Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha
Fikirka Aqoonyahanka
Fikirka  Aqoonyahanka

Fikirka Aqoonyahanka

Kusoo Dhawoow bogga Fikirka Aqoonyahanka ee Shabakada Ramaasnews. Boggani waa madal kulmisa aqoonyahanka kala duwan ee bulshada, ardayda jaamacadaha iyo khubarada mihnadaha gaarka ah si ay ugu soo bandhigaan fikirkood ku aadan arimaha ka taagan Mandaqada Geeska Afrika iyo tan caalamkaba, ha noqdaan arimaha bulshada, kuwo dhaqan-dhaqaalaha, siyaasada iwm . Boggani waa bogiinii, waa boggii qormooyinka cilmibaadhista ku salaysan. Shabakadu waxay ku dhiiri galinaysaa inay akhristayaashu mihnadooda qoraal iyo falanqayneed kusoo bandhigaan madashan.

QISADII BAXIIRA Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil. Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed waa ag mari jireen danna kama geli jirin;…
 DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan. Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna…
                                                   QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri: "Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano." Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka diidey arrinkaa oo wuxuu yiri: "mayeelayo arrinkaan aniga ayaa…
Monday, 07 July 2014 14:29

CASHARKA 2AAD EE SIIRADA RASUULKA SCW

Written by Warfidiyeen
                                          DUULLAANKII ABRAHA UU KU SOO QAADAY KACBADA Abraha oo ahaa nin xabashi ah oo yaman wakiil uga ahaa boqorkii xabashida ayaa markuu arkay sida carabbi kacbada ugu xajineyso waxaa galay maseyr markaasuu magaalada Sanca ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu carab ka jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen. Arrintii ayaa waxaa maqlay nin reer bani kinaana ah markaasuu kaniisaddii tegey oo qibladeedii wasakheeyey. Abraha markuu arrintaa ogaadey wuu ka xanaaqay wuxuuna go'aansaday inuu kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay ciidan gaadhaya 60,000 oo askari oo wata sagaal ama saddex iyo toban maroodi, maroodigii ugu weynaana isaga…
NASABKII RASUULKA SCW Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan; Qaybta…
Caasimada Somaliland Kuma Haboona Hargaysa ee Halaga Bedelo..Aqoonyahan.Xuseen Aadan Caraale (xuseen jiib)..Burco  Ilaahow nimaan wax ogayn ha cadaaabin. Waxaan dadweynaha somaliland ka codsanaynaa in ay sameeyaan  meeshii lagu bedeli lahaa caasimadda somaliland oo ah hargaysa ,, waayo caasimaddu waa hooyo ,hooyana dhibaato ma talaha sidaa awoodu caasimaddu waa in ay ka fogaataa xuduudaha ay  la wadaagto dawladaha kale , caasimaddu waa in ay noqotaa meel la wadda lee yahay oo aan caadifad lahayn waana in ay noqotaa meel la xiiseeyo … markaa hargeysi aa meel aan ka xishoon qabyaalada markaana lama odhan karo waa caasimad,  waayo dadku meesha ay degan…
Hargeysa(ramaas)June.19.2014-Waxaanu muran ka taagnayn dibudhaca dadka Soomaaliyeed haysta meel ay joogaanba in uu cidhib ku leeyahay qabyaaladda iyo aafadeeda Intaad Reer Saxardiid iyo, Reer Sarreeye Ducaaliyo, Reer Sabbeeye tihiinee, Cuqaashii San-qallooc iyo, Suldaan Caarshe ogaa iyo, Nin siyaasad ku dhuuntiyo, Subaxaa ka casheeyaa, Idin seexinayaan, Sallaan aad ka baxdaan iyo, Salka meel ad dhigtaan iyo, Wanaag aad ka sugtaan iyo, Dunidoon la sinnaannaa, Sacabkoo timo yeeshiyo, Saabuun xoor laga waayiyo, Waa dameer san madoowoo, Si’ na loo arki mayo, Geeraarka Saalax-waate ee Timacadde, 1964kii, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it , www.dharaaro.com 19/6/2014ka, Hargeysa, ‘Bismillah’ aan idhaahdo oo hadalka ballaysin uga dhigo.…
Run waxaa ah dhaqanka dawladnimo ee Soomaalilaand in uu kori la yahay oo bartii la ga soo unkay weli ku cuyuban yahay. Caadi ahaan wax ay ahayd dhaqankaasi maalin walba in uu sii kobco oo hore u socdo, laakiin dib baaba loo socdaa. Taa sababteeda u gu weyni waa hawsha oo wayday dadkii sidaa u garan lahaa ee xilkeeda gudan lahaa. Waxaa la waayay hoggaamiye siyaasadeed oo dhaqanka dawladnimada cusbooneeya. Wax wal oo cusboonayn iyo dardargelin waayaana halkooda ayay ku daxalaystaan oo ku dulloobaan. Iyada oo ay sidaa ahayd, maalmahan laba xumaato oo is wata ayaa culayskooda la la ciirciirayaa.…
«StartPrev12345678910NextEnd»
Page 1 of 33

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03