Hargeysa(Ramaas)January.11,2017- Waxa saaka magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya ka bilaabmatey doorashada gudoomiyaha baarlamaanka dalkaasi.

Waxaana goor dhaweyd soo dhamaatey tirinta codadka Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya gaar ahaana xildhibaanada ku tartamayay kursiga gudoomiyaha baarlamaanka dalka Somaliya.

Waxaana kursigaasi gudoomiyenimada u tartamayay afar xildhibaan kuwaas oo kala ahaa xildhibaan Prof Maxamed Cismaan Jawaari, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig,Xildhibaan Cabdifataax Maxamed Ibraahin “Geesey” iyo xildhibaan Idiris Aadan Dhakhtar.

Waxaana soo idlaatay tirinta codadka siday xildhibaanadu u kala heleen waana ku wan siday u kala heeleen

  • Maxamed Cismaan Jawaari 141-Cod
  • Cabdirashiid Maxamed Xiddig 97-cod
  • C/fitaax Maxamed Ibraahim (Geesey) 17-cod
  • Idiris Aadan Dhakhtar 2-cod.

 

Waxaana sidaas gudoomiyaha baarlamaanka dalka Somaliya ku noqday Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com