Hargeysa(Ramaas)September.8,2017-Dhaqaatiir ku sugan gobolka Gujurat ee dalka Hindiya ayaa 7 ilkood ka bixiyay ilmo yar oo bil uun dhallan.
Sida ay kusoo waramayso wariyaheena Hindiya Sushila Singh, waalidka ilmahan dhalay ayaa dhaqtarka geeyay kadib markii ay hooyadiis dhibaato kala kulantay marka uu naaska jaqayo maadaamaa uu ilko leeyahay ilmaha oo uu qaniinayo naaska.
Dr. Meet Ramatri ayaa BBC-da u sheegay in qaliinka lagu sameeyay ilmaha ee ilkaha looga bixiyay kadib ay xaaladiisu fiicantahay ilmahan yar.
Waa arrin kheyru caadi ah in ilmo bil jira ay ilko usoo baxaan.
Lama oga sida arrintan u saamayn doonto ilmahan mustaqbalka marka uu gaaro xiligii ay ilkaha usoo bixi lahaayeen.

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com