Hargeysa(Ramaas)September.14,2017-Waxa xalay wakhti ku dhaw 1 habeenimo shil baabuur uu ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa gaar ahaana wadada wayn ee isku xidha Madaarka magaalada Hargeysa iyo suuq waynaha caasimada,waxaana shilkaasi baabuur galay lamaane Hargeysa xalay ku aqal galayay oo aroos ahaa.

Shilkan baabuur ayaa ahaa isku dhaca laba gaadhi oo ah kuwa raaxada ee loo yaqaaano Wan Tan (110), waxaana dhaawacyo culus ay soo gaadheen lamaanihii is aroosanayay ee Hargeysa ku aqal galayay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail,com