Hargeysa(Ramaas)September.9,2017-Gabadh curyaan ah oo u dhalatay dalka Faransiiska oo uu jiir cunay ayaa la sheegay in xaaladeeda caafimaad ay liidato.
Gabadhani ayaa la sheegay in Dooli uu ku soo xoomay qol ay ku jirtay waqooyi dalka Faransiiska.

Gabadhan oo 14 jir ah islamarkana ah naafo ayaa hurdaysay qeybta hoose ee dabaqa markaasi oo uu Dooliga soo weeraray.

Khabiir dhanka caafimaadka ah ayaa wakaalada wararka Faransiiska waxa ay ka soo xigatay in gabadhani ay qabto 45 dhaawac oo kaga yaalla gacmaha iyo lugaha.

Aabaha dhalay gabadhan ayaa dacwad ku soo oogaya milkiilaha uu guriga ka kiraystay oo uu ku eedeeyay dayacaad.

Aabahan ayaa waxa uu sheegay in uu arkay gabadhiisan naafada ah oo dhiig dhex jiifta Sabtidii aanu soo dhaafnay.

Waxa uu sheegay in markii habeenkii ay seexanayeen wax waliba ay fiicnaayeen ,islamarkana uu isaga seexday dbaqa sare ee dhismaha.

“Dhiig ayaa ka socday dhagaha,waxa aan ka baqayaa in maskaxda uu dhiig kaga furmo,waxaa sidaasi u ka soo xigatay wargayska Courrier-Picard aabahan dhalay gabdha.,”

Qaar ka mid ah faraha gabadhani ayaa la sheegay in dooliga uu goostay islamarkana aysan dhaqaatiirta qaliinka dib u habyn ku samayn Karin.

Qoyska gabadhani uu jiirka cunay ayaa imika u guuray guri kale islamarkana booliiska ayaa baaraya weerarkan.

Dhaqaatiirta ayaa baritaan ku sameeyay gabadhani lagu magacaabo Samantha si ay u eegaan suurtagalnimada in caabuq ay dhaawacyadeeda qaadi karaan.

In dooliga ama jiirka uu bina’aadamka weerar u gaysto ayaa ah mid naadir ah ,inkastoo marka dooliga uu gaajoodo uu cuno jirka.

 

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com