonkor ku jirto iyo in kale intaa ka bacdi waxa la qaadan karaa go’aan.

Waxyaabaha halis u ah in Macaan yimaad; (Risk Factors)

Waxa jira waxyaabo qofka u horseedi kara in uu xanuunku yimaad, gaar ahaan Type 2 sida qof oo la darsa nolol fadhi badan, cunto badan oo ka kooban sonkor sida kuwii aynu ku soo xusnay kor, firfircoonaan la,aan sida qofka oo jimicsi samayn waayo, miisaanka qofka oo xoog u korodhsan.

Daawaynta Xanuunka Macaanka;

Xanuunka Macaanku waa xanuun aan laga bogsan, laakiin la xakamayn karo si loo yareeyo dhibaatooyinkiisa, dad badan oo soomaaliya ayaa waxa ay aaminsan yihiin in xanuunkan lagu kaxayn karo daawooyin dhir ah iyo waxyaabo kale, taas oo aan ahayn wax xaqiiq ku salaysan.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu joojin karo halistiisa waxa ka mida

In qofka la nool xanuunkani uu kor u qaado aqoonta uu u leeyahay xanuunka, sida uu jidhka u saameeyo, halista uu leeyahay, noocyada kala duwan ee daawayntiisa.

Mar labaad in uu barto noocyada cuntooyinka ee muhiimka u ah caafimaadkiisa iyo kuwa halista u ah. Cuntooyinka muhiimka ah waxa ka mida inuu qaato cuntooyinka ay ku yar-tahay sonkortu iyo subaga. In uu qaato cuntooyinka ay ka mid yihiin cunto dhaqameedka, oo la ogaaday in yihiin cuntooyin aan kor u qaadin sonkorta dhiiga, lehna gal (Fibre). Maanta waxaad arkaysaa dad badan oo la nool Xanuunka bulshada soomaalida dhexdeeda oo aan xooga saarin xaga maamulka cuntada oo uu qaadanayo qofku, aaminsana waxyaabo khurafaat ah sida in cuntooyin xoog u kiciya sonkorta dhiigu yihiin kuwa lagu daweeyo xanuunka, sida Malabka iyo Timirta halka qaar kalana ay cabsi ka qaadaan cuntooyin muhiim u ah sida Khudaarta, taasina keentay in la xakabayn kari waayo Xanuunkii, isagoo qaadanayo qofku dawooyinkii Macaanka. Cuntada oo la maamulo waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagula tacaali karo xanuunka, keenaysana in daawooyinku si fiican u shaqeeyaan.

Mar saddexaad in qofku sameeyo jimicsi joogto ah cimrigiisu intu doono ha ahaadee ugu yaraan maalintii 30 daqiiqo. Jimicsigu wuxuu aad muhiim igu yahay isaga oo ah waxyaabaha ka qayb qaata in la gubo sonkorta jidhka. Bulshada soomaalida dhexdeeda aad ayay u adag tahay in aad tidhaahdo qof da’ wayn gaar ahaan ah dumar jimicsi samee, laakiin si kastaba ha ahaato maadaama ay ku xidhan tahay in la xakameeyo xanuunkan waxaa muhiim ah in qof kasta oo qabba xanuunka Macaanku sameeyo firfircooni fiican oo ku filan in lagu dhimo sonkorta jidhka. Qofka oo wada jir u sameeya in uu cuntada maamulo iyo jimicsi waxa uu ku guulaysan karaa in si fiican ula noolaado xanuunka Macaanka.

Mar afraad in uu qaata bukuhu dawooyinka xiligii loogu tala galay iyo sidii loogu talo galay. Daawooyinka macaanku way tiro badan yihiin waxaana ka mid ah qaar afka laga qaato iyo qaar irbad ahaan loo isticmaalo. Waxaana muhiim ah xaga daawooyinka in qof kasta oo xanuunka qabbaa oo la xidhiidho Dhakhtarka daaweeya.

Dhibaatooyinka Xanuunka;

Xanuunka Macaanku waxa uu saameeyaa haddii si fiican loo maamuli waayo in saamayn xun ku yeesho xidida waawayn ee jidhka iyo kuwa yaryarba. Xubnaha igu muhiimsan ee uu dhaawaco waxa ka mida Indhaha, Kalyaha iyo Dareenka jidhka gaar ahaan kuwa cagaha, keentana in qofka ay kaga dhacaan nabaro yaryar oo ugu danbaynta keena in lugtu bukuuto (Infection) ugu danbayna keenta in la gooyo lugta.

Gababadii xanuunka macaanku maaha xanuun laga bogsado laakiin si fiican loola noolaan karo. In la joojiyo dhibaatooyinkiisuna waxay ku xidhan tahay qofka uu la darsay xannunkani hadduu si fiican u raaco jadwalna u samaysto xaga cuntada, jimicsiga iyo daawooyinkiisa waxa uu ula noolaan karaa xanuunkan sidii qof aan qabin oo kale . Waxa kale oo muhiim ah in qof wal oo qaba xanuunkani uu la xidhiidho, xidhiidh joogta goobta caafimaad ee ugu dhaw.

 

Dr.Mahfud Abdi Mydear (MBBS)

Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Tell:  4474020.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus