Dadkani Miyaanay Afka U Dhalan?! Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”.

 

Sida la isla yaqaanno codadka af soomaaligu ka abuuran yahay waxaa jira siddeed labalaabma. Labalaabnaanta macnaheedu waa xarafka dhawaaqiisa oo carrabka ama dibnaha ku adkaanaya. Xafahaasi waa b, d, r, g, l, m, n, (iyo dh oo aan weli loo saldhigin).

Ugu yaraan laba jeer baan akhriyay qoraaga la yidhaahdo Maxamed Baashe X Xasan oo ka hadlaya dhibaatada dadkeenna ka haysata higgaadinta habboon ee afka. Gaar ahaan Maxamed waxa uu soo qaaday codadkaa kor ku xusan oo ay dad badan oo af soomaaliga wax ku qoraa xilkeeda ka soo bixi kari waayeen. Aniguna in aan canaantaa xoojiyo waxaa igu kellifaya ta isagaba ku kelliftay oo ah sida joogtada ah ee ay ceebtaasi qoraallada ugu baahsan tahay. Run ahaantii mararka qaarkood waxa aad iswayddiinaysaa ’dadkii miyay carrab beeleen?’.

Dhaliishani haddii ay ahaan lahayd mid ku kooban qofaf iyo meelo gaar ah waxaa la la miciinsan lahaa, sida Maxamed yeelay, in aqoon loo kordhiyo oo la garansiiyo xarfaha labalaabmaa kuwa ay yihiin iyo waxa lagu ogaan karo goorta ay sidaa noqonayaan. Hayeeshee kolka aad qoraallada af soomaaliga ah dhex marto, waxaa kuu soo baxaysa sideedaba in ay aad u yar tahay inta qof ee xeerkaa ilaalin kartaa. Taa macnaheedu waxaa weeye, arrintu wax qoraallo yar yar oo kuwan oo kale ah lagu hagaajin karo waa ay ka weyn tahay. Waxaa la malayn karaa in ay tahay arrin u baahan in laga soo bilaabo dugsiyada af soomaaliga lagu dhigto. Haddana waxaa la iswayddiin karaa, dadka af soomaaliga wax ku qora badankooda ama idilkoodba kol haddii ay dugsiyo soo dhigteen, ma barayaashoodii baa sidaa u liitay, mise arrinta ayaa ah mid xal kale u baahan?

Af soomaaliga qoran wax badan baa qabyo ka ah, hawl weyn buuna u baahan yahay si uu u gaadho heer dhammaystiran oo sugnaanteeta la isla oggol yahay.Waana run oo maanta waxa uu marayaa marxalad isqaabayn ah. Sidii aan qoraal hore ku bandhigay kuwo dambena ku faahfaahin doono, dhaliilaha jiraa waxa ay u baahan yihiin in fikrado loo ururiyo si marka ay suurtowdo loogu gudbiyo fulin rasmi ah oo lagu midaysan yahay. Se labalaabidda codadka labalaabmaa shuqul ku ma leh arrintaa hore, waa se mid la xidhiidha sidii uu qofku erayga ugu qori lahaa isla sida uu ugu dhawaaqo, waayo badanaa cilladdani ku ma jirto ku hadlidda xarfaha adag, waa se ceeb la geliyo qorista. Sida kalena, xarfaha labalaabmaa ma aha wax aqoonbaadhis iyo barasho u baahan ee waa sida dabiiciga ah ee aynnu afkeenna ugu barbaarro uguna hadallo. Haddaba dadka sida wax u qorayaa afka miyaanay u dhalan oo ku barbarian?

Maxaa keenay qofku sida uu erayga u yidhaahdo in uu u qori waayo? Tusaale ahaan haddii aynnu qofka dalkiisa jecel u naqaanno ”waddani” (iyda oo codka d:da carrabka dhanxaneggi xoog loogu dhejinayo), isla eraygaa haddii qof u qoro ”wadani” (oo carrabka dhanxanegga la si jilicsan loo taabsinayo) qofkaa si wax loogu sheego la garan maayo. Si wax loogu sheego la garan maayo waayo isla eraygii uu sida hagaagsan ugu dhawaaqay ayuu si silloon u qorayaa. Tusaale ahaan xisbi Somaliland ka jira oo magaciisu yahay ”Waddani” aad ayay u adag tahay in aad warbaahinta ku aragto iyada oo sidaa loo qoray. Xitaa magaca rasmiga ah ee xisbigaasi waxa uu u qoran yahay ”Wadani”.

Buurta dhulalka soomaalida ugu dheeri waxa ay ku taallaa gobolka Sanaag, waana ta lagu magacaabo ”Daalo”. Haddana dadka maanta af soomaaliga wax ku qora qiyaas ahaan 99% waxa ay u qoraan ”Daallo”. Shirkad dhan oo magacaa qaadatay qaladkaas ayay u adeegsatay. Hadda ogow oo marka ay afka kaga dhawaaqayaan si hagaagsan ayay u odhanayaan ”Daaalo”! Haddaba maxaa sidaa loo yeelayaa? Run ahaantii waa masalo aad u yaab badan.

Maanta (11-10-2012) daqiiqaddii aan maqaalkan qorayay waxa aan goostay in aan si nasiibsi ah u eego mareegaha soomaalida mid uun, iyo qoraalka ugu horreeya ee ishaydu qabato. Maqaal aad u gaaban oo dhawr sadar ka kooban, ciwaankiisuna ahaa ”Todoba Qof Oo Lagu Tuhmay Al-Shabab Oo Lagu Xidhay Dalka Belgium” ayaan inta gef ee ku jirta erayada labalaabma soo qabtay. Sida ayay ceebtii noqotay:

Todoba, Dawlada, tababaro, caasimada, waramaya, xukuumada, dagaalameen, xili, dhamaantood, haatana, hadii, cadaatana. Inta xaraf ee aan hoosta ka xarriiqay lammaanahoodii waa laga tegay, sidaa darteed af soomaali hagaagsan ma aha. Ka hadli maynno siyaalaha kale ee afka loo bahdilayo.

Bal haddaba qofka soomaaliyeed marka uu wax qorayo erayada kor ha ugu dhawaaqo, oo ha dhegaysto hana dhadhansado sida dhawaaqu carrabka ama dibnaha ugu dhacayaa in ay adag tahay iyo in ay fudud dahay. Xalka kale anigu  ma hayo.

 

 

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed

Ibraahinhawd@hotmail.com