Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Su’aalo Iyo Jawaabo Diini Ah: Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir

Barnaamijkan waxaanu ugu talo galnay akhristayaasha shabakadu inay su'aalaha diiniga ah ee ay rabaan in laga jaahil saaro noogu soo gudbiyaan, anaguna aanu jawaabaha uga soo qaadno Culimada diiniga ah ee waawayn. Halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Su'aalo iyo Jawaabo aydun ka faadiisaysan doontaan oo uu jawaabo waafi ah ka bixinayo Rabi ajar iyo Xasanaad haka siiyo Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir;

S: Sheekh Haddii maryaha candhuufi iga duusho balse aan garan waayo meesha ay igaga dhacday, dabadeedna aan sidaasi salaadii ku tukado, candhuuftaasi ma noqonaysaa mid najaas ah oo jabinaysa salaada? Maxamed Aadan Ali

Jawaab:  Marka hore candhuuftu waa daahir, oo nijaas maaha. Meelkastaba ha ku dhacdo waa daahir. Waatan aynu liqayno sharaabkaynu cabayno inoo ah oo aynu jidiinkeena ku qoynayno. Marka Mushkiladaad dareentay ma jirto. Waxase mushkilad ah aqoon darada aad salaada u leedahay ee aad kala garan wayday wixi nijaas ahaa ee jabaninayay iyo wixii aan nijaas ahayn, mar se ahadaad tukanayso waa Alxamdulilaah.  Waxa se awaajib kuguaha cilmigii cibaadada na inaad qaadato oo arkaanu islaamku waxa uu ku ansaxaayod iyo wixii ay ku burayanaa labaduba inuu baryo waa waajib. Qawaacida shareecadeena waxa kamid ah shareeeco odhanaysa Maala yatimi waajib ilaa bihi Fahuwa waajib” Shayga aanu waajibku dhamaystirmaynin ilaa isaga lala yimaado isaguna waa waajib. Markaas cilmigii cibaadadu kol hadii aanay cibaadadi ansaxayn cilmigaa la’aantii Fardu cayn buu kugu yahay inaad barato. Maantana si dhib yar baad u baran karaysaa. Masjidka agtaada ka barankartaa, qofbaad la balami kartaa si dhibyar kuugu sheegay, canjalada axkaamta salaada iyo cibaadaadka k hadlaysa qaadan kartaa internetkaa agtaada kala bixi karta. Inaad adigu dhaq dhaqaaq samaysuun baa muhiim ah, taasaa markaas u baahan inaad indhaha u jeediso, Umada dhamaanteedna waa mid xil ah oo ina saaranaa.. Walaahu Aclam

Su'aal 2:  Sheekh anigoo tukanaya salaada kuna tukanaya masjid ayay waysadi iga jabtay, hadii aan ka bixi lahaa salaadana meel aan maro waan waayay oo  safaf badan ayaa iga horeeyay kuwo kalena way iga danbeeyeen oo dadkii tukanayay inaan hor marana way igu adkaatay. Waxa dhacday sheikh anigoo wayso qabin inaan salaadii sidii kula dhamaystay, kadibna anigu dib aan u tukaday. Salaadaa aan la dhamaystay anigoon waysi qabin sheikh danbi ma iigu jiraa?Cabdi Maxamed Nuur

Jawaab:  Hadii aqoonyii salaadu jiri lahayd mushkiladana kula soo gudboonaatay sidii loo xalinayo waad garan lahayd. Waxa uu suneeyay Rasuulk SCW marka qofka taas oo kale ku timaado, waxa haboon inuu sanka qabsado isagoo u muujinaya inuu sanbooray oo kale. Kadibna dibada u baxo hawshiisiina iska soo dhamaysto. Dadkii xaman lahaa ee odhan lahaa waa xejin waayay ee xaman lahaana way ka hakanayaan oo arinkisii waaa u asturanayahay. Islam markaana dee cibaadadiisi wuu usoo dahaaro qaadanayaa. Taasibaa markaas mashruuc ah oo qofka salaada dhexdeeda wax ka siibtaan loo sunaysiiyay. Waxa Nabigu kasii horaysiiyay CSW, dadka qaarkood inuu shaki ku dhaco oo iyagoo aanay kaba jabin ba waysadu oo neef aanay kaba soo bixin amma kaadiba ayuu qofku shakiyaa oo shaydaanka ku odhanaya waxbaa kaa soo baxay  intuu dareen u sameeyo. Marka Nabiga waxa uu yidhi CSW qofka yuusan ka bixi salaada jeeroo ur uu dareemo oo wixii kazoo baxay u uro ammaba sanqadh iyo sawd uu maqlo. Farwaawayn jeer oo uu ficilkaa ku arko, inta ka horaysay yaanu salaada ka bixin buu yidhi Nabigu Calayhi salaatu wa salaam taasi waa wixi shaki ah inaan lagu xisaabtamayn. Wixii yaqiin ahi markay yimaadaana sidii loo xalinayaa waa sidaa. Waxase xaaraan ah oo aan banaanayn danbina kaaga soo baydhayaa inaad dadka la tukato adigoo waysadu kaa jabtay. Haday waysadu kaa jabot dadka waad ka dhex bixi kartaa adigoo dee dhinacaas qiblada ee loo jeedo uun uga sii dhex baxaya  oo xataa hadaad dhex marto dhib malaha, oo xadiisikii Ibnu Cabaas waxa uu tilmaamayay inuu safafka dhexdooda dee gaadiidba dhex mariyay oo sudrada  Imaamka ayuunbaa sudro u ah dadkana.  Intaad iska baxdo ayaad iska soo dhamaysan doontaa waana laga yaaba inaad jamacaba kazoo gaadhaba. Laakiin qofka oo aan daahir ahayn oo shuruudii salaada mid kamid ah laga waayay inuu cibaado iska sii wadaa waa istusnimo weeye. Istusnimadu ficilkana way gashaa ka tagidana way gashaa. Adigoon cibaado kaa ansaxayn oon tukanayn ayaad dadkii isu tusaysaa inaad tukanayso. Markaas ka tagidii tarkiga iyo xaga ka tagida galaysay bay noqonaysaa . Sidaas daraadeed ficil iyo Tarkigaba way gashaa baynu leenahay Istusnimadu. Markaas xalku waa noocaas weeye. Walaahu Aclam.

Su'aal 3:  Anigoo ah ardayda dhigata jaamacadaha dalka, waxaan qabaa su’aal aan rabo inuu sheekhu iga jaahil saaro, diinta Islaamku maxay ka qabtaa adigoo fadhiya meel u dhaw laamiga, haddii dhagax yaala laamada dhexdeeda shaagu uu soo tuuro  oo uu waxyeelo keeno amaba aniga uu I gaadhsiiyo  amaba gaadhigaygu uu gaadhsiiyo qof kale. Dhagaxaasi maadaamoo aanu darawalku dhigin yaa lagu leeyahay khasaarihiisa? Maxamed Sh. Cali

Jawaab:  Sideedaba waxa jira haddii qofka ficil uu ka yimado marna wuu u kasaa marna uma kasee oo Khada’ buu noqdaa. Mar waa lagu yeesha ficilka marka uu khada’a yahay marna laguma yeesho.  Xaaladaha noocaas oo kale ah wixi dhacaa mar waxa uu ku dhacaa sabab, marna waxa  uu ku dhacaa mubaashara . Qofkoo ficilkii sabab ula yimaada amma ficilkii gacanba saaraba. Tanoo kale waxa laga yaabaa in la isku haysto oo muran ka jiro  Oo cidii wax ku dhaceen iyo cidii waxa gaysatay uu khilaaf ka jira suurto gal ah. Masalooyinku markay laba dhinac khusaynayaan ee dacwadi ka jirtana. Hadii fadwo iyo jawaab warbaahinta laga bixiyo mar mar bay wax sii adkaysaa uu qofkuna yidhaahdaa anigaa lehoo waa la sheegayba ka kalana uu yidhaahdaa ma lihidoo sidaas maaha . Markaas tafaasiil dheeraad ah ayay u baahantahay, qofkeebaa tacadiba sameeyay, halkan waxa la dhigay muxuu ahaa, yaa dhigay, ilaa heerkeebuu wada ku jiray. Marka qofkan waa lagu leeyahay iyo laguma laha in la yidhaahdaa waxooga tafaasiil ah ayay u baahantahay, sidaas daraadeed in laga kulmaa bay u baahantahay masalada labada dhinac khusaynaysaa.

Su'aal 4:  Sheekh Masuuliyiin Dawladeed marka xil loo magacaabayo waa la dhaariyaa, mudadii ay hayeen hadii ay dhamaato oo looga maarmi waayo in mudo loo kordhiyo  intay doontaba ha ahaatee. Sidaasi dabadeed loogu kordhiyo, ma dhaar danbe ayay u baahan yihiin mise sidaasay ku dhaarsanyihiin? Cabdinaasir Aadan 

Jawaab: Shaygan la yidhaah dhaartee ee qofka masuul ka ah la dhaarinayo amaba markhaatiga la dhaarinayo, mashruucba maba ah, masuulka dhaarba laguma lahaba. Masuulka Islaamku waxa uu shardi uga dhigay inuu yahay qof miyir qaba oo aynu uga jeedno inuu yahay qof diin iyo amaano iyo Iimaan leh oo xilkii lagu aamini karo oo Iimaankiisu celinayo. Kol hadii qofkaas Iimaankiisa iyo Cadaaladiisa lagu kalsoonyahay, masuuliyada waa loo dhiibayaa ee loo ma talo saaranayo kitaab uu baalaha gooyo oo uu ku dhaarto. Dhaartu umadaha kale ee aan Islaamka ahayn bay inooga timi. Iyaga ayaan kalsooni badan ku qabin marar badan qofka masuulka ah, sidaas daraadeedbaa walaha loogu sii adkeeyaayoo iyagu ay dhaariyaan. Laakiin xaga hogaaminta wakhtigii Rasuulka SCW iyo khulafadii  iyo dadkii wanaagsanaa ee hogaaminta iyo siyaasada umada Islaamka ugu horeeyay barnaamijka siyaasadee Islaamku wuu cadyahay. Markaas waxyaabaha kale ee umadaha kale la inooga soo waariday ayuunbay dhaartu kamid tahay, hadii markaas Amaanadiisa iyo Imaankiisa lagu kalsoonayahay dee wuu inagu filanyahay, hadii shaki laga qabana dee kitaab inaga joojin maayoo wuu kazoo dul boodiiye kolka horeba  ayaan waxba loo diranayninba.  Walaahu Aclam.

 Source: Radio Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Voting Poll

testing by Admin

Test 1 - 72.7%
Test 2 - 27.3%

Total votes: 55
The voting for this poll has ended on: 27 Jul 2013 - 16:03

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus