Hargeysa(Ramaas)January,11,2017-Imaamka masaajidka Shacabka ee magaalada Hargeysa Sheekh Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in wasiirada maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ay boob kusoo qaaday barxada hore ee masaajidka ee gawaadhida la dhigto,kaas oo uu sheegay inay damacsan tahay inay dhisme ka dhisto.

Waxaana uu imaamku sheegay in barxadda hore ee masaajidku ay tahay meel ay dadka kusoo tukada masaajidku saaladaha Jimcaha iyo maalmaha Ciidaha ay gawaadhida dhigtaan oo ay ku tukadaan,waxaana uu sheegay in dawladii Riyaale iyo wasiirka deegaanka ee xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ay iska dayeen inay dhisme ka dhisaan barxada masaajidka kadib markii ay kala hadleen.

Imaamka masaajidka shacabka sheikh Maxamed waxa uu wasiirada Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ugu baaqay inay tixgaliso baydka alle isla markaana ay ka waantowdo dhismaha ay ka dhisanayso barxadda hore ee masaajidka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com