Hargeysa(Ramaas)May.15,2017- Ciidammada gadooday ee dalka Ivory Coast ayaa sheegay in aanay gadoodka joojinayn ilaa ay dowladda ka siiso gunnooyinkooda.

Rasaas culus ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhacayso labada magaalo ee ugu waa weyn dalka Ivory Coast xilli milateriga dalkaasi uu wado howlgal lagu soo celinayo kala dambeynta kaddib afar maalmood oo ay qeyb ka mid milaterigu uu sameeyay gadood ku aaddan muran la xiriira bixinta gunnooyin u dhinnaa.

Dadka ku nool caasimadda ganacsiga dalkaasi Ivory Coast ee Abidjan, ayaa sheegay in la maqlayay rasaas ka dhacaysa laba saldhig oo uu leeyhay milateriga kuna yaal bariga magaalada.

Waddooyinkii ayaa la dhigay jidgooyooyin, iskuuladii iyo xafiisyadiina waa la xiray

Askartan waxay horay uga tirsanayeen fallaagadii sanadooyin ka hor xukunka in uu qabto u suurtageliyey madaxweyne Alassan Ouatara.

Haatan waxa ay qeyb ka yihiin ciidanka dowladda.

Waxay ka caraysanyihiin in meesha laga saaray heshiis dhigayey in la siiyo lacagahoodii gunada ahaa ka hor inta aanan la siin mushahaarkooda.

Dowladda ayaa markii ka aqbashay dalabaadkooda, oo waxa ay helaan qeyb ka mid gunnada ay doonayaan dhamaadkii bishii hore.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay la wareegeen magaalada labaad ee dalka ee Bouake. Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay rasaasta la ridiyey hal qofna waxa uu u dhintay dhaawacyadii soo gaaray.

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com