Hargeysa(Ramaas)Oct.13,2017-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xalay amaanka magaalada Laascaanood aad loo adkeeyey isla markaana wadooyinka magaalada lagu soo daadiyay ciidamo.

Waxaanay xogahan sheegeen in ciidamadan xalay lagu soo daadiyay gudaha Laascaanood ay iskugu jireen Ciidamada Qaranka iyo Booliska ee ku sugan magaalada,kuwaas oo sugayay amaanka isla markaana baadhayay gaadiidka.

Ujeedada loo adkeeyey amaanka magaalada Laascaanood ayaa waxay sheegeen in ciidamadu ay dareemeen dhaq-dhaqaaq ciidan oo dhanka kooxda Khaatumo ah,kuwaas oo ciidamo usoo direy deegaanka gobolka Sool,waxaana ay diidan yihiin in gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ay ka dhacdo doorasho.

 

Sidoo kalena waxa xalay ciidamado tiro badan lagu soo daadiyay sida ay wararku nagu soo gaadhayaan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil,kuwaas si aada u adkaynayay amanka magaalada,waxaana sidoo kale ciidamadu ay xalay  si aada u baadhayeen gaadiidka maraya jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Booliska ayaa markaste heegan u ah adkaynta nabadgaliyada iyo xuduudaha Somaliland.

 

 

Ramaasnews-desk