Oslo Oo Habeenkii Xalay Lagu Qabtay Kulan Balaadhan Oo Lagu Daahfurayey Buugga Cusub Ee Gorfaynta Silsiladii Deelley Oo Uu Qoray Qoraaga Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” + Sawiro.

 

Oslo(Ramaas) Apr.02, 2012 – Magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway, ayaa habeenkii xalay lagu qabtay kulan balaadhan oo looga gol-lahaa daahfur buugga cusub ee “Gorfaynta Silsiladii Deelley.

Buuggan oo uu qoray qoraaga Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”, waxa uu ka dhashay cilmi baadhis ama gorfayn uu qoraagu ka sameeyey, labada buug ee “Diiwaanka Maansadii Deelley” iyo “Deelleey Saadaal Rumowday” oo ay kala qoreen Axmed Faarax Cali “Idaajaa” iyo Ibraahin Cawad “Khooli” oo buugga hore qoray iyo Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe” oo buugga dambe qoray.

Qoraaga Ibraahin-Hawd oo isugu habeenkii xalay ku sugnaa madasha daahfurka buugga uu qoray, ayaa si qoto-dheer uga waramay waxyaabihii ku kalifay qorista buuggan, isla markaana goobta ku soo bandhigay xog dhameystiran oo ka waramaysay Silsiladii Deelley. Waxaana uu gorfayn ku sameeyey labadaa buugg ee hore looga qoray, taas oo uu ku saleeyey cilmi baadhistiisa: waxyaabaha labada buug ku kala duwan yihiin, marka loo eego maansooyinka ay werinayaan iyo waliba maansooyinka ay isku si u tebinayaan. Waxa kale oo uu si balaadhan uga waramay kooxihii/maansoyahnadii kala afkaarta duwanaa ee ka qayb-qaatay intii ay socotay silsiladu, kuwaas oo uu iyana dadweynihii kulanka ku sugnaa sawir dhameystiran ka siiyey.

Waxa kale oo iyana xiiso gaara lahayd, iyada oo uu kulanka jooggay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” oo isagu ahaa qofkii bilowga iyo bud-dhigahaba u ahaa silsiladaa Deelley. Waxaana uu madasha ka jeediyey hadal dheer oo uu uga gol-lahaa in uu ku bayaamiyo, sifihii ay ku bilaabantay silsiladu iyo duruufihii xilligaa taagnaa ee sababay unkankeeda. Abwaan Gaarriye waxa uu sharaxaadiisaa dheer afeef uga dhigtay, maadaama siyaabo kala duwan wax looga qoray, isla markaana qolaba sidii ay jeclayd u werisay.

Madasha oo ay ka hadleen dad fara badani, waxa iyana ka mid ahaa dadkii ka hadlay hal-abuurada Cabdillaahi Saleebaan Bidde iyo Aadan Looshade, oo ay weedhahoodii ka mid ahaayeen xog-waran ku saabsan silsilada deelley, iyaga oo dhanka kalena wax ka yidhi hodanimada Af-Soomaaliga.

Ugu dambayntii kulankii daahfurka buugga “Gorfaynta Silsiladii Deelley” oo ku soo gabagaboobay su’aalo ka qaygalayaashu weydiiyeen, qoraaga buugga Ibraahin-Hawd iyo Abwaan Gaarriye, ayaa waxa iyaduna barbar socotay iibsashada nuqulada buugga. Waxaana mahadnaq balaadhan halkaa looga soo jeediyey Bahda shabakada Ramaasnews oo iyagu suurto galiyey qabsoomida kulankaas.

 

 

Ramaasnews Desk

Oslo, Norway.