Hargeysa(Ramaas)July.17,2017-Wararka aan helayno ee nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in xalay ilaa shalay galinkii danbe ay ciidamada Booliska Hargeysa ay xidh-xidheen dhalinyaro iyo waalidiin ku nool xaafadda Cabaaye ee magaalada Hargeysa.

Xaafaddan oo shalay uu askari ka tirsan ciidamada Boolisku ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa waxa la sheegay in shalay subaxii ay isku laayeen xaafadda dhalinyaro laba kooxood ah oo ka kala socday xaafadaha Cabbaaye iyo Daami oo ka tirsan degmada Gacan-libaax  kuwaas oo xidhay wadooyinka xaafadaha,intaasi ka dibna ay ciidamada Boolisku goobta soo gaadheen.

Waxaana ciidamadan ay xalay xidh-xidheen qaar kamid ah waalidiinta dhalay dhalinyaradii isku dhagax tuurayay xaafadahaasi ee labada kooxood isku laynayey iyo qaar kamid ah dhalinyaradii is laynayay,waxaana ciidamadu ay xalay gaaf wareegayeen sida ay noo sheegeen dad goob joog ahaa  wadooyinka mad-madow ee xaafadahaasi,sidoo kalena ciidamadu waxay xidh-xidheen haween ka gadooday dhimashada labadan wiil ee askarigu dilay,kuwaas oo la sheegay inay dhagaxaan ku shiideen ciidamada Booliska.

Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaan iyagu ilaa hadda  ka hadal dhacdadii shalay ka dhacday xaafadda Cabbaaye ee magaalada Hargeysa isla markaana askarigu ku dilay labada wiil ee dhalinyarada ah kuwaas oo ilaa hadda maydkoodu yaalo cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Gabagabadiina arrinkan dhalinyarada koox-kooxda isku laysa iyo budhka habeenkii dadka baadha kana furta waxay haystaan ayaa hadii aan waxba laga qaban waxay horseedi karaan khal-khal nabad galiyo darro.

 

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com