Hargeysa(Ramaas)Dec.1,2017-Nin muran badan ka taagan tahay oo haysta dhalashada Turkiga iyo midda Iiraan oo dahabka ka ganacsada ayaa maxkamad ku taalla Maraykanka u sheegay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu shaqsiyan u fasaxay ganacsiyadiisa meesha uga dhacay xayiraaddii saarnayd Iiraan.
Reza Zarrab oo 34 jir ah ayaa makhraati muhiim ah ka ah dacwad dambiyeed loo haysto nin bangi ka shaqeeya oo uu ku eedeeyay in uu kala shaqeeyay in Iiraan ay si sharci darro ah lacag ku hesho.
Erdogan ayaa diiday in Turkigu uu jabiyay cunaqabatayntii uu Iiraan saaray.
Arrintaas ayaase wax u dhintay calaaqaadkii Turkiga iyo Maraykanka
Makhraatiga uu furay Zarrab ayuu Erdogan lugaha ugu soo galiyay lacag si sharci darro ah qarsoodi loogu kala gudbiyay oo isaga iyo Mehmet Hakan Atilla oo bangi ka shaqeeya ay sameeyeen 2010kii ilaa 2015kii, arrintaas ayaana lagu eedeeyay in ay suurtagalisay in Iiraan ay isticmaasho suuqyada caalamiga ah, inkastoo Maraykanku cunaqabateeyay.
Wuxuu sheegay in wasiirkii dhaqaalaha uu ku wargaliyay 2012kii in Erdogan oo markaas ra’iisulwasaare ahaa uu amar ku siiyay bangiyada Turkiga in ay ka qayb qaataan qorshehaas oo laga helayay malaayiin doolar.
Erdogan ayaa Khamiistii sheegay in Turkigu uusan meel uga dhicin xayiraaddii uu Maraykanku saaray Iiraan, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkigu. Dawladdiisuna waxay arrintan ku tilmaantay shirqool ka dhan ah dawladdiisa.
Madaxweynaha Turkiga ayaanse wali ka jawaabin eedaymahan maxkamadda laga jeediyay.
Atilla ayaa sheegay in uusan wax dambi ah lahayn. Sagaal ruux ayaan guud ahaan dacwad lagu soo oogay.
Masuuliyiinta Maraykanka ayaa xiray Zarrab 2016kii waxaana lagu eedeeyay in uu boqolaal milyan oo doolar la soo baxay isaga oo matalaya dawladda Iiraan, isaga oo adeegsanaya lacago si sharci darro ah loo kala gudbiyo iyo bangiyo been abuur loo adeegsado.
Laakiin wuxuu go’aansaday in uu la shaqeeyo dacwad oogeyaasha, waana qofka ugu muhiimsan makhraatiyada daccwadda magaalada New York ka socota.
Arbacadii ayuu maxkamadda u sheegay in uu Zafer Caglayan laaluush u siiyay 59 milyan oo doolar, ninkaas oo wakhtigaas ahaa wasiirka dhaqaalaha ee Turkiga ayuuna sheegay in uu lacagtaas u siiyay si uu u fududeeyo arrinta Iiraan.
Ra’iisulwasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa ka jawaabay eedaymahaas, wuxuuna sheegay in Zarab “caddaadis lagu saaray in uu hadal aan waxba ka jirin sheego”.
Isagoo la hadlaya wakaalad warar oo ay dawladdu maamusho ayuu dacwadda socota ku tilmaamay “masrax”.
Dawladda Turkiga ayaa mar hore sheegtay in Caglayan uu ku dhaqmay shuruucda Turkiga iyo kuwii caalamiga ahaaba.
Dacwaddan ayaa si dhaw loogala socdaa dalka Turkiga laakiin guud ahaan warbaahinta dalkaasi si feejigan ayay u tabinaysaa, sida uu ku warramayo weriyaha BBC laanta af Turkiga Enis Senerdem

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com