Hargeysa(Ramaas)Nov.6,2017-Qiimayn ay samaysay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in sida kali ah ee lagu burburin karo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ay tahay in duulaan dhulka ah lagu qaado.
Adhmiraal Michael Dumont ayaa arrintaas ku qoray waraaq uu u diray Ted Lieu oo ka tirsan Congress-ka isaga oo u hadlaya masuuliyiinta milatariga.
Dumont ayaa sheegay in ay aad u adkaan doonto in la qiimeeyo dadka ku dhiman doona dagaalkaas.
Sidoo kalana wuxuu faahfaahin ka bixiyay sida uu dagalku u kaan karo saacadaha u horreeya.
“Sida kali ah ee lagu ogaan karo laguna burburin karo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi iyadoo la hubo waa in guluf colaadeed oo dhulka ah lagu qaado,” sidaas ayuu kaga jawaabay su’aal uu soo waydiiyay Lieu oo aqalka Congress-ka ka tirsan.
Halista arrintan ka dhalan karta waxaa ka mid ah in Kuuriyada Waqooyi ay ku jawaabto hub Nukliyeer ah inta Maraykanku uu isku dayayo in uu curyaamiyo hubka dhulka hoostiisa lagu aasay.
“Sharaxaado intan ka faahfaahsan waxaa lagu bixin karaa kulan qarsoodi ah.” ayuu hadalka sii raaciyay.

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com