Gumaadka baabuurtu bulshada ku hayso..!!! Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”.

 

Ma jirto dunida wax ka qiimi iyo maamuus sarreeya nafta qofka. Iyada oo ay sidaa tahay naf waliba ugu dambayn waxa ay ku xukuman tahay dhimasho. Hayeeshee dhimashada dabiiciga ah ee goorteeda lihi la mid ma aha ta ku timaadda qof xaq u lahaa in uu sii noolaado. Geeridii timaaddaba in qaddar Alle loo daayo, marxuumkana faataxo iyo qulhuwalle lagu illaawo, iyo in taa iswayddiin laga keeno oo sababteeda xal loo raadiyo, dadyawga dunidu falsafad ahaan waa ay ku ka la aragti duwan yihiin.

Sannadkii 1994 badda u dhexaysa Iswiidhan iyo Istooniya waxaa ku degtay doonni aad u weyn oo ah kuwa dalxiiska iyo socdaalka, waxaana haftay dad boqollaal ah. Waxa uu ahaa shilkii ugu weynaa noociisa inta la xusuusto ee ay dad Iswiidhish ahi ku dhinteen, sidaa darteed waxa ay noqotay arrin aad la isugu shuqliyo. Waxa ay noqotay dhacdo warfaafinta, siyaasadda, khubarada farsamada doonyaha iyo cid waliba aad u danaysay. Sannado badan oo dambe ayay taa baadhisteedu socotay si dhab ahaan loo xaqiijiyo wax walba oo shilkaa sabab u ahaa iyo wax walba oo lagaga badbaadi kari lahaa. Dadkii dhintay iyo hantidii luntay in meel la saaro, iyo ayaandarro taa la mid ah in mustaqbalka laga gaashaanto ayay ahayd dabcan ujeeddada baadhistaasi.

Laba sannadood ka dib, goor caways ah aniga oo dhawr qof oo soomaaliyeed telefeeshinka warka la daawanaya waxaa lagu soo qaaday dabagalkii shilkii doonnida wax ku saabsan. Dabadeed dadkii soomaaliyeed ee meesha i la fadhiyay si aad mooddo in ay isla ogaayeen ayay mar la soo wada boodeen ”gaalo! Samir daranaa! Rumaysan kari maayaan wax Ilaahay wato in aan waxba laga qaban karin”. Hadal caynkaas ah ayay jiibta isla heleen. Dabadeed waxa aan isku dayay in aan ku baraarujiyo wayddiin ah: shilka haddii aan sidaa loo daba gelin oo wax walba oo keenay la soo helin sidee mid la mid ah timaaddada la isaga ilaalin karaa? Hadalkaa garawshiinyo ka ma aan helin ee waxaa lagu sii andacooday wax walba oo la sameeyo in aan qaddarka Ilaahay la joojin karin, sidaa darteed wax beri hore dhacay laga hadhi waayaa in ay samirdarro iyo gaalnimo tahay.

Taa waxa aan uga socdaa, waa dhif maalin aanay warbaahinta Somaliland sheegin shil baabuur oo lagu dhintay. Run ahaantii waa arrin lagu sifayn karo masiibo qaran. Iyada oo ay sidaa tahay haddana waxa aad mooddaa in aan cidiba dan ka lahayn. ”Wixii dhintay Ilaahay ha u naxariisto” ayaa la iska yidhaahdaa oo la iska qayilaad tagaa. Shidanaaba shidan! Dadweyne iyo dawlad cidiba dhiillo isma geliso. Waa maxay sababtu? Shilalka gaadiidka ee lagu le’anayo in aan wax ka qabasho iska daaye lagaba diirayn, ma mooddaa in ay daarran tahay fikirka ah ”Allaa qaddaray”? Ma mooddaa waxa naf maalin walba sida fudud u go’aysa in loo arko qaddar aan la baajin karin? Haa oo waa sidaa. Waa aragtida nolosha laga haysto.

Iswayddiinta sabata shilalkan maalinlaha noqday waa tallaabada kowaad ee xalka. Haddaba sida muuqata sababtu waa dhawr arrimood oo isbiirsaday. Ta hore waa waddooyinka oo aad uga liita wax maristooda naf nolol doonaysa loo quudhi karo. Ta labaad waa wadayaasha gaadiidka oo aan ahayn dad xirfaddaa dhab u bartay, isla markaa aanay jirin cid aqoontooda iyo caafimaadkooda hubisay, iyada oo laga yaabo inta badan in ay marqaansan yihiin ama maandooriye kale ku jiro. Ta saddexaad waa sharciyada marista waddooyinka oo aan xeer loo raacin: tusaale ahaan astaamaha gaadiidka haga, inta saacadood ee waduhu soo jeeday iwm. Ta afraad waa gaadiidka dalka ka socda qudhiisa oo aanay jirin cid fayoobidiisda eegta, ha ahaato marka debedda la keeno ama inta uu gudaha ka shaqaynayo.

Waxaa laga yaabaa maanta dhulka Somaliland dhimashada ugu badan ee aan dabiiciga ahayni in ay tahay ta ay keenaan shilalka gaadiidku. Taa waxaa loo daliishan karaa inta qof ee caan ama madax ah ee sannadihii yaraa ee la soo dhaafay shil ku dhimatay. Kolkaa waxaa hubaal ah dadweynaha halaagmayaana in uu aad u badan yahay, waayo madaxda iyo dadka ladan gaadiidkooda iyo wadayaashoodu kollay kuwa kale waa ay dhaamaan.

Nimanka talada dalka hayaa haddii ay gumaadka hortooda ka socda ku baraarugi waayeen mooyi wax kale oo laga sugayo. Haddaba umadda waxaa la gudboon in ay badbaadinta nolosheeda u gurmato oo bal wax uun ka qabato hagaajinta waddooyinka, gaadiidka, wadayaasha iyo xeerarka marista waddooyinka. Haddii kale waxaa la la mid noqonayaa xoolaha marka neef bahal ka la hadho yara dida hadhowna iska daaqa.

 

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Ibraahinhawd@hotmail.com