Hargeysa(Ramaas)September.14,2017-Ciidamada Booliska ee kaantaroolka Caabudla Ee gobolka Gabiley ayaa rasaas ku dilay laba nin oo Oromo ah,halka midkalena dhaawacmay.

Labadan nin ee Oromada ah ee ay ciidamadu dileen ayaa ahaa waxay la socdeen Bas siday Oromo Tahriib ah ,waxaana uu darawalkii basku isku dayay inuu ka baxsado Kaantaroolka,ciidamada Booliskuna waa ay ka daba tageen markii ay gaadhi waayeen ayay ciidanku gaadhiga Rasaas ku fureen.

Waxaana rasaasta ay ciidanku gaadhiga oo ay ka shakiyeen ku fureen ku dhintay laba nin oo Oromo ah halka mid kalena uu ku dhaawacmay,waxaana ay ciidamadu gacan kusoo dhigeen gaadhigii Oromada Tahriibta ah siday.

Xukuumadda Somaliland ayaa amartay in la xidho askartii rasaasta furtay,waxaana lagu guda jiraa baadhis.

Wakhtigan Labada Oromada ah ay ciidanku dileen ayaa waxay kusoo beegmaysaa wakhti dorraad ay qoomiyada Oromada oo gadoodsan ay dileen 17 nin oo ah ganacsatada Jaadka kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland kuna ganacsanayay magaalada Haawaday oo ah xarunta qaadka Somaliland looga soo qaado.

 

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com
Hargeysa/Officea