Dhambaal Furan Oo Ku Socda Madaxweynaha Somaliland (Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”).

 

Mudane madaxweyne, Axmed maxamed Maxamuud ”Siilaanyo, ugu horreyn wax aan kugu bogaadinayaa hawsha culus ee aad umaddeenna u hayso.

In aad lahayd aqoon iyo xirfad siyaasadeed oo lagu kalsoonaa, in aad lahayd sumcad wanaagsan oo ka soo jeedda sidii aad uga soo dhalaashay hawshaadii xilligii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, in aad lahayd maamuus halgamaannimo oo la xidhiidha sidii aad uga hor timid maamulxamadii kelitaliskii Oktoobar ee aad ka tirsanayd, in aad gudatay guddoonkii dheeraa Dhaqdhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed (SNM), in aad qaabaysay ururka Kulmiye oo ka mid noqday ururrada dimuqraaddiga ah ee dalka ka taabbagalay, intaas oo dhan kolka la qiimeeyo waad ku xaq lahayd in hoggaaminta dalka loogu doorto.

Iyada oo ay sidaa tahay ayuu bilawday ololihii doorashada madaxnimada ee Somaliland. Isla maalintaa xaqiiqada bulshada hor taallay wax ay ahayd tan soo socota:

 

1. maamulkii kaaga ka horreeyay ee Rayaale wax uu ku limmaday musuqmaasuq iyo garsoorxumo.

2. dimuqraadiyaddii la qaatay wax ay ku sigatay in ay saqiirto.

3. adigu maamulka Rayaale wax aad u mucaaradday si aad u fog oo nabadda dalka halis gelisay.

4. xilligaa wax aad muujisay in aad hayso xaaladdaa wax dhaama.

Iyada oo arrimahaa kasha lagu wada hayo ayaa lagu doortay. In aad wax ka qabato musuqmaasuqa iyo garsoorxumada, isla markaa kobciso hannaanka dimuqraadiyadda, labadaas ayay dad badani kaa dugsanayeen. Doorashadaada waxaa lagu xoojiyay niman door ah oo ay bulshadu u hanweynayd kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi. Si yaab leh ayay se tani ku dambaysay.

Mudane madaxweyne, wax aad ku ammaanan tahay aragtida cusub ee ah in aan laga didin golayaasha arrimaha soomaalida lagaga xaajoonayo. Ma aha oo qudha in loo hoggaansamo dadaalka nabadaynta ah ee dunidu Geeska Afrika ka waddo, wax ay se kale oo tahay in weji sidaa u wanaagsan la la hor tago soomaalida kale oo dano badani innaga dhexeeyaan. Taa ka sokow, wadahadalka soomaalidu haddii uu si wanaagsan u dhaco waxaa lagu gaadhi karaa guul aayo leh.

Fadqalalladii toleed ee Gabiley iyo tii Hargeysa labadaba xukuumaddaadu wax ay u maamushay sida ugu wanaagsan. Wax ay bilaw wacan u tahay arrimaha nabadgelyada la xidhiidha iyo faldembiyeedyada waaweyn ee tolalka ka dhex dhaca in aan lagu hallayn oday dhaqameedka ee ciidanka amnigu gacan adag wax kaga qabto.

Taa beddelkeeda colaadda Buuhoodle wax aad u la dhaqantay si aad u liidata. Dhacdadaasi waa fadeexadda ugu weyn ee maamulkaagu galay. Dadkeennu u ma baahna dagaal la humiyo, waxaa se loo baahan yahay wada tashi nabadeed oo gunta laga unko. Wax ay wax ku hagaagi karaan in la xalo shakiga iyo aammin darrada la ka la qabo. Xabbad wal oo dhacdaa wax ay xumaynaysaa kalsoonida iyo xasilloonida. Waxaa loo bahan yahay kobcinta dhaqaalaha iyo wacyiga guud ee bulshada, labadaas ayaana dadka gelin kara nafsad nabadeed, xasillooni bulsheed iyo degganaansho nololeed.

Dhanka kale, sababtu wax ay tahayba nimankii xukuumaddaada ugu tayada roonaa waa ay ka soocmeen, taas oo dhaawacday kalsoonida dadka ee maamulkaaga. Si aan taa kuu garansiiyo, Maxamed Xaashi Cilmi weligii wax uu tusaale wacan u ahaa hufnaan, maamul wanaag iyo nacaybka musuqa. Waxaa la wada og yahay xilkiisa maaliyadda in aad kaga qaaday in uu diiday lacagta yar ee umaddiisa gaajaysan in uu siiyo xaaraan-kunaaxyo dhiigga bulshada jaqa. Taa waxaa loo arkaa in aad u badheedhay in aad musuqmaasuq ku shaqayso. Waxba kuu tari maayo beerlaxawsiga aad faafisay ee ah Maxamed Xaashi Cilmi in uu yahay ”nin qufulan”, iyo in ay jirto marmar musumaasuqu dan yahay.

Musuqa iyo xaqsoorxumadu weligood wax aan xumaato ahayn ma dhalaan. Labadaas ayaa weligood keena kalsoonidarrada, tuhunka, qalalaasaha iyo in sharciga laga haybaysan waayo. Awow Xaaji Axmed-Afqallooc waa kii innagu la dardaarmay falsafadda maguuraanka ah ee odhanaysa:

Aqoon-laawe laaluush-cuniyo aafo dabagaaba

Iyo oday ergo ah baa sharciga diila abidkoode

Eexdiyo rishwadu wax ay dhalaan aafo iyo ciile

Marka xaqa la awdaa tolnimo loo abtiriyaaye

Haddii uu insaaf jiro qabii la ma ogaadeene

Mudane madaxweyne, wax aad og tahay waxqabadka dawlad looga fadhiyaa in uu yahay dhisidda dalka iyo dadka intii itaal ah. Waxaa looga fadhiyaa korinta dhinacyada nolosha bulshada oo dhan sida caafimaadka, dhaqaalaha, aqoonta iyo dhaqanka, intii awoodi gaadho. Waxaa se muuqata maanta iyada oo ay intaasiba baylahsan tahay in tamarta Somaliland idilkeed lagu bixinayo wax la yidhaahdo ”siyaasad”. Difaac iyo weerar, muxaafid iyo mucaarad, shaqada keliya ee dalka ka socotaa waa siyaasad.

Saxaafaddu waa tii aad hiilkeeda kursiga ku timid, waana tii aad mataanowdeen berigii aad Rayaale ka eedsheeganaysay. Haddaba bal manta ka warran xidhiidhka adiga iyo saxaafadda? Imisa jeer baad xabsiga dhigtay? Konton goor in ay taasi kor u dhaaftay ayaa la xaqiijiyay. Halkaa waxaa ka muuqata warbaahinteenna iyo siyaasaddeenna labaduba in ay yihiin socodbarad. Adiguna halkii aad taa wax ka qaban lahayd arrinkaagu wax uu noqday “la jiifiyaana bannaan”.

Warfaafinta Somaliland la ma siin karo madaxbannaani u dhiganta ta dunida horumartay ee la isku dhererinayo. Waayo warbaahinta dunida horumartay wax ay ku adeegtaa xirfad, aqoon iyo asluub ay ugu weyn tahay iska ilaalinta beenabuurku. Sidaas ayay sharci ku ilaalisaa, suuqa ganacsigana ku ilaashataa.

Saxaafaddeenna xirfadda liidata iyo dadweynaheenna aan la xisaabtami aqoon waxaa wada kobcin karta warbaahin qaran oo ay dawladdu maalgashato. Waxaa kale oo kobcin kara in dawladdu ku lug yeelato kor u qaadidda waxbarashada saxaafadeed ee dalka. Hawlahaasi waa waajibka dawladdeenna saboolka ah.

Mudane madaxweyne, innaga oo wada og dareenka tolnimadu xoogga uu dadkeenna ku lee yahay, iyo sida ay taasi u dhantaasho wadajirka iyo xasilloonida, xilka ugu weyn ee madaxweyne walba oo talada qabta saarani waa sidii cudurkaa dawo loogu heli lahaa. Halyeynimada ugu weyn taariikhdeenna cusubi waa abuurid bulsho ka gudubta qaybsanaanta tolnimada kana xishoota.

Maanta kolka la og yahay basar xumadaa qabyaaladeed ee jirta, iyo sida ay nabadgelyadu taa ugu nugushahay, iyo weliba sida ay siyaasaddu reernimada ugu walaaqan tahay, waxaa waajib ah in la helo golayaal iyo hay’ado ka baxsan siyaasadda, tolalka iyo danaha gaarka ah intaba. Halkaa ayuu muwaaddinku maalinta ay xun tahay kalsooni iyo garasho ugu irkan karaa. Taa waxaa ku taxan in la abuuro oo la xoojiyo warbaahin dhexdhexaad ah oo si tayo leh wacyiga bulshada looga hago. Hawshaa waxaa ku bixi lahaa kharash aad uga yar ka maanta lagu bixiyo dillaalka iyo mallaalka qabyaaladeed ee garaadka iyo dhaqanka bulshada dib u jiidaya.

Mudane madaxweyne, ugu dambayn aan ku xusuusiyo dharaarta aad madaxnimada wareejinayso weydiinta ay taariikhdu ku su’aali doonto: maxaad qabatay xilligaagii? Weydiintaa ayaa dhistay ilbaxnimooyinkii dunida ugu ashqaraarka badnaa, iyada oo nin waliba ku shaqayn jiray in uu ka tago wax looga hadho isagana lagu xusuusto.

Eebbe wax aan kaaga baryayaa in uu xilkaaga kugu caawiyo oo ta san ku waafajiyo.

 

Ibraahin Yuusuf Axmed

Ibraahinhawd@hotmail.com