Hargeysa(Ramaas)March . 3, 2016-Ciidamada booliska somaliland gaar ahaana ciidamada gaarka loo tababaray ee RRU-da ayaa  u daatay hooyga uu magaalada hargeysa ka dagan yahay taliye qaybeedkii hore ee gobolka togdheer Mudane Gashaanle Axmed Xassan Cabdiraxmaan (Ilkacase).

Mudane Ilkacase Ayaan isagu wakhti xaadirkan ku sugnayn magaalada hargeysa, waxaana uu ku sugan yahay magaalada burco balse ciidamadu markii ay u dateen aqalkay waxay la kulmeen caruurtii iyo xaaskii uu qabay taliyuhu iyaga oo dib iskaga soo noqday.

Mudane Ilkacase ayaa hada isagu ah masuul ka tirsan xisbiga wadani, ilaa hadana lama garanayo cida amarka soo baxisay iyo sababta ka danbaysa in ay ciidamadu u daataan hoyga uu magaalada hargeysa ka dagan yahay taliyiihi hore gaashanle Axmed Xasan Cabdiraxmaan Ilkacase.

Waxii warara ee ssoo kordha kala soco shabakada wararka Ramaasnews.

 

Ramaasnews-desk

Ramaasnews@gmail.com

Hargeysa/Office