Hargeysa(Ramaas)Nov.6,2017-Warbaahinta dowladda Sucuudiga ayaa sheegeysa in amiir ka tirsan boqortooyada dalkaasi iyo dhawr sarkaal oo kale ay ku dhinteen diyaarad ku bururtay meel u dhow xudduudda uu dalkaasi la wadaago dalka Yaman.
Diyaaradda burburtay ayaa lagu sheegay in ay tahay nooca qumaatiga u kaca ee heelikobtarka loo yaqaan, waxayna ku burburtay meel u dhow magaalada Abhaa ee ku taal koonfurta dalkaasi.
Amiirka oo lagu magacaabo Maansuur Bin Muqrin ayaa ahaa ku xigeenka barasaabka gobolka Casiir, waxaana dhalay dhaxal sugihii hore ee dalkaasi Muqrin Al-Sacuud.
Ilaa iyo haatan ma cadda sababta keentay in diyaaraddu ay burburto
Sucuudiga ayaa hormuud u ah xulufo caalami ah oo dagaal kula jiro maleeshiyaadka fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yaman.
Milatariga dalkaasi Sucuudiga ayaa maalintii sabtiga ahayd waxa uu toogtay oo uu soo riday gantaal laga soo riday dhanka dalka deriska ah ee Sucuudiga.

 

Ramaasnews-desk
Ramaasnews@gmail.com